Sign in to follow this  
General Duke

Latest on South Mudug tension......

Recommended Posts

13-11-06: 04-11-06 {Allmudug.com}

 

Cabdi Qaydiid oo xalay soo galay Gobolka Mudug iyo Ciidamada Puntland oo heegan Sare La galiyey iyaga oo ku Gaashaaman Hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Ugu yaraan Dhoor Boqol oo Baabuurta Dagaalka ah iyo Ciidamo Farabadan oo Gaaraya dhoor kun oo Askari ayaa heegan buuxda la galiyey kuwaas oo ay ka mid yihiin Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Puntland iyagoo saaka ku sii siqaya Degaanka Bandiiradley.

 

Xiisadaha Colaadeed ee ka taagan Gobolka Mudug ayaa la sheegayaa in ay u muuqato dagaalo ka dhici doona halkaas iyadoo xalay uu soo galay Col: Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo xalay si kadis ah baydhabo ugu soo baxay kuna soo galay Gobolka Mudug ee Galkacyo ayaa la filayaa in uu weerar ku qaado maleeshiyooyinka Midowga Maxaakiimta ee Weerar Gaadma ah ku qaaday Ciidamada Cabdi Qaydiid ee ku sugnaa Bandiiradley.

 

Si kastaba ha ahaatee Dagaalkii shalay dhacay ay markii hore waxaa laga awood batay ciidaamada cabdi qayiid in kastoo ay ka soo gaareen oo caabiyeen ciimada puntland oo soo qab qabtay maxbuus farabadan oo haatan ku xiran xabsiga magalada galkacyo kuwaas oo haatan laga qaadi doono tilaabo sharciya.

 

Dhanka kale Maleeshiyooyinka Midowga maxaakimta ayaa dhimashidii iyo dhawacii ka soo gaaray dagaalkaas la geeyey Magaalada Cadaado iyadoo aysan jirin ilaa iyo hada in ta khasaaruhu la’eg yahay.

 

Isku soo wada duuboo Col: Cabdi Qaydiid iyo Madaxweyne Cadde muuse oo iyagu soo kala galay xalay iyo shalay gudaha magalaada galkacyo ayaa iyaga la filayaa in ay weearar galiyaan ciidankooda ugu xooga badan oo ay weerar ku qaadayaan maleeshiyooyinka maxaakiimta ee weerarka ku soo ah Gobolka Mudug.

 

Farxaan Yasin Mire {isqootax} isqootax@hotmail.com

 

webmaster@allmudug.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandiiradley: Degmada Badniiraley oo ay ka taagan tahay cabsi dagaal iyo labada ciidan oo wali is hor fadhiya.

Isniin, November 13, 2006

 

Bandiiradley (AllPuntland)- Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa ka soconaya abaabul dagaal oo aad u xoog badan iyada oo 12kii saac ee aannu soo dhaafnay aysan dhicin wax iska hor imaad ah.

 

Ciidamada Col. Cabdi qabdiid oo ay iskaashanayaan ciidamada Puntland ayaa waxa ay ku sugan yihin duleedka magaalada Bandiiradleey, halka ciidamada maxakmadaha magaalada Muqdishana ay ku sugan yihiin gudaha magaalada.

 

Waxaa horay looga cabsi qabay in dagaal aad u kharaari uu dhex maro labada dhinac, maadaama ay labada ciidan isku muuqdaan oo aysan u dhaxay masaafo badan.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa waxa ay inoo sheegeen in uu jiro diyaar garoow dagaal oo labada dhinac ah, balse aan la qiyaasi karin xilliga uu dagaalkaasi dhici karo.

 

Degmooyinka Cadaado iyo Galinsoor ayaa waxaa ka taagan qax aad u fara badan, iyadoo dadku ay ka cabsi qabaan in dagaalku uu degeenadooda ku soo fido oo u dhibaato gaarsiiyo.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka yimid Puntland oo caawa ka soo ruuqaansaday Gaalkacyo, iyada oo haatan ay degan tahay Bandiiradleey ka dib dagaal xoog leh oo saakay ka dhacay

 

Deegaanka Bandiiradleey oo ka tirsan gobalka Mudug ayey Saraakiil u hadashay Maxaakiimta Islaamiga ah xaqiijiyeen in ay gacanta ku dhigeen ka dib dagaal xoogan oo ay la galeen ciidamada Cabdi Qeybdiid iyo kuwa Puntland.

