Sign in to follow this  
MoonLight1

Ahmed Madoobe: Godane gaarsiiya Kismayo maaha belegubadle

Recommended Posts

Ahmed Madoobe " Godane gaarsiiya Kismayo maaha belegubadle"

 

 

Taliye ku xigeenka xoogaga Raaskambooni ee Xisbul Islaam Somalia Sheekh Ahmed Madoobe ayaa hadalo kulul siiyay Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia waloow Weriyeyaasha ka hoowlgala Kismayo ay cabsi darteed badankood uga baaqsadeen.

 

 

Hogaamiyaha cusub ee Al-Shabaab kala wareegay Magaalo xeebeedka Kismayu wuxuu ku dhaartay inuu bulshada jubooyinka ku eegan doonin tacadiyada baahsan ee al-Shabaab.

 

 

" Waxaa nasiib daraa in shaqsiyaadkii aan Islaamnimada ku soo dhaweeynay ee gabaadka siinay sida Ahmed Godane,Ibrahim Afakhani iyo Fuaad Shongole inay maanta anagii nagu dhahaan ma imaan kartaan degaanadaan ku dhalanay ee magaca iyo miisaanka ku lahayn,waxaan oran karaa ragaan xusay magacyadooda waa abaal laabayaal,mudan in gumaca rasaasta lagula hadlo"ayuu yiri Sheekh Ahmed Islam oo khadka telefoonka ugu waramayay Warbaahinta madaxa banaan.

 

Sheekh Ahmed Madoobe wuxuu ugu baaqay shacabka iyo waxgaradka Jubooyinka iyo Gedo inay gacmaha isu qabsadaan difaaca diintooda,dalkooda iyo dadkooda.

 

" Ninka la leeyahay Ahmed Godane ee geedaha hoostooda ka hanjabaa,adeeryaaloo w haloo sheego Kismayo maaha Bele gubadle,waxaan leeyahay anigu waxaan joogaa halkaan ku dhashay,adigana Somaliland iska daaye,degmada Raaskaaga **** ee Belegubudle cag ma dhigi kartid,anagiina waxaad nagu noqotay ,NINKII BARBAARSHAY BAHAL NOOL,KU BAXSAY AMA BOQNA GOO"ayuu yiri Ahmed Madoobe.

 

Ahmed Madoobe oo u dhashay Beesha ********,wuxuu Kismayo maamulkeeda ka madax ahaa waqtigii Golaha Maxaakiimta ee sanadkii 2006,waxaana lagu xasuustaa dhacdadii garoonka Jomma Kenyatta ee Naorobi uga degay isagoo hubkiisa wata.

 

 

 

Al-Shabaab oo hore u diiday in maamulka Kismayo ku shaqeeyo sidii hore loogu heshiiyay ee awood qeybsiga sedex geesoodka hada waxaa muuqato inay talo farahooda ka baxday,waxaana Magaalada afarta jaho kaga soo qulqulayo dagaalyahanada taabacsan Xasan Turki.

 

Saraakiisha Melleteri ee Kismayo jooga waxay qabaan in hadii Shabaabka dagaal bilaabaan uu yahay daadkii qaadi lahaa marka la miisaamo sida looga nacay degaanka iyo qabiilada ku kacsan.

 

waagacusub.com

 

[ September 29, 2009, 11:08 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Sheekh Axmed Madoobe:

Walaalaha Alshabaab Miiska wdahadalka ayaan kusugeynaa!

Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa wareysi dheer ka qabatey Sheekh Axmed Maxamed oo kusugan magaalada Kismaayo. Yaa heysta Kismaayo, Xaggee ayay ciidamadu kala joogaan. Ma laga yaabaa inuu dagaal ka qarxo, Sheekh Axmed Madoobe waa kuma, awooddee ayuuse ku hadlayaa. Wada hadal ma ogolyihiin ciidamada Sheekh Axmed Madoobe. Su aalahan iyo kuwa kale ayay idaacadda BBBC-du weydiisey Sheekh Axmed....waxuuna yidhi

 

Audio

 

Dahir Calasow (Waagacusub) is a shallow character who works on fitna

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Juje, thanks for the corrections! War waagacusub been badanaa. I've listened to this clip you posted and Sh. Madoobe talked very reasonably.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this