Sign in to follow this  
General Duke

Latest on fighting...Pics of prisoners

Recommended Posts

..Horn-Afrik/Shabbele are still saying there is fighting in dANUUNIYE, when the TFG is in Moode-Moode, what gives?

 

source somaliweyn

 

Here are pictures of the prisoners and TFG troops in Moode-Moode..

 

Dagaalada ka dhacay Moodo Moodo oo qaboobay islamarkaana ay ka dhacayaan xabado goos goos ah iyo warar kale

 

maxaabiista.jpgDagaalada saaka ka dhacay Moodo Moode ayaa waxaa lagu soo qabtay sadex ka tirsan Ciidamada Midowga Maxkamadaha Aweys Xasan Macallin oo ii sheegay in uu kasoo baxsaday Midowga Maxkamadaha isagoo sheegay in lasoo qasbay lagana soo waday Masjidka Salaama ee magaalada Muqdisho balse waxaa ka duwanaa Da'ud Cabdulaahi Axmed oo 19 jir ah ayaa ku adkaystay inuu u socday kana go'nayd inuu dagaalamo una dagaalamo Islaanimada uuna ku jihaadayo ciidamada Ethiopian-ka, Ilaahbaa wax dila waxna nooleeya qofna waxba igama qaadi karo ayuu carabkiisa ku adkeeyey.

 

Sidoo kale waxaa isna dagaaladaasi lagu soo qabtay Aadan Cabdulaahi Maxamed, sidoo kale Md. Jeelle ayaa sheegay in ay dileen Sodomeeyo qofood oo uu ku sheegay inay ku jireen ciidamo Ajnabi ah.

 

dagaal_moodomoodo3.jpgTFG troops in Moode-Moode

 

dagaal_moodomoodo5.jpgTFG troops in Moode-Moode

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO:Dagaalo qaraar oo ka socday Degmada Diinsoor oo xoogaa Qaboobay , iyo Maleeshiyada Maxaakiimta oo dhaq-dhaqaaq ka wada Buur-hakaba

Posted to the Web Dec 21, 21:41

 

Baydhabo: (pp) - Dagaal culus ayaa galabta si xun uga bilowday dhanka agagaarka deegaanka Iidaale oo ay ku hardamayaan Ciidamada DFKS iyo kuwa Maleeshiyada Maxaakiimta. Dagaalkaas ayaa Wariyaha Puntlandpost ee kusugan magaalada Baydhabo uu sheegayaa in dagaalkaasi uu ahaa mid aad la isula dhacaayey hubabka waaweyn ee madaafiicda.

 

Dagaalkan ayaa ahaa mid aan waxba la isula reeban , waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamada Dowlada Federaalka ay gelinkii danbe ay masaafo aad u badan ay gadaal ugu riixeen Maleeshiyada Maxaakiimta dhanka degmada Diinsoor, waxaana hada uu dagaalku ka socdaa meel 2-km u jirta deegaanka Diinsoor , waxaana jirta Rasaas yar-yar oo labada dhinac isku waydaarsanayaan aga-gaarka degmada Diinsoor.

 

Mid kamida Saraakiisha Dowlada uu Waraiyaha Puntlandpost, ayaa cadeeyey in dagaalku uu yahay mid aan joogsan doonin, wuxuuna kaloo Sarkaalkaasi sheegay inay maxaabiis aad u tiro badan ay ku qabteen dagaalkii galabta iyo kii shalay ka dhacay deegaanadaas.

 

Dagaal kale oo saaka Aroortii ka bilowday deegaanka Moode-moode ayaa wariyuhu ku soo waramayaa inay Ciidamada Dowladu ay gacanta ku dhigeen 7 gaawaarida dagaalka ah oo laga qabsaday Maxaakiimta , waxaana oo Wariyuhu uu goobahaas ku soo arkay baabuur tiro badan oo ay saraakiisha dowladu ay sheegeen inay ka gubeen dhanka maxaakiimta. Dagaalkaas ayaa galabta iskiis isaga qaboobay ,

 

Walow guusha ay ciidamada dowladu ay gaareen ay tahay mid iska cad , oo indhaha qofka booqdaa goobaha ay dagaalada ka socdaan uu dareemi karo, hadana waxaa loo maleeyaa ayuu leeyahay Wariyuhu in dowlada Federaalku ay ka gaabsanayso sheegashada guulaha ay gaareen .