 

Afhayeenka golaha Maxaakiimta ee Gobalada dhexe Shiikh Cagaweyne ayaa sheegay in Duulaan saakay lagu soo qaaday ay keentay in ay gacanta ku dhigaan Deegaanka Bandiiradleey, isaga oo sheegay in ay qasaarooyin fara badan gaarsiiyeen Ciidamada Cabdi qeybdiid.

 

Afhayeenkan waxa uu sheegay in caawa ay xaalada degan tahay welina ay deegaanadooda sii joogi doonaan waxa uuna meesha ka saaray in puntland ay weerar ku yihiin.

 

Wararka ka imaanaya Caawa Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Puntland ay ka soo talaabeen magaaladaasi iyada oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin jiidaha hore ee Dagaalka si ay uga hortagaan Ciidamada Maxaakiimta islaamiga ah.

 

 

Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Xubnaha golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa waxa ay ku go’aamiyeen in la iska difaaco wax ay ugu yeereen Weerarada qaawan ee kaga imaanaya rag sheeganaya magic diimeed, waxa ayna hoosta ka xariiqeen in aysan u dulqaadan Karin in maalinba meel laga soo sheego Maxaakiimta.

 

Xaalada guud ayaa haatan degan inkastoo ay jiraan cabsi ay qabaan dadka ku nool Degmada Gaalkacyo kuwaas oo ka baqanaya in dushooda uu dagaal qaraar ka dhaco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE: Puntland oo eeda dagaalkii dusha u saartay maxaakiimta

Posted to the Web Nov 13, 09:13

 

 

Garoowe : Wasiirka warfaafinta DGPL Cabdirixmaan Bankax ayaa ku eedeeyay maxaakiimta Muqdisho in ay dagaal gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamadooda jooga aaga hore ee dalkaallka maalintii shalay , balse buu yiri ay iska caabiyeen iskana difaaceen. Wasiiraka ayaa eeda dagaalka duhsa uga tuuray kuwa maxaakiimta waxana uu yiri wixii dhib ah ee ka dhaca Bandiiradley iyo aageeda waxaa eeda dhibkaas qaadanaya kuwa duulaanka ku ah dhulka nabada ah waa sida uu hadlaka u dhigaye.

 

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdirixmaan Banakax ayaa ka mid ahaa waftigii u raacay madaxwaynah DGPL Gen: cade muuse magaalada Galkacyo, kagadaal markii laga soo sheegay aaga galkacyo in ay ka dhacayaan dagaalo u dhexeya maxaakiimta iyo kuwa Col: Cabdi qaybdiid oo taageero ka helaya kuwa DGPL.

 

Wasiirka oo warfidiyeenada kula hadlayay gudha gaalkacyo ayaa sheegay in ay hada ciidamada puntland ku sugan yihiin meelahoodii islamakraana ay lawaregeen goobo kale oo aysan awal horay u joogin sidoo kale wasiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in gaadiid dagaal iyo maxaabiis laga qabsaday puntland waxana uu yiri beentu meel gaari mayso ninki been sheegana waa nahaab kaadib ah oo ilaah iyo islaamba ka furta diintana ka beensheegay, wadaadadu waxay sheeganayaan wadaado hadana waxay ku hadlayaan hadalo been ah waana arrin la yaab leh in nin wadaad sheeganaya uu gudbiyo fariimo been abuur ah.

 

Xaalka ka taagan goobaha dagaaladu ka dhaceen ayaan ilaa iyo hada si waadixa u cadayn waraka ugu danbeeyay ee aaga dagaalkuna waxay sheegayaan in ay hada is horfadhiyaan ciidamada maxaakiimta iyo kuwa puntland oo isu jira masaafo yar oo il qabatin ah, walow aysan wali dagaal labada dhinac ee amxaakiimta iyo puntland uusan dhexmarin tan iyo intii ay maxaakimtu ku soo biireen fagaaraha maslaxa siyaasada Somaliay islamarkaana ay ka itaal roonaadeen qab qablayaashii dagaalka ee soomaaliya.

 

wararka ayaa isa sootaraya lamana saadaalin karo sida ay wax isku badalidoonaan waqtiyada soo socda, waxaase laga cabsi qabaa waa dagaal dhexmara ciidanka maxaakiimta iyo kuwa puntland. Wuxuuna madaxweyne Cadde Muuse qaaday talaabadiisii ugu danbaysay wuxuuna ciidamo guutooyin gaaraya ka saaray magaalada Gaalkacyo , isagoo ku xoojiyey saraakiilsha ciidanka Daraawiishta Puntland.

