Sign in to follow this  
Qudhac

C/Y CAMP ETHOPIA SHOULD STOP MEDDLING IN SOMALIA AFFAIRS

Recommended Posts

Qudhac   

Garowe(AllPuntland)- Shir Jaraa'id oo ay galabta ku qabatay Caasumada Puntland ee Garowe Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalle ayay kaga hadashey xaalado badan oo ka aloosan gudaha Soomaaliya, waxa ayna soo qaaday faragalin toos ah oo dhawaanahaan lugu hayay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, Arinta bixitaanka Itoobiya, Heshiiskii dalka Jamhuuriyada Jabuuti, Sababaha baarlamaanka Soomaaliya ku haya Nayroobi & Burcad Badeeda.

 

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn Wariyaasha warbixin dheer oo leh dhinacyo badan siisay, waxa ayna ugu horeyn ku bilowday xaaladaha Soomaaliya, waxa ay sheegtay in ay ku hadleyso afka Baarlamaanka Soomaaliyeed, waxa ayna si toos ah usoo qaaday xaalada qalafsan ee markan ka taagan gudaha Soomaaliya, siiba howlaha dawladda Soomaaliya.

 

Xildhibaanada ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee han-dadaada loogu geysanayo Magaalada Nayroobi, waxa ay sheegtay in arimahan ka dambeeyaan dawladdaha IGAD & dawladda Itoobiya oo ka mid ah bey tiri dalalka faragalinta ku haya dawladda Soomaaliya.

 

Caasha ayaa ku eedaysay dawladda Itoobiya in ay markan ka shaqeyneyso in ay isku dirto Soomaalida, ayna iskugu dhiibtay hub fara badan ayna badashey wajigii ay ku soo gashay gudaha Soomaaliya, waxa ayna tilmaamtay in lugu keenay Soomaaliya in ay caawiyaan dawladda Soomaaliya, balse markan ay noqotey burburinta dawladda Soomaaliya iyo isku dirka dawladda Soomaaliyeed.

 

Caasho Axmed Cabdalla ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday meel walba oo ay joogaan in ay ka shaqeeyaan sidii baarlamaanka Soomaaliyeed ee jooga Nayroobi loogu soo rarilahaa gudaha dalka Soomaaliya, ayadoo sheegtay in ay baajinta Xildhibaanadaasi masuul ka yihiin IGAD & shaqsiyaad Soomaaliyeed oo diidan in ay Baarlamaanka Soomaaliyeed kulmaan.

 

" Waxaan aad uga xumahay falalka lugula kacay baarlamaanka Soomaaliya ee jooga Nayroobi, waxaana ka codsanayaa Shacabka Soomaaliyeed ee gudaha & dibadaba jooga in ay ka shaqeeyaan sidii Mudanayaashaasi loo keeni lahaa dalka Soomaaliya loogana soo rarilahaa dalka Kenya oo ay kala kulmayaan Hanjabaado" Ayay tiri Xildhibaanada.

 

Caasha ayaa soo qaaday Shirkii lugu soo xiray Magaalada Jabuuti, waxa ayna is weydiisay inta aysan soo guda galin shirkan howlihiisa, in ay Xukuumad jirto iyo in kale, waxa aynaba sheegtay in aysan jirin Xukuumad wax saxiixi karta maadaama aysan heysan Codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya aynaba sharci daro tahay saxiixida heshiiskaasi.

 

Xildhibaanad Caasho ayaa ku tilmaamtay xubno lugu daro baarlamaanka Soomaaliya wax laga xumaado, ayadoo sheegtay in ay tahay burburinta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, maadaama ay wali shaqeynayaan baarlamaankii lugu soo dhisay Magaalada Nayroobi.

 

Waxa ayna intaasi ku dartay in ay Ayaga baarlamaan ahaan baneynayaan boosaska ay hayaan, hadii lugu helayo nabad Soomaaliyeed, balse aan loo baahneyn baarlamaan cusub oo gaaraya 550, marka laysku daro kuwa cusub & kuwii hore, ayadoo ugu baaqday Dawladdaha howshaasi wada in ay faraha kala baxaan.

 

" 275-ta la qeybsaday ee dhinaca lasiiyay, waxaa loo baahan yahay in intoo kale lasiiyo gobalada kale ee Puntlad & Somaliland, waayo waa wax loo baahan yahay, in marba qole la qanciyo, waxa ayna nasiib daro ku sheegtay talaabadii ay qaadeen dawladdo doonaya Burburinta Soomaaliya" Ayay markale tiri Caasho oo aad uga xumayd arintaasi.

 

Caasho waxa ay shaaca ka qaaday siro qarsoonaa oo ku saabsan howlaha ay isku hayaan Madaxweynaha & Raysalwasaaraha, waxa ayna sheegtay in uu Nuur Xasan Xuseen sharci ahaan dawladdiisu dhacday loona baahan yahay in uu Madaxweyne Yuusuf soo magacaabo Raysalwasaare Cusub, maadaama ay fashilantay Xukuumadii Col. Nuur Cadde.

 

Marwo. Caasho ayaa sheegtay in ay dawladdaha IGAD wadaan kala googeyn lugu sameeyo gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, waxa ayna sheegtay in ay qorshayaashaasi soo baxayeen maalmihii ugu dambeeyey hadana ay xaqiiqada tageen, oo ay si rasmi ah usoo shaac baxeen markii qorshe looga dhawaaqay Magaalada Jabuuti.

 

Baaq ayey udirtay Caasha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalada koonfureed ee Soomaaliya, ayadoo sheegtay in ay ka digtoonaadaan qorshayaashaasi oo ay maleegayaan dad Soomaaliyeed & dawlado Shisheeye oo doonaya burburinta Soomaaliyeed.

 

" Sharci ahaan Nuur Cadde wuu dhacay, aad ayaan uga xumahay, wuxuuna waqtigu kaga ekaa 22-kii lasoo dhaafay, hadana isagoo dhacay oo aan aheyn Raysalwasaare hadii uu heshiis saxiixo ama uu ku tuntay Axdiga dawladda Soomaaliya waa wax loo baahan yahay in ay talaabadeeda qaadaan baarlamaanka Soomaaliya ee sharafta leh" hadaladan ayaa ka mid ahaa hadaladii Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla.

 

Shirkan Jaraa'id ee Caasho Axmed Cabdalla ayaa waxyaabo kale wax laga weydiiyey, waxaana la weydiiyey sababaha keenay in mawqifkeeda rogta maadaama ay horey uga soo horjeeday Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayna hada safarka ula soo gashay, waxa ayna taasi ku sheegtay mid si qaldan loo rogey ayadoo sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliyeed yahay Yuusuf lana safri karo ee aysan aheyn wax cusub.

 

F. C. Geylan

AllPuntland, Garowe

 

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by Qudhac:

Caasha ayaa ku eedaysay dawladda Itoobiya in ay markan ka shaqeyneyso in ay isku dirto Soomaalida, ayna iskugu dhiibtay hub fara badan ayna badashey wajigii ay ku soo gashay gudaha Soomaaliya,

:D:D:D

 

Wallee? oo Itobiya ma hawshaas bay ku jirta????

Share this post


Link to post
Share on other sites

This shows how clueless you are about Somalia internal politics. Casha MP from Sanaag always opposed Ethiopia even when the TFG supported it. She has been very consistant unlike most Somalis who flip flop like there is no tomorrow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And what da hell is she doing with A/Y ?? ,, she never been in an agreement with him.

 

She should talk to the old man and blame him of Brining Xabashi to his country ......

 

 

Cantarabaqash.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this