Sign in to follow this  
General Duke

Pres Yusuf Speaker Sharif arrive in Adis on route to Sudan

Recommended Posts

Madaxwaynaha DFKGS iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo yimid

 

Magaalada Adis-Ababa , ugana sii gudbi doona dalka Suudaan.

 

{Adis'ababa}07.01.06

 

Madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa saaka kasoo duulay magaalada Cadan ayagoo u soo duulay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya......

 

 

Wafdigan ayaa markii ay soo gaareen Itoobiya waxaa garoonka diyaaradaha ee Adis-Ababa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda dalka Itoobiya .

 

Waxay kulamo la yeelan doonaan ilaa galinka danbe ee maanta raysulwasaaraha dalka Itoobiya Males Zanawi iyo xubno sar sare oo katirsan dawladda Itoobiya.

 

Kulamadaasi kadib waxay wafdigu kulamo gaagaaban la qaadan doonaan Jaalliyadda Soomaalida ee kunoo dalka Itoobiya kuwaasoo ka mid ah jaalliyadaha ugu badan ee kunool dalalka dariska ah .

 

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee ay wada galaan madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Md: C/llaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka sidii loo dhisay dawladda Soomaaliya.

 

Wafdiga ayaa la filayaa inay u sii gudbaan magaalada Khartoum ee dalka Sudan halkaasi oo uu ka dhacayo shir ay leeyihiin madaxda dalalka Afrika.

 

Farxaan Yasin Mire (ISQOOTAX)

 

 

isqootax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

....Waxay kulamo la yeelan doonaan ilaa galinka danbe ee maanta raysulwasaaraha dalka Itoobiya Males Zanawi iyo xubno sar sare oo katirsan dawladda Itoobiya.

Ma lagayaabaa in Shariifku lagu soo dhufan rabo cirbadahii talaalka ahaa ee hadda ka hor C/yusuf Meles ku soo dhuftay? Balse haddise lagu dhufto side effect-iga cirbahda & Shariifka isla noqon doonaan? the outcome? :D:D

 

Aanu aragno bal

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this