 

A/rizak Aadan koronto

Garowe Puntland Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii shalay dhacay ay markii hore waxaa laga awood batay ciidaamada cabdi qayiid in kastoo ay ka soo gaareen oo caabiyeen ciimada puntland oo soo qab qabtay maxbuus farabadan oo haatan ku xiran xabsiga magalada galkacyo

ciidamada Puntland ayaa waxa ay ku sugan yihin duleedka magaalada Bandiiradleey, halka ciidamada maxakmadaha magaalada Muqdishana ay ku sugan yihiin gudaha magaalada.

:confused: :confused: :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandiiradley: " Xeel dagaal ayan dib ugu gurannay ,nalakamana guulaysan" sargaal u hadlay Ciidanka Cabdi Qaybdiid..

Isniin, November 13, 2006

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Bandiiradley(AllPuntland)- Garab kamid ah garabyadii shalay ku dagaallamay deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug oo ah dhinaca Cabdi Qaybdiid ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii shalay dhacay.

 

Sargaal sare oo ka tirsan ciidanka Cabdi Qaybdiid oo lagu magacaabo Dhagawayne ayaa sheegay in dagaalkii shalay aan looga adkaan ,ee sababo dagaal oo jira ay dib ugu gurteen.

 

Sargaalkan wuxu kaloo sheegay in dagaalka ay maxkamadaha kula jiraan uu bilow yahay , dibna ay deegaanka uga saari doonaan kooxaha kusoo duulay.

 

Dhinaca Cabdi Qaybdiid waxay beeniyeen in Gaalkacyo ay maxkamaduhu u dhow yihiin , waxayna sheegeen inay in yar gadaal ugu gurteen .

 

Waxaa kaloo sargaalkan u hadlay Cabdi Qaybdiid uu beeniyay in dagaalkii shalay ay guuldaro kasoo gaartay.

 

" Dib u gurashadeennu muujin mayso in nalaka guulaystay" ayuu yiri dhaga wayne oo u hadlay ciidanka Cabdi Qaybdiid.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dagaalkii shalay maxkamadaha looga dilay shan askari , saddex gaarina looga qabsaday, halka Col: Cabdi Qaybdiidna saddex gaari halkaasi looga qabsaday.

 

Xiisadda dagaal ayaa ah mid jirta , ciidamo badan ayaana halkaasi ay ku daabbulayaan dhinacyada iska soo horjeeda.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xeel dagaal
ayan dib ugu gurannay ,nalakamana guulaysan" sargaal u hadlay Ciidanka Cabdi Qaybdiid

Must be Col. Barre Hiiraale who provided that tip. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

^^^^Xeel dagaal ayan dib ugu gurannay ,nalakamana guulaysan" sargaal u hadlay Ciidanka Cabdi Qaybdiid

 

leave barre alone ) smile.gifsmile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabhadda ONLF oo wadada u gashay qeybdiid khasaare fara badanna u geystay kadib dagaal qaraar oo kudhex maray dhulka Ismaamulka Soomaalida.

 

 

Gaalkacyo, 13-November-06 ( Qaadisiya.com) Wararka naga soo gaaraya Dhulka Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaasi wadada loogu galay Dagaal ooge Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo xalay kasoo ambabaxay magaalada Baydhabo isagoo soo maray xudur.

 

Cabdi qeydiid iyo maleeshiyadiisii oo kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo isla markaana doonayay in uu kasoo galo gaalkacyo dhanka dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in meel u dhaw Mustaxiil ay israsaaseyn xoogan kudhex Martay isaga iyo Jabhadda Ogaadiniya oo halkaasi fariisin kuleh.

 

Wararka qaar oo qaadisiya kasoo gaaraya Deegaanadaasi ayaa waxa ay sheegayaan in qeybdiid laga gubay gawaari dagaal oo uu lasocday, waxaa sidoo kale jirta warar sheegaya in isaga khudhiisa gacanta lagu soo dhigay inkastoo warkaasi uu yahay weli mid aanan lagu kalsoonaan Karin.

 

Xiriir deg deg ah oo Shabakadda Islaamiga ah ee qaadisiya ay la sameysay mas'uuliyiinta ONLF ayaanan u suurta gelin in ay hesho xaaladda oo kacsan awgii.

