Sign in to follow this  
Che -Guevara

Oday Soomaali to his Son

Recommended Posts

Qormadan waxay ka hadlaysaa Haweenka iyo inta nooc oo isugu jiraan

 

Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga dhaqankana looga dambeeyay , ayaa waxaa uu damcay in uu Cashar la xiriira Haweenka u gudbiyo Wiil uu isagu dhalay oo markaas guur-doon ahaa.

 

 

Odaygii ayaa waxaa uu ku yiri Wiilkiisa:-"Maandhow, inta aadan guursan, oo aadan dhex-dabbaalan badweynta Haweenka, bal marka hore si fiican isaga eeg oo hubso gabadha ama Haweeneyda aad la aqal-galayso; Ogowna in ay Haweenku u kala baxaan toddoba nooc".

 

 

Wuxuu tibaaxay Odaygu:"Iga dhegeyso aan kuu bidhaamiyee sida ay kala yihiin toddobadaas,waana kuwan":

 

 

Il-dheer :- Waa gabadha Indhaha un wareejiso,la-raacda oo ku maqan wixii cusub ee dhar,alaab-guri iyo qalab lagu xarragooda ah ee Suuqa ku soo kordha ama ku aragto Gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa Ninkeeda soo iibinta waxaas cusub. Waa tan ku tiraahda Ninka qaba:-" Haddaadan ii iibinayn waxaas , ima jeclide iska-key fur". Waa tan aanan tixgelin awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan Ninkeeda.

 

Dheg-dheer :- Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo kaliya,aanna hubsan xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa Seygeeda:-"Waan maqlay in aad Naag kale la socoto","Waa la ii sheegay in aad xiriir la leedahay Heblaayo","Waan la socdaa meelaha aad beryahan ka daba-wareegto"iwm..

 

Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan"Ma-hubsato meher-laay"..!!. Waxay dhegta u raaricisaa "ku-tiri ku-teenta Xaawalayda" iyo waxa loo yaqaan "Warka Shaashka". Waa mid dabin ugu dhici karaysa Cadowgeeda iyo Cadowga Ninkeeda,xilli uu isaguna kaba fog-yahay,Allahiisna uu ka Allah yahay waxa laga sheegayo.

 

Carrab-dheer :- Waa qaylo badan,joogto ugu taagan derisyadeeda, ninkeeda,caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaaddaa Gogosha iyo xilliyada nasashada,dabadeedna waxay ku furtaa dood,dacwad iyo dalabaad aan dhammaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-lagaaddada iyo jaa'ifeynta.

 

Gacan-dheer :- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana ay dhexdu u xiran tahay;Garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa xeydan

tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday,Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.

 

Lug-dheer :- Waa war-wareegtooy,waaba tiris,oo ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo maar ah. Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay:-Aroos, Nikaax,Dhaloow, Furoow,Qaraaba-salaan,Tacsi loo fadhiyo maalintii 14-aad, Maalin-joog, Meel ay ku kulmayaan Habro Ayuuto(Shaloongo) isku darsaday,madax-shub(abaay-abaay) iwm.

 

Joog-dheer :-Waa mid Jamaal badan ah, waa gabadha dhammeysay Quruxda muuqata ee xagga jirka ah(jiroos), indha-deeraley ay raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan(i arkaay).Laakin,markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa dhiiqo,dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal. Ma jirto gogol kaliya oo u goglan iyada. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa bar-bar yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa. Iyadaa Sanka baloolisa oo "Uf" kala hor-marta dadka kale.Waa mid aan lagu gaareyn Areebanimada,markii gadaal loogu noqdo.

 

Garaad-dheer :- Waa "Marwo-dumar". Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn,amaba iska fool-xun,laakinse, waxay leedahay quruxda dahsoon ee Edeb,Akhlaaq, Sarriig,Xishood,Af-gaabni,Dulqaad, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay,waa wada goglan yahay,waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah. :D:D

 

Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda, waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada xun. Waxay ugu yeertaa ninkeeda:-gacaliye, macaane(macow),walaal,ina-adeer iwm. oo ka kal iyo laab ah,dano khaas ah iyo xilli goonni ahna aanan ku xirnayn.

 

Haddii uu Ninkeedu wax-beelo(sabool noqdo), gacantiisuna ay Eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa, waxayna u guntataa ****olidda baahida iyo adeegsiga xikmad iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ah "Raalliyo" uu ninkii hela uu nasiib leeyahay. Tan ayuuna guursigeeda Odaygu kula dardaarmay Wiilkiisa,wallow uu "Guurku yahay God Gacanta loo ritay".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

What about the man who had Lugdheer+Joogdheer+dhegdheer in one!???????

 

I think I have Garraad-dheer now. Alxamdu-liaalah!!

