Sign in to follow this  
Kamaavi

Wararkii oogu Danbeeyay ee Jubooyinka: Jabkii Alshabaab Jac Iyo Baaruuud Dheh.

Recommended Posts

Kamaavi   

Wararkii oogu Danbeeyay ee Jubooyinka: Jabkii Alshabaab Jac Iyo Baaruuud Dheh.( Dhoobleey,Afmadow, Iyo Diif)

 

2gshon8.jpg

 

Ciidamada Daacad u ah Axmed Madoobe iyo Xisbul Islam ayaa saaka La wareegay Magaalada Dhooblay, Halkaas oo ay Maamulaan Degmada Dhooblay Axmed Madoobe ayaa si wayn loogu soo Dhaweeyay Magaalada Dhooblay Isagoo Dadku u lulayeen Caleemo Qoyan.

 

Dagaalka ayaa qarxay saaka barqanimadii kolkii ciidamo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe ay magaalada ka soo galeen dhan aan laga filaynin iyadoo isla markiina ay xabadu ka qaraxday gudaha magaalada saacado yar ka dibna ciidamadii Al-shabaab laga foodhiciyey magaalada.

 

Al-shabaab ayaa dagaalkii saaka lagaga qabsaday 8-baabuur oo isugu jira nooca loo yaqaano tiknikada iyo kuwa lagu raaxaysto iyadoo baabuurta gacanta lagu dhigay uu ka mid yahay baabuurkii gudoomiyihii maamulkii Al-shabaab ee magaalada Dhoobley Maxamed Carab.

 

 

Dagaalka Alshabaab Laga Saaray Magaalada Dhooblay ayay Ku jabeen Iyagoo Lagala wareegay 8 Baabur oo Kuwa Gaashaaman ah Iyo Qalab Ciidan oo Badan.

 

Wararka ka soo Baxaya Magaalada Dhooblay Caawo ayaa sheegaya in Magaalada ay Degan tahay Balse uu og yahay Axmed Madooba in Alshabab soo Rogaan Celin Iyagoo Dadka Deegaanka Diyaar u yihiin in Iska Caabiyaan Xoogaag Alkharaab.

 

 

Dhanka Afmadow ayaa Caawa Magaalada laga Dareemayaa Colaad Xoogaan Kadib Markii Ciiidamo isku Jira kuwii Hore ee Gobalka Jubooyinka ee Axmed Madoobe iyo Dhalin Badan oo Caawo raacday ay dul Joogsadeen Magaalada Afmadow Meesha Wararka kale sheegayaan in Laga Cabsi qabo in Caawo Dagaal Laba wajiile ah oo xoogaan uu ka dhaco Labad Magaalo ee Afmadow iyo Dhoobley.

 

Dhanka Magaalada Diif ayaa la sheegaya in Ciidamo ka Amar Qaata Axmed Madoobe inay Caawo Joogaan Kadib Markii Ciidamadii Alshabaab ay soo aadeen Dhanka Dhooblay Halkaas oo Caawo meel 20 Km u Jirta ay Ciidamada Alkharaab kaga Carareen Islaamo Xaasaskooda ah Iyo Kabahooda Iyo Cumaamad Shaydaankii ay Dadka Diinta oogu Gabadeen. Halkaas oo Xaasaskii Intii Baabur Shacab la saaray Lga Daba geeyay Lana sooryay Balse Alshabaab Malahan Dhaqanka Noocaas ah ee Gobanimadu Ku Jirto.

 

Alkharaab(Alshabaab) Ayaa Xaalkoodu Meel xun Marayaa Iyagoo Ku waashay war Axmed Madoobe Xagee Ciidankan ka Keenay Dadka Deegaanku waa Noo Gabadeen.