 

Maleeshiyada Maxaakimta ayaa awoodooda oo dhan isugu keenay maalmihii ugu danbeeyey deegaanka Mooda-moode oo ay dowladu kaga xoog-roonaatay maxaakiimta , waxaana maleeshiyada maxaakiimtu ay soo faaruqiyeen dhamaan deegaanka Bandiiradleeyey oo ay horay u joogeen ciidamo ay ugu talo-galeen inay kulaalaan deegaanada Puntland.

 

Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka maxaakiimta ayaa galay maalintii labaad , waxaana hor-joogayaasha ugu sareeya maxaakiimta ay Saaka ka baqooleen magaalada Muqdisho, iyagoo aan si toosa u sheegin meesha uu socdaalkoodu ku aadan yahay , waxaase masuuliyiin kudhow Yuusuf Indho-cade iyo Xasan Daahir Aweys ay sheegayaan inay u amba-baxeen Magaalada Barakaysan ee Maka. Waxaana warar kale oo khilaafsan kuwaasi oo durba soo ifbaxaya ay sheegayaan inay u baqooleen dhanka dalka Ereteriya oo ay ka dhaxayso wada-shaqayn aad u balaaran.

 

Wixii dagaaladan ka soo cusboonaada kala soco Puntlandpost.com

 

Daabacaada: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

General Duke, where are the prisoners? All I can see are three teenagers. One of the teenagers is strangely smiling. Is this the best picture the dumb reporter could get after a whole day of fighting? How useless. :mad:

 

Where are the pictures of those so-called 17 technicals.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

^^ So after they run out of adolescents, they will send in the toddlers brigade and the elite female platoon? This is utterly despicable!

 

Generaalka, is it true some ICU forces are headed towards Banaadirely to start another pointless battle?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^From the news outlsets, there is some talk about this, though some reports are indicating that the Clan Courts have vacated Bandiradlay due to the pressure in the south.

 

Also Hiiraan, there are troop movements, with the old governors of Beledweyne and Jowhar on the "move" even though I have heard these rumours many times these past few months.

 

We have to wait and see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those are innocent youngsters for me, that have been brainwashed Duke! It's not their fault, however it's the responsibiity or shall I say the irresponsibility of the clan courts and their leaders!

 

Tommorrow inshallah Pi, you will hear about news of the Bendiraadley front inshallaah also Hiiran and Galgudud!

 

This thing is the real thing Pi, it's a sweep adeer. Inshallaah let's hope for the best possible out-come!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^the sweep will be completed,first the warlords in Xamar,Kismayo,and now Baydhabo,yeah that is what I call sweep,hopefully the Islamic courts Union,the Mujaahideen will complete will rid the evil off the somali peninsula and horn of Africa for good.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^The fact is those are the types of fighters the Clan Courts are using to conquer Ethiopia..

The pics are from Somaliweyn.com which are a pro courts website..

Conquer Ethiopia lol

The people of Negash, Tigray can't wait for their new "mahdi" IndaCadde to make them "good moslems".

 

We are thankful for the people of Somalia who saw the fakery and exposed it as such. Now even the most diehard ICU can't say the word Jihad anymore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mr.Red Sea:

^JIHAD on ardul xabash

Its fake. Only an imposter can say those words. The people of somalia have awakened to the fakery. Thats why even the spokespersons or supreme islamic leader cannot repeat those words anymore.

Here on SOL you are the only one I see who can say that. I think enough people have commented on your hipocritical ways, so I leave it at that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Red Sea, are you still talking?

Here is the latest from the front in terms of casualty its tragic.

 

Faahfaahin qasaarihii ugu balaarnaa oo ay ebed dagaal kala kulmeen maleeshiyada maxkamadaha Muqdishu

Posted to the MOL December 21, 2006, 9:52 pm

 

 

Baydhabo:- Ka dib 3 berri oo dagaal aan kala joogsan oo ka socday deegaanada u dhaxeeya magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ayaa galabta wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanada dagaaladu ka socdaan sheegayaan in maleeshiyada maxkamadaha Muqdisho oo weerar ku ahaa saldhiga dawlada KMG ah ee Baydhabo la kulmeen qasaarihii ugu balaarnaa ee ay ebed kala kulmaan dagaal ay galaan tan iyo intay la wareegeen gacan ku haynta inta badan koonfurta Somaliya.

