Sign in to follow this  
Cowke

Abu Mansur Deadly Message To Puntland, Somafiland, Djibouti

Recommended Posts

Cowke   

Abuu Mansuur ” Haloo sheego Puntland waan soo soconaa, Haloo sheego Somaliland waan soo soconaa, Jabuti haloo sheego waan soo soconaa”.

 

 

Published on: October 30,2009 Garowe Time 8:02 pm

 

Hogaamiyaal katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa maanta Khodbado Siyaasadeed oo kulul ka jeediyay Mudaaharaadyo ay u jeediyeen Shacab Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobalada Koonfureed ee dalka Somalia.

 

Markii ugu horaysay ku dhawaad 10 Bilood waxaa Codkiisa lamaqlay Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur Afhayeenkii hore ee Xarakada Al Shabaab wuxuuna shacabka magaalada Baydhabo u sheegay in ay diyaariyeen Ciidan xoogan oo furan doono magaalada Qudus oo ay Yahuudu gumaysato.

 

Abuu Mansuur wuxuu Khodbadiisa ku sheegay in ay Nolosha ku tooga doonaan Ciddii ay ku helaan baasaboorada Mareykanka, Yahuuda iyo wadamada kale ee reer Galbeedka ” waan soo socanaa reer Falastiin nasoo dhaweeya waan idin xoray doonaa, waxaan qarxinaynaa safaaradaha Mareykanka iyo Yahuuda wax walba waan u gaysanaynaa kuwa Gowracaya caruurta iyo Haweenka Filasdiin” ayuu yiri Abuu Manasuur.

 

Garoonka Kubadda Cagta Baydhabo ee Dr. Ayuub waxaa isugusoo baxay Kumanaan reer Baydhabo ah oo Hadalo ka dhegaysanayay shaqsiyaad Mareykanka ugu jiro Liiska Argagaxisada.

 

Sarkaal la sheegay in uu yahay Taliye Ciidan cusub oo Shabaab ugu magac dartay

” Guutada Qudus” ayaa isna goobta ka jeediyay ayaa sheegay in ay Ciidan u dirayaan Filasdiin islamarkaana ay heleen meelihii ay u mari lahaayeen.

 

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Sheykh Cali Gaab ayaa ku Khodbeeyay Erayadan ” waan soo socanaa walaalaha Filasdiin, waxaan furanay Kaaraan iyo C/casiis si aan uga gudubsano Ciidanka aan u dirayno Qudus ogaada idinkuguma socono Carabnimo waxaan idinkugu soconaa Islaamnimo” Cali Gaab.

 

Dhamaan Saraakiishii Shabaab ee Khodbadaha ka jeediyay Baydhabo,Kismaayo,Muqdisho,Marka ,Jowhar waxay hadaladooda ku bilaabayeen

” waan soo soconaa”.

 

Hadal ka duwan Goodinta Yahuuda oo u goodinayay Somaliland iyo Puntland waxaa jeediyay Sheekh Suldaan Aala Muxamed oo ah Madaxa dacwada Wilaayada Islaamiga Al Shabaab u qaabilsan Shabeelaha Hoose.

 

Suldaanka ayaa sheegay in ay u socdaan maamulka Puntland Somaliland iyo Jabuuti oo uu sheegay in ay ka jiraan maamul aan Islaami ahayn sida uu hadalka u dhigay ” Haloo sheego Puntland waan soo soconaa, Haloo sheego Somaliland waan soo soconaa, Jabuti haloo sheego waan soo soconaa” ayuu ku Khodbaynayay Sarkaalkan Shabaab u hadlay.

 

Sanad ka hor ayay Kooxo aan lagaran Weeraro isqarxin ah ku qaadeen magaalooyinka Boosaaso iyo Hargaysa oo kamid ah meelaha Nabadoon ee Somalia lamana oga sida uu xaal noqon doono maadaama ay Shabaab u Goodisay Maamuladaasi ka Nabdoon Somalia inteeda kale.

 

Waa markii ugu horaysay oo ay Xarakada Al Shabaab sheegto in ay Weerar ku tahay Somaliland Puntland iyo Dowladda jabuuti.

 

 

FG. Khodbadaha intooda badan waxay ku baxayeen Af Carabi waxaa Somali u Tarjumay Weriye Colaad Cadde

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

what these cowards mean is that he will hide in scarfes and and dresses in jungle and he will send 17 year old boys to kill them selves and kill other masaakiin.

 

 

fuley foqol fulay

 

if he had any bravery he would bring himself to battlefield like men and die for his belief but he send 17 year old boys to kill themselves.

 

these people should castrated as their manly bits are wasted on them.

 

somaliland has very very long memory those that harm our people we usually catch up with them, ask the mr samater he never thought he would be fighting for survival when he was commiting those attrocities.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Qudhac:

somaliland has very very long memory those that harm our people we usually catch up with them, ask the mr samater he never thought he would be fighting for survival when he was commiting those attrocities.

Someone asked the former NSS head of the Somali Republic, Riyale Kaahin, that same question and can you guess what his answer was? His answer was I rule the place B*****!

 

Go figure...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this