Sign in to follow this  
General Duke

Latest on South Mudug tension......

Recommended Posts

^^^Back to the topic..

 

Galkacyo:Ciidanka Daraawiishta Puntland aya gaaray Waqooyiga Bandiiradley .

Posted to the Web Nov 13, 21:40

 

 

Gaalkacyo: (pp) - Waraka naga soogaaraya aaga dagaalka ee jiida hore ayaa sheegaya in ay gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta puntland waqooyiga Bandiiradley halkaasi oo ay ka dheceen dagaalo aan sidaas u sii xoog badnayn.

 

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Aagaga Mudug Maxamud Muuse (ilka dheere) oo saxaafada kula hadlayay aaga dagaalka ee waqooyiga Bandiiradley ayaa sheegay in ay puntland is difaaci doonto, islamarkaana aysan cidna weerar ku ahayn balse hadii lagu soo gar******o ay xoog isku difaaci doonto, taliyaha ayaa intaa ku daray in wixii halkaas hada ka dib ka dhaca ay eedeeda dagaal iyo dhibta ka dhasha ay dusha uridan doonaan cidii ku soo duusha dhulka aanu gacanta ku ahyno ee nabada ah, islamarkaana la isaga daba xisaabtami doono oo aan nina loogu aaba yeelayn.

 

Xoogaga Ciidanka Daraawiishta oo wata baabuurta gaashaaman ee dagaalka ayaa gaaray aaga hore ee dagaalka gaar ahaan waqooyiga bandiiradley sida ay nagu soo gaarayaan wararkii ugu danbeeyay ee hada naga soo gaaraya bandiiradley iyo aaga dagaalka.

 

Ciidanka Daraawiishta ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen waqooyiga Bandiiradley warka ayaa intaa ku daraya in ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii maxaakiimta ee shalay gacanta ku dhigtay Bandiiradley kaddib markii ay arkeen xoogaga ku soo fooleh oo aysan u babacdhigi karin.

Kabixida maxaakiimta ee bandiiradley ayaa timid ka gadaal xooga iyo quwada ciidanka puntland ee ku sii siqaya Bandiiradley hadana gacanta ku haya waqooyiga Bandiiradley oo dhan iyaga oo sheegay in ay halkaasi u tageen sidii ay uga sifayn lahaayeen Bandiiradley wax ay ku tilmaameen burcad dhulbalaarsi wada oo aan loo dulqaadan doonin waa sida ay hadalka u dhigeene.

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in ay hada ka jiraan aaga hore ee dagaalka cabsi dagaal oo laga cabsi qabo in ay fooda isdaraan ciidamada maxaakiimta iyo kuwa puntland oo aan sidaa u kala fogayn, dadbadan ayaa ka qaxaya guryahooda ee ku kala yaala Galinsoor, Cadaado, Bandiiradley oo intuba ah bartilmaameed dagaal caawa.

 

 

Xaalka ayaan lasaadaalin karin iyo sida ay wax noqondoonaan balse waxaa la ogaan doona warka oo dhan marka ay wax dhacaan cida ku adkaada gacan ku ahynta dhulka dagaalku uu ka taagan.

 

Xoogaga Ciidanka Daraawishta puntland ayaa sheegay in ay awood u leeyihiin in ay dhulkooda difaacdaan xaqna ay tahay in ay is difaacaan hadii lagu soo duulo iyaga oo aan nina u aabayeelayn.

 

 

 

Siqida ciidnanka Daraaiishta ee waqooyiga Bandiiradley ayaa waxaa ku weheliya Culumo awdiin iyagu u khudbeeyay ciidanka daraawiishta oo halkaasi u tagay sidii ay ciidanka ula qaybsan lahaayeen difaacida dalka isla markaana ay uga dhaadhicin lahaayeen waxa ay diinta islaamku ka qabto difaacida dalkooda.

 

Ciidamada Puntland ayaa waxay iskaashanayaan kuwa deegaanka ee uu ka soo jeedo Col. Cabdi qaybdiid oo markii looga soo adkaaday Muqdisho cagaha soo dhigay deegaanka Mudug oo ah goobaha uu hada difaaca kagala jiro kuwa Maamul-goboleedka Puntland.

 

A/rizak koronto, puntlandpost.com

Garowe Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

waraa duke maxaa waaye ticknika aa meesha latimaade....lee hub oo casri ah aan kasugaay muse cadde ....kii qanyare uu wax kuqaadiwaaye lee keenteen .....see camel sxb (*_*)

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

being a Fadhi ku dirir won't do the job,I'll just sit this out and see how things go,hopefully they turned out to be the best for everyone except the criminals such as Qaybdiid.Let the truth prevail Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ONLF oo beenisay in ay jidka u gashey Ciidan uu watey Korneyll Cabdi Qaybdiid

 

 

Mogadishu 14, Nov.06 ( Sh.M.Network) – Mas'uul ka tirsan jabhadda ONLF ayaa beeniyay warar sheegaya in ciidamadooda weerar ay la beegsadeen maleeshiyooyin taageersan Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, xilli ay dhex marayeen dhulka Soomaaliyeed ee Ethiopia ay gumeysato, iyadoo hadalkaasina uu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

 

Wakiilka Jabhadda ONLF ee Somalia idiris Sheekh Axmed oo shabelle la soo xiriirey ayaa gaashaanka ku dhuftey wararka sheegaya in ciidamadood ay weerareen ciidamo uu watay Col. Cabdi qeybdiid, Isagoo sheegay in dagaalyahanadooda ay yihiin kuwo ugaarsada oo kaliya ciidamada Ethiopia oo kaliya si ay uga xureystaan dhulkooda, waxa uuna intaasi raaciyay in dagaalyahanada ONLF ay yihiin kuwo ku shaqeeya Mas'uuliyad iyo kala dambeyn.

 

Wakiilka waxa uu sheegay in ay dagaal kula jiraan ciidamada Ethiopia oo uu sheegtay in mar kasta ay qasaaro u geeystaan waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in miinooyin ay dhigeen ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah.

 

Hadalka wakiilkaan ayaa soo ifbaxay maalin ka dib markii warbaahinta qaar ay shaaciyeen in kolonyo uu wato Col. Cabdi Qeybdiid ay jidka u galeen Jabhadda ONLF

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this