 

Majirto illaa iyo iminka wax ay soo bandhigaan Jabhadda ********iya oo ku aadan khasaaraha ay u geysteen C/qeybdiid oo weerar kale la damacsanaa bandiiradleey isagoo Magaalada Baydhabo laga soo hubeeyay inkastoo Jabhaddani ay wadada u gashay, sidoo kale Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka oo Qeybdiid kusoo hubeysay Magaalada baydhabo.

 

Waa jabkii labaad oo Allaah uu ku rido Dagaal Ooge Cabdi qeybdiid oo damacsan in uu la dagaalamo rag u istaagay in Umadda Soomaaliyeed ay wadankooda ugu noolaadaan raaxo iyo in aanan lagu dhibin diintooda.

 

Wixii kusoo kordha wararkani kala socda wararkeena dame ee Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by General Duke:

13-11-06: 04-11-06 {Allmudug.com}

 

 

Ugu yaraan Dhoor Boqol oo Baabuurta Dagaalka ah

LOL@Dhoor Boqol...waryaa that is bit to much.

 

Dhoor boqol means at least 200 well armed trucks mounted with heavy artillery. I don’t think even the US employed that many vehicles in their assault against Iraq back in 2003. That number is way exaggerated. Little moral support is understandable but c’mon don’t insult our intelligence with something like this.

 

Duke,

 

I know you only posted what was reported but this is way over the top, don’t you think?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Warbixin::Dagaalka Gaalkacyo Iyo Ciidamo Laga Sooraray Adhicadeeye

 

(Laascaanood}13.11-06

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoog badan ayaa lagu soo waramayaa inay ka jiraan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii halkaasi ay so gaareen maleeshiyooyin dheeraad ah oo ka yimid dhinaca Puntland iyo ciidamo itoobiyaan ah sida ay ku soo waramayaan goobjoogeyaal halkaasi ku sugan. ...............................

 

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan oo hal dhinac ah ayaa waxaa wada maamulka Puntland iyadoo abaabul kiisii ugu xumaa uu ka jirro gudaha magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka yimid dhinaca Garoowe iyo Boosaaso iyo kuwo la sheegay inay Itoobiyaan yihiin ayna gacan siinayaan maleeshiyooyinka Punt-land waa sida ay nagu soo gaadhayaan wararka aan ka helayno magaalada gaalkacyo'e.

 

Dad gobjoogeyaal ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo oo dalbaday inaan magacooda la shaacin sababo xagga amniga ah ayaa noo shegay in ay magaalada soo gaareen ciidamo itoobiyaan ah oo wata baabuur dagaal in kastoo ay ka gaabsadeen tiradooda iyo halka ay ku sii jeedaan.

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa shegay in ciidankii Puntland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Adhicadeeye loo soo wareejiyay dhinaca Gaalkacyo si ay ugu biiraan abaabulka dagaal ee ka jira aagaasi.

 

Cabdi Xirsi Dhegoweyen oo ah sarkaalka u qabilsan PuntLand jiida Bandiiradley ayaa sheegay in ciidankii Adhicadeeye loo soo raray dhinaca Gaalkacyo islamarkaana ay ka qaybqaadan doonaan xiisadaha ka jira deegaanka.

 

Col Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo kamid ahaa Isbahaysigii xidida loo siibay oo iminkana la sheegay inuu abaabul dagaal oo ka dhan ah Maxkamadaha uu ka wado gobolada dhexe ayaa lagu soo waramayaa in isagana habeenkii xalay ahaa uu ka baxay magaalada Baydhabo si uu ugu biiro aaga gaalkacyo isagoo weliba la sheegay inuu wato 20 baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay saaran yihin maleshiyooyin u badan kuwii Puntland ee hore loo geeyay gobolka Bay.

 

Masuuliyiinta Maxkamadaha ee ku sugan gobolda dhexe gaar ahaan aaga bandiiradley ayaa sheegay inaanay xagooda ka jirin wax abaabul weerar ah oo ay ku qaadayaan Gaalkacyo balse ay diyaar u yihiin inay daafacaan aagaga ay joogaan hadii ay dhacdo in la soo weeraro islamarkaana cawaaqibteeda ay dusha saran doonaan Cidii weerarka soo qaaday.

