Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu admin begins collection of taxe

Recommended Posts

Maamulka Gobalka Banaadir oo Muqdisho ka bilaabay howlo canshuur uruurin ah .

 

Posted to the MOL February 17, 2007, 8:42 am

 

 

Muqdisho:- Maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta ka bilaabay magaalada Muqdisho uruurinta canshuuraha taasi oo maanta laga dareemay qeybo ka mid ah magaalada Muqsisho.

 

Howshaan uruurinta canshuuraha ayaa si weyn looga dareemay dhinacyada laga soo galo magaalada Muqdisho , iyadoo ciidamo dheeraad oo ah fulinaya howshaasina la dhigay halka laga soo galo magaalada.

 

Waxaa la arkayay ciidamada dowlada kuwaasi oo canshuura ka qaadaya ganacsatada qaadka, inakstoo muran xoogan ay ka timid arintaasi.

 

Ganacsatada qaadka ayaa ku doodayay in aan lagu soo war gilin barnaamijkaani, waxa ayna tibaaxeen in ay ku baraarugeen markii qaadkii ay la soo degeen.

 

Waxaana warar soo baxay ay sheegeen in arinta bixinta canshuurta lagu xaliyay in qadaro marduuf oo qaad ah la siiyo ciidamada dowlada ee fariisimaha ka sameystay dhinacyada laga soo galo magaalada ee fulinaya howlaha canshuur uruurinta.

 

Howshaan ayaa waxa gar wadeen ka ah maamulka gobalka Banaadir, waana markii ugu horeysay oo ay dowladda canshuur uruurin ka bilaawdo Muqdisho tan iyo markii ay soo degtay.

 

Maamulka gobalka Banaadir ayaa ku waramay in howsha canshuur uruurinta sidoo kale laga fulin doono goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho.

 

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)

Xafiiska Mudugonline Ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Canshuur laga bilaabey Muqdisho

 

17 Feb 17, 2007 - 5:25:14 AM

 

Maamulka gobolka Banadir ayaa markii ugu horeysay maanta bilaabay howlo canshuur aruurin ah iyadoo afar wado oo laga soo galo Muqdisho ay dhigeen ciidamada booliska kadibna gaadiidka iyo ganacsatada qaadka ay ka qaadayeen lacago canshuur ah.

 

Ganacsatada qaadka iyo gaadiidleyda ayaa maanta lagu soo rogay iney bixiyaan lacagaha canshuuraha taasoo ay ka horyimaadeen ganacsatada oo sheegay in aan haba yaraatee aan lagu wargelin iney bilaabaneyso canshuur arurinta dowladda Hoose.

 

Canshuur aruurintan oo ku bilaabatay si kedis ah ayaa inta badan gaadiidleydii maanta ay ka hortimid, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ganacsatada iyo gaadiidka BL-ka ee gudaha magaalada Muqdisho si rasmi ah lagu soo rogayo, xili magaalada Muqdisho aysan ka jirin nabadgelyo la isku haleyn karo.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cara.   

They can re-use the same logs oo markii hore isbaaroyinka ahaa. I'm sure the same youths will be manning them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
DigibAc   

So the isbaaroyin are tax collecters now! My God! General Duke, I don't know what world you live in, but you don't seem to realize whats going on in Somalia. There is a war coming and if some people think they can hide behind the firepower of the gaalo, they are mistaken.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Originally posted by Cara:

They can re-use the same logs oo markii hore isbaaroyinka ahaa. I'm sure the same youths will be manning them.

:D:D:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Digital, the tax collection is not from the road bloack but will be colleceted from businesses, ports airpors and duties will be levied on the Qad, Tobacco and other products.. Just like they collect taxes in Hargaysa, Bossaos and so on.. Simple really..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this