 

Wararka ugu dambeeyay ee aan ka helayno jiida hore ee Daynuunaay, Iidaale iyo Moode Moode ayaa sheegaya in maleeshiyada maxkamadaha Muqdishu halkaas qasaare weyn ka so gaaray. Xog-ogaal ku sugan Baydhabo ayaa noo sheegay in dhimashada maleeshiyada maxkamadaha dhaaftay boqolaal ka dib markii Habeenkii xalay ay weerar ku soo qaadeen Moode Moode maleeshiyada Muqdisho ayay waxay ku dhaceen dabin ay ciidamada dawladu u dhigeen oo dhabar jabin xun ay ku dhacday. Moode Moode ayaa la sheegay in saaka meydkoodii daadsanaa maleeshiyada maxkamada ka dib markay ka carareen. Dhimashada maleeshiyada maxkamadaha ee dhinaca Moode Moode iyo Daynuunaay ayaa la sheegay inuu kor u dhaafay boqolaal halka dhaawacana aan la xisaabin karayn.

 

Wariye ajnabi ah oo u shaqeeye wakaalada wararka ee AP ayaa indhihiisa hal meel ku arkay meyka 19 maleeshiyada Maxkamadaha muqdisho isagoo qaar ka mida meydkaas soo sawiray. Maxabiis laga qabtay maleeshiyada Maxkamadaha ayaa qaarkod sheegeen in maxkamaduhu soo qafaaleen oo dagaalka ku soo qasbeen. Dagaalka Moode Moode iyo Daynuunaay ayaa hadda joogsaday ka dib markii maleeshiyada Maxkamadaha gadaal loogu riixay Buurhakaba oo ay ka soo duuleen tageen.

 

Dhinaca degmada Diinsoor ayaa iyadana waxaa ku dhacay maleeshiyada maxkamadaha qasaarooyin badan oo aan la soo koobi karin iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degmada Diinsoor ay sheegayaan in maleeshiyadii maxkamadaha ee aagaas ka dagaalaysay ay carareen ciidamada dawladuna ku raadjoogaan.

 

Dhinaca Maxkamadaha ayaa iyagu wali ku adkaysanaya inay guulo ka soo hooyeen dagaaladaas oo sida cad qasaare weyni ka soo gaaray. Sh. Daahir Aweys oo shalay balanqaaday inuu xabad joojin ku dhawaaqi doono ayaa maanta sheegay inaysan dagaalka joojin doonin oo ay sii wadi doonaan iyadoo magaalada Muqdisho ka baxeen maleeshiyo cusub oo u socota dhinaca Buurhakaba.

 

Dhanka dawlada KMG ah ayaa waxaa u hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga Siciid Cali Jeele oo sheegay inaysan ciidamadu dawladu marna weerar qaadi doonin ee ay isdifaacayaan. Isagoo intaas ku daray inay dawladu aad uga xun tahay dhalinyarada Somaliyeed ee inta la soo marin habaabiyay iyagoon tababar ciidan qabin la geeyay furumaha oo halkaas xabadi ku leeftay. Waxaan uga degaynaa waalidiinta Somaliyeed inay nimankaas maafiyada ah ee maxkamadaha isku sheega ilmahooda ka ilaalsadaan.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Somali_Friend:

Its fake. Only an imposter can say those words. The people of somalia have awakened to the fakery. Thats why even the spokespersons or supreme islamic leader cannot repeat those words anymore.

Here on SOL you are the only one I see who can say that. I think enough people have commented on your hipocritical ways, so I leave it at that.

You are in error. The jihad call by the ICU isn't fake; it's genuine. The ICU is a genuine Islamic grassroot movement. There can't be fake Islamic movements, if you claim otherwise, then I challenge (I have challenged you before, and you will usually dodge the challenge) you to cite a few examples of fake Islamic movements in recent history. You can't claim it's fake jihad, because you are secular, unlearned and handicapped in issues and matters that relate to Islam or Islamic teachings. And you are wrong, Mr.Red Sea isn't the only one who says JIHAD on ardul xabash, others have said it before, and here I say: JIHAD on Ardul Xabash. Allahu Akbar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this