 

Widwidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Maxkamaduhu waa beel rabta inay beel kale dhulkeeda xoog ku qabsato, mana ahan arintaan wax cusub oo beelaha Muqdishu dega arintaas ayay mehered ka dhigteen tan iyo 16-kii sanno ee dagaalka sokeeye jiray” Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta.

Posted to the MOL November 13, 2006, 6:30 am

 

 

Gaalkacyo:- Wararka saaka ka imaanaya magaala madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in aan wali wax dagaala oo ka dambeeyay kii shalay ka dhicin deegaanka Bandiiradley. Wararka ayaa intaas ku daraya in maamulka puntland uu deegaankaas geeyay ciidamo aad u xoogan si bay yiraahdeen looga hortago dhulbalaarsiga Maleeshiyada Maxkamadaha oo ka timid dhinaca Muqdishu una socda inay dumiyaan nabada ka jirta maamulka Puntland.

 

Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo aan wax ka weydiinay ujeedada ka dambeysa dagaalka maxkamadaha Muqdishu ayaa wuxuu yiri; “Maxkamaduhu waa beel rabta inay beel kale dhulkeeda xoog ku qabsato, mana ahan arintaan wax cusub oo beelaha Muqdishu dega arintaas ayay mehered ka dhigteen tan iyo 16-kii sanno ee dagaalada sokeeye lagu jiray, gobol Somaliya ka mid ah oo aysan wax u geysana ma jiro iyagoo markii hore qabiil qayaxan wax ku doonayay taas markay shaqeyn weydayna haatan huwaday shaati Diimeed” ayuu intaas ku daray sarkaalkaas ka tirsan ciidanka Daraawiishta oo Mudugonline la xiriirtay. Wuxuu intaas ku daray idinku waligiin ma maqasheen Puntland ayaa dhul aysan ka talin ku duushay? Jawaabtu waa maya. Ma duulo annagu waanse isdifaacnaa ayuu hadalkiisi ku soo gaabshay sarkaalkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la daabaco.

 

Dhinaca kale waxaa warkooda la waayay shaqsiyaad reer Puntland ah oo taageero afkaa siiyay maxkamadaha Muqdishu ka dib markay lacago ka soo qaateen. Shaqsiyaadkaasi ayaa laga waayay magaalada Gaalkacyo meel ay jaan iyo cirin dhigeen ka dib markii dumar iyo caruur caraysan oo dhagax tuuraya ay weerareen qaar ka mid ah. ......... ;) Wararka ugu dambeeyay ee Gaalkacyo ka imaanaya ayaa sheegaya in qaar ka mida shaqsiyaadkaasi ay ka hadleen Raadiyaasha madaxa banaan ee Gaalkacyo oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay wax ka difaacaan Puntland awalna maxkamadaha Muqdishu been u sheegeen oo ay u xaqiijiyeen inaysan marnaba duulaan ku soo qaadayn Puntland taas oo beenowday ka dib markii Maleeshiyadaha Maxkamadaha Muqdishu si toosa u soo galeen xuduudaha Puntland maalintii shalay.

 

Dhinaca kale waxaa xalay fiidkii hore diyaarad qaasa ka soo qaaday magaalada Baydhabo Col. Cabdi Qaybdiid oo shalay ciidamadiisa ay maleeshiyada Maxkamadaha Muqdishu si gaadmo ah weerar ula beegsadeen xiligii salaada subax.

 

Dagaalkii Shalay ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa dagaal aan saas u weynayn oo ciidamada Cabdi Qaybdiid si kadisa loo hareereeyay ka dibna ay xeel dagaal ugu gurteen meel aan ka fogeyn tuulada lagu dagaalay ee Bandiiradley.

 

Isku soo duuboo waxaa maanta deegaanka Bandiiradley isku horfadhiya ciidan xoogan oo laga cabsi qabo hadday fooda isdaraan in ay gobolka geeska afrika oo dhan ay saameeyn weyn ku yeelato dagaalkaasi. Iyadoo dadka u kuurgala arimaha Somaliya sheegeen in dagaalkaasi haddii uu qarxo uu noqon doono mid daba dheeraada oo aan la qiyaasi Karin cawaaqib xumada uu u keeni karo Somaliya.