 

EDIT: Che, let this go to Xiin! He will do better in prose! He is disasterous in poetry! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^LooooooooooooooL..Daandaansi waaye waxaagay ee Aw Xiin maad ka qalaysid. Anyhow, u been making splashes all over the place. You might as well add this to the list. I'm sure the ladies will approve :D .

 

Helpful tip:They're not gonna chide for this one as long as you have Xiin and NGONE on your flanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Il-dheer :- Waa gabadha Indhaha un wareejiso,la-raacda oo ku maqan wixii cusub ee dhar,alaab-guri iyo qalab lagu xarragooda ah ee Suuqa ku soo kordha ama ku aragto Gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa Ninkeeda soo iibinta waxaas cusub. Waa tan ku tiraahda Ninka qaba:-" Haddaadan ii iibinayn waxaas , ima jeclide iska-key fur". Waa tan aanan tixgelin awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan Ninkeeda.

 

Dheg-dheer :- Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo kaliya,aanna hubsan xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa Seygeeda:-"Waan maqlay in aad Naag kale la socoto","Waa la ii sheegay in aad xiriir la leedahay Heblaayo","Waan la socdaa meelaha aad beryahan ka daba-wareegto"iwm..

 

Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan"Ma-hubsato meher-laay"..!!. Waxay dhegta u raaricisaa "ku-tiri ku-teenta Xaawalayda" iyo waxa loo yaqaan "Warka Shaashka". Waa mid dabin ugu dhici karaysa Cadowgeeda iyo Cadowga Ninkeeda,xilli uu isaguna kaba fog-yahay,Allahiisna uu ka Allah yahay waxa laga sheegayo.

 

Carrab-dheer :- Waa qaylo badan,joogto ugu taagan derisyadeeda, ninkeeda,caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaaddaa Gogosha iyo xilliyada nasashada,dabadeedna waxay ku furtaa dood,dacwad iyo dalabaad aan dhammaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-lagaaddada iyo jaa'ifeynta.

 

Gacan-dheer :- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana ay dhexdu u xiran tahay;Garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa xeydan

tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday,Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.

 

Lug-dheer :- Waa war-wareegtooy,waaba tiris,oo ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo maar ah. Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay:-Aroos, Nikaax,Dhaloow, Furoow,Qaraaba-salaan,Tacsi loo fadhiyo maalintii 14-aad, Maalin-joog, Meel ay ku kulmayaan Habro Ayuuto(Shaloongo) isku darsaday,madax-shub(abaay-abaay) iwm.

 

Joog-dheer :-Waa mid Jamaal badan ah, waa gabadha dhammeysay Quruxda muuqata ee xagga jirka ah(jiroos), indha-deeraley ay raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan(i arkaay).Laakin,markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa dhiiqo,dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal. Ma jirto gogol kaliya oo u goglan iyada. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa bar-bar yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa. Iyadaa Sanka baloolisa oo "Uf" kala hor-marta dadka kale.Waa mid aan lagu gaareyn Areebanimada,markii gadaal loogu noqdo.

 

Garaad-dheer :- Waa "Marwo-dumar". Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn,amaba iska fool-xun,laakinse, waxay leedahay quruxda dahsoon ee Edeb,Akhlaaq, Sarriig,Xishood,Af-gaabni,Dulqaad, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay,waa wada goglan yahay,waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah.

I know them all ... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

JC , thanks for xigmada, saxb.

 

Gacan-dheer :- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana ay dhexdu u xiran tahay;Garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa xeydan

tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday,Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.

^^Tanna ugu wada khadarsan, yaa aamini kara Qof kula degan oo hada mindi kuula diyaar ah!! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lug-dheer :- Waa war-wareegtooy,waaba tiris,oo ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo maar ah. Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay:-Aroos, Nikaax,Dhaloow, Furoow,Qaraaba-salaan,Tacsi loo fadhiyo maalintii 14-aad, Maalin-joog, Meel ay ku kulmayaan Habro Ayuuto(Shaloongo) isku darsaday,madax-shub(abaay-abaay) iwm.

:D:D:D

 

Che, male version iyadoo ah noo keen hee. Yaa laga bilaabi doonaa? Kuwa Tim Hortons fadhiisto oo fadhi ku dirirka ah? Kuwa masaajidada taagan 24/7, uguna soo dhuunto ama gambiyo ehelkooda? Kuwa banooniga iyagoo konton jir ah ka hadalkiis iyo sheekadiis xataa wali ku qafiifay? Ar yaa iloowi karo hee kuwa mafrishka iyo reero marqaan, waaba kuwa koowaadee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

I dont like this thread, odayguu waa bila shaqoo.. :mad:

 

MMA,I too want someone to write the Somali men stereo typicalities..

