Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Orodyahanka Soomaaliyeed ee Cabdullaahi Jaamac

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Cabdulaahi Jaamac Maxamed oo kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000m ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Cabdulaahi Jaamac Maxamed sida uu u matalay dalkiisa, isagoo tilmaamay in guusha uu gaaray ay tahay mid taariikhi ah oo dhiirigelin u ah ciyaaraha fudud ee dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Cabdulaahi Jaamac Maxamed ayaa kamida cayaaryahannada firfiecoon ee Qaranka, wuxuuna guulo wax ku ool ah ka soo hooyay tartammo badan oo uu Soomaaliya ku matalayay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this