 

Wixii warar dheeraada oo la soo xaqiijiyay kuna saabsan dagaaladaan kala soco Mudugonline.com

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kale waxaa warkooda la waayay shaqsiyaad reer Puntland ah oo taageero afkaa siiyay maxkamadaha Muqdishu ka dib markay lacago ka soo qaateen. Shaqsiyaadkaasi ayaa laga waayay magaalada Gaalkacyo meel ay jaan iyo cirin dhigeen ka dib markii dumar iyo caruur caraysan oo dhagax tuuraya ay weerareen qaar ka mid ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaylani, no not over the top, a couple of hundred Somali technicals is not without the the scope of possability.. Mudug clans are well armed and they are coming from all courters..

 

 

Galinsoor iyo Cadaado oo shacabku ka qaxayaan ka dib markii dagaalo ka soo cusboonaadeen deeganadaasi

Posted to the MOL November 13, 2006, 10:13 am

 

 

Gaalkacyo:- sida ay ku warmaayaan dad ku sugan magaalooyinka Gelinsoor iyo Cadaado ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan baro kac iyo qax ay shacabka uga fogaanayaan xiisadaha kasoo cusboonaaday deegaanadaasi oo ay isku horfadhiyaaan Ciidmada daraawiishta Puntland iyo Kuwa Midawga Maxkamadaha Muqdosho.

 

Qooysas badan ayaa isaga baxay magalooyinkaasi iyaga oo ka casbsi qaba in halkaasi dagaalo ku dhexmaraan labada dhinac oo isku horfadhiya wax un ka yar 2km sida uu saxaafada u sheegay taliyaha Ciidmada daraawiistha Puntland ee Gobalka Mudug Maxmaed Muuse ilka dheere hada waxay labada dhinaca isku jiraan wax kayar 2km mana laga fursanayo dagaal sida hada wax ku socdaan. sidoo kale Maxaakiimta ayaa ayaguna maleeshiyooyin badan Muqdishu ka keenay ay maleshiyadooda deegaankaasi ku xoojinayaan taasi oo sare usii qaaday cabdisidii ay qabeen shacabka.

 

Waxaa soo baxayay 24kii saac ee lasoo dhaafay warar badan oo sheegaya in ciidamo badan oo kasocda Puntland in ay u tilaabi doonaa dhinaca Koonfurta Mudug si ay halkaasi uga saaraan Maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo shalay magaalada Bandiiradley kala wareegay Col.Cabdi Qeybdiid.

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliay

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Puntland oo beenisay in ay wax dagaal ah qaadi doonto

Last Updated::2006-11-13 12:16:18

 

Gaalkacyo:- Dowlada Puntland ayaa si rasmi ah u beenisay in wax dagaal ah ay qaadi doonaan,

ayadoo Wasiirka Warfaafinta ee Puntland shaaca ka qaaday in Puntland go'aankeedu yahay in ay is difaacdo.

 

Xukuumada Puntland ayaa sheegtay in ay si xoogleh ulla dagaalami doonto maleeshiyooyinka Maxaakiimta hadii ay soo cago dhigaan deegaanada Puntland.

 

Cabsi weyn ayaa laga qabaa dagaalo ka dhacay koonfurta Mudug, ayadoo Madaxweynaha Puntland oo ay wehliyaan ciidamo aad u badan oo ku hubeysan galabka militariga ee kala duwan ay xalay gaareen magaalada Gaalkacyo.

 

Gadiidka dagaalka ee Taangiyada iyo kuwa kale ee Somalidu u taqaan Tiknikada ayay dowlad Puntland ku xoojisay halka loogu yeero difaaca xadka oo ku taal duleedka magaalada Gaalkacyo koonfurteeda.

 

Imaanshaha Madaxweynaha ayaa loo arkay labo siyaabood, waxay qaar kamid ah shacabka si weyn walaac uga muujiyeen tirada ciidamada Puntland ay soo dhoobtay xaduudka, taasi oo looga baqayo in ay soo dhaweyso dagaal balaaran oo qarxa, halka shacabka intiisa badan ay soo dhaweeyeen go'aanka Puntland ku qaadatay in la xoojiyo xuduudaheeda.

 

Shacabka deegaanada Gelinsoor iyo Cadaado ayaa si weyn uga cabsi qaba in dagaalada kusoo fidaan goobaha ay ku dhaqan yihiin, ayadoo in badan oo kamid ah dadweynaha ku sugan magaalooyinkaasi ay hada bilaabeen in ay halkaasi isaga qaxaan.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com | Gaalkacyo

info@horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this