 

Hogaamiyahii oogu Waynaa ee Alkharaab Ina Godane ayaa Ilaa haatan aan wax war ah ka soo Baxin, Isagoo Horay loogu Bartay in uu Cajul Buraanbur ah soo Duuba Marka Xaaladahan oo Kale ay Taagan tahay. Dhamaan Dad waynaha Gobalada Jubooyinka ee Qurabaha Jooga ayaa Loogu Baaqayaa in Garab is Taagaan Xoogaa Cadaalada Iyo Islaanimada ee uu Hogaaminayo Axmed Madoobe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

Ninkan Dajiye iyo axmed madooban isku nacay war kale keen saaxiib alshabab u daahi mayso 4 reer xp iyo 3 reer windows 7 ah ognahayna in adeerkod Bill Gate kala noqday kalsoonidii :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Halkaas oo Caawo meel 20 Km u Jirta ay Ciidamada Alkharaab kaga Carareen Islaamo Xaasaskooda ah Iyo Kabahooda Iyo Cumaamad Shaydaankii ay Dadka Diinta oogu Gabadeen

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

Dajiye, kuwaas aad shegeysid waxay sheegaan in dhallinyarada la celin karin ee bal wiilasha yaryarka ee dugsileyda ah ee ila kenya iyo amxaaro salkeed laga soo aruurshay badbaadsha oo dab ha gelinina taa miya diidan tahay owowgi la jane ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Awoowe tabbari meel ay dhigtaba Madoobe waa inuu juqunta iyo higista bashar wanaagsan ka yeelaa. Waxaa u shidan khad cagaaran oo la hor istaagi karin marka ha socdee ka baydh ......

 

Maadeey yaa haya maanta ,,, warkiisa.... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Armaad isagiiba tahay( I mean his script) :D

 

 

Hogaanka Sh. Axmed Madoobe

 

Iminka isaga ayaa ah wax kasta, ma jirto cid ka saraysa oo uu ka amar qaadanayo ama uu ku qasbanyahay in uu wax ka dhagaysto, wuxuu heeystaa ciidamo rabaayad ah oo uu bilooyin tabobarayay amarkana si fiican u qaata, wuxuu iska dheereeyey dhamaan saraakiishii falaagada ahaa ee in badan caqabada ku noqon jirey go’aamada degdega ah ee uu qaadanayo.

 

Wuxuu si toos ah u maamulayaa dagaal galinta ciidamada, ciidamadiisa waxay xiranyihii darees layaab leh, waa dhar hal nooc ah oo surwaal iyo shaar sufushaari ah oo aad moodo xildhibaano baarlamaan fadhiya, kabbo madoow oo sarsar leh, iyo cimaamad barobaro leh, dhamaan ciidamadana dharkaasi ayay xiranyihiin.

 

For maadeey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

262l4i9.jpg

 

Cabsi dagaal oo xoogan ayaa ka taagan degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose kadib markii caawo ay dul dageen ciidamo uu horkacayo Sh. Axmed Madoobe ay dul dageen magaalada.

 

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Afmadoow ciidamada Axmed Madoobe ayaa caawo la wareegey tuulada Qooqaani oo ay u tageen iyadoo haawanaysa oo ay ka baxeen ciidamo dhowr ah oo Alshabaab meesha ka joogey.

 

Tani waxay imanaysaa kadib markii galabta ay dagaal kula wareegeen tuulada Diif, iyadoo ciidamadii Alshabaab ee laga soo saaray ay soo gaareen degmada Afmadoow caawo fiidkii.

 

Dagaalkii maanta lagu qabsaday Diif waxaa meesha loogu tagay 2 booyad oo biyaha ay ciidamada ugu dhaamin jireen Alshabaab, sidoo kale meesha la yiraahdo Deg Alama waxaa laga soo qabtey baabuur dheeraad ah oo laakiin haleeysey sida aan wararka ku heeyno, inta badan baabuurta laga qabsaday Alshabaab waa ay haleeysanyihiin

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Haatu:

Erya, erya, erya indeed.

^ :D

 

mar dhaw alkharaab waxay odhan waxa na eryan ma ahan xisbul islaam ee waa ONLF

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Waxaad mooddaa hanjabaadaha ka imanaya dhinaca Dowladda iney si zaa'id ah u saameeyeen barbaarta. Soo iyagan kala diday ma aha? Marka bal markii weerar lagu qaadobbarbaartu meeshey ka dhacaan beynu arki doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this