Sign in to follow this  
Shaakirullaah

From predator to prey: Sh. Muhammad 'Abdullah on the hunt for the drones

Recommended Posts

Maaddeey   

Xoogaga Alshabaab ee magaalada Marka ayaa maanta rasaasta ka dhacda qoriga Lidka Diyaaradaha iyo kuwa garbaha laga rido ku weeraray Diyaarado Helicoptero ah oo jawi hoose ku duulayay, kuwaasoo ku soo dhowaaday Xaafadaha Marka.

 

Diyaaradaha ayaa qal qal geliyay dadka ku nool magaalada Marka, waxaana ay ka yimaadeen dhinaca Bada oo la rumeysan yahay in ay ka soo kaceen Maraakiib fadhisay xeebaha.

 

Rasaasta lagu caabiyay diyaaradahaas ayaa ahaa kuwo laga maqlayay magaalada Marka, taasoo dadweynaha cabsi iyo wal wal ku abuuray, waxaana dhawaqa rasaasta ay aheyd kuwo aad isu qabsatay.

 

Sarkaal u hadlay Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in diyaaradaha oo ahaa labo ay waxyeelo gaarsiiyeen mid ka mid ah, isla markaana ay carareen, inkastoo aan la heyn war ka madax banaan sheegashada sarkaalkaas.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa degmada Marka lagu arkayay diyaaradaha jooga hoose ku duulaya, waxaana walaac badan ka muujiyay dadweynaha oo ka cabsi qabay in ay weeraro geystaan.

 

Tani ayaa noqoneysa fariin ku socota diyaaradaha ka soo kaca Maraakiibka dowladaha shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu arko magaalooyinka qaar iyagoo dul heehaabaya

 

Markacadey.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Maamulka Al-Shabaab ee G.Sh/Hoose oo digniin u jeediyey Diyaaradaha Ciidamada Shisheeye.

By Somalimirror on 31 Mar, 2010 9:37 AM in Main, Wararka

 

Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa digniin u jeediyey Ciidamada Shisheeye ee kusgan Xeebaha Soomaaliya waxayna sheegeen inay talaabo ka qaadi doonaan hadii ay markale ku soo xadgudbaan Goobaha ay ka howlgalaan Maamulada Islaamiyiinta.

Walaaliga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeelada Hoose Sheekh Max’ed C/laahi oo Shirjaraa’id Saxaafada u qabtay ayaa sheegay in Diyaaradaha shisheeye ay dhibaato aad u Xoogan ku hayaan Dadka Xoola dhaqatada ah iyo waliba kaluumeysatada wuxuuna intaa ku daray inay Dabeylo ku furaan Hantidoodana dhacaan.

 

Sh Max’ed oo arimahaa ka hadlaya ayaa yiri:“waxaan u sheegeynaa Ciidamada Saliibiyiinta ah ee Soo duulaya ee soo aadaya Xeebaha Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeelada Hoose inay kawaantoobaan Arinkaas inaysan mardambe agagaarka, Seerooyinka, Xuduudaha Badweynta India iyo Badacasba inaysan soo galin Wilaayooyinka Islaamiga ahna aysan ka soo agdhawaan, waxaan kaloon u sheegeynaa Ciidamada Saliibiyiinta ah inaysan ku kadsoomin argagaxinta dadka Masaakiinta ah iyo dhibaatooyinka ay ku sameynayaan ee ah dadkaa Xoola dhaqatada ah ee ay Dabeysha ku furayaan Xoolahana ka dilayaan kadibna ay qaadanayaan iyo sidoo kale dhibaatooyink ay ku hayaan Dadka Masaakiinta ah ee Bada kakaluumeysanaya ee ay Xabadaha ku ridayaan ayna Cabsi galinayaan heyska daayeen hana kawaantoobeen”.

 

“Mardambe hadii ay waxaasoo kale sameeyaana wixii maanta ku dhacay wax kadaran baa ku dhici doona” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Waaliga Gobolka Shabelada Hoose Sheekh Max’ed C/laahi.

 

Maalintii shalay ayey Labadiyaaradood oo joog hoose ku socda kana yimid dhanka Badda lagu dul arkay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose kuwaas oo khalkhal galiyey Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada.

 

Mid kamida Saraakiisha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay la Xiriirtay Shabakada warbaahinta Somalimirror ayaa sheegay in Ciidamo horey ugu diyaarsanaa ay gantaalo iyo Rasaas ku rideen Diyaaradahaas wuxuuna Carabaabay inay u carareen Dhanka Badda iyadoo mid kamida uu qiiq Xoogan kabaxayo sida uu hadalka u dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

...inaysan mardambe agagaarka, Seerooyinka, Xuduudaha Badweynta India iyo
Badacas
ba inaysan soo galin Wilaayooyinka Islaamiga ahna aysan ka soo agdhawaan...

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another case of the fake "Mujahidin" lying again to the public, the only problem is some in SOL, drink up the Godane Kool aid at every turn. They shott down a drone at 19000 ft..lol :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

kkkk some people seemingly like to twaddle about stuff they clearly don't know much about..

19,000 ft is certainly not an unreachable altitude. The only thing required is a proper anti-aircraft gun.

Most anti-aircraft guns could easily reach it as early as World War I, let alone today :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this