 

Where is KK,when you need her!..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malika-here's some at the courtesy of A&T

 

Islaan Soomali to her Daughter

 

Hooyo men are five:

 

Gacan-gaab: Please see 'The stingy Caruus'. After the caruus, he continues, "waa maxay? cuntada la karinayo hala tashiilo." When the woman says "waan afartan baxayaaye, labis iyo allab hala keeno", he says "safar baan u baxayaa". But usually the common tactic is to delay ‘wan-qalka’ ilmaha so that it coincides with the women’s ‘festivity’. Si aan waxba loo kala garan!

 

Gafuur-gaab: This one is in ‘angry mode’ always. But, mostly when other men-folks are around. Naagtiisu kama daba-hadasho buu ka helaa. Waa walbahaar socda and torobo-desciplinarian. If a song slips from the mouth of his woman, he is quick to say “maalaa yacni unbaad akhridaa, Islayaab qof weyn baad tahaye”. But himself, sometimes wuu ku qaad-qaadaa with a voice good enough only to be heard when announcing ‘the toilet is occupied’. For instance, when business really gets fine, he takes off his shirt and lets out “ Heegan aan ahaadoo Horseedo, waa la ii hanwaynye Hogaansho” like wadani.

 

Garaad-gaab: This one pretends to be the most munificent of all men. Among big crowds, he is the front-runner to say “anaa bixinaya”. Not that is bad, but at the same time, his women might not have changed her ‘dirac’ from the last ‘ciid’.

 

Gashi-gaab: Always muddy looking and pale, he is a believer in the ‘utilitarian concept of matrimony’. For what am I going to dress myself up? He better concentrates in breaking wood for the family and fixing mal-functioning lights [in urban setting]. Mostly, in Macawis/Pyjama and wiping sweat from the forehead.

 

Gunti Gaab: Having assured of ‘raaliyo’ at home, waa dayaday wayn kani. And he has perfected the art of ‘sophisticated shukaansi’. Tiisana wuu dharbaaxaa, tuu suuqa ku arkana “marakay alaab culus ooy wadatay u dhiibto, he asks if he can help more gleefully. A typical example is one the author saw who kept on asking a women whosaid she is married and her husband is abroad, “haa’ee, runta ii sheego, wax khilaaf ah miyaa jira dhexdiina???”

 

 

[Please add more].

 

Do women feel I have avenged for them in some measure? Trying to get back lost ground.

 

MMA...Reer Toronto transformed somethings into art. I'm not sure if I'm quilified to find the words to capture the essence of their craziness.

 

Malika...My Ayeeyo will come in with her usual flair :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, Reer Koronto xaa laga sheegay maqashay? Ebidkaa ma timid?

 

Meeshaan balaayo waaye, haddee ku waalin, adigaa iska waalan doontid. Majnuun, mashalaaye, manaxe, macaacle, maxaa'igagalay, manoole, marmarle, mashiixe, makace iyo kuwa ka daran waa wada joogaan. Malika ayaa aragtay this city ee weydii waxee kala kulantay. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Garaad-dheer
:-
Waa "Marwo-dumar". Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn,amaba iska fool-xun,laakinse, waxay leedahay quruxda dahsoon ee Edeb,Akhlaaq, Sarriig,Xishood,Af-gaabni,Dulqaad, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay,waa wada goglan yahay,waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah.
:D:D

 

Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda, waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada xun. Waxay ugu yeertaa ninkeeda:-gacaliye, macaane(macow),walaal,ina-adeer iwm. oo ka kal iyo laab ah,dano khaas ah iyo xilli goonni ahna aanan ku xirnayn.

 

Haddii uu Ninkeedu wax-beelo(sabool noqdo), gacantiisuna ay Eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa, waxayna u guntataa ****olidda baahida iyo adeegsiga xikmad iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ah
"Raalliyo"
uu ninkii hela uu nasiib leeyahay.

Hadaa tan camal heshiin iisoo sheega, anbo booyaaso caruurta ii koriso aan raadinaayay... :D:D

 

 

Guri nadiifis waala fahmay, sariir gogol waala fahmay, cunto kari waala fahmay, anoo intaas sameeyay muuba mooral iyo macnawi dhisoow sii sugaa? Xashac!!! Bal let's saybo, mooraalkiina waan dhisay, but I'll be damned inuu isagoo gacan maran guriga iisoo galo!!! HELL TO THE BUURAHA!!!!!!!!! Gacandheer leeba iksu badalilaah...Sheekada waaba sii balaaratee, what is next inaa dharka ka badalo, una qubeeyo (well that could be arranged :D )...Socda dheh...

 

Malika, hayeh tee tahay adi? :D

 

Che, ayeeyadaa alla janee, war ma waxaanaa keentay? Alow yaa kab dacas kula dhicin... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this