Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Xaflad Loo Qabtay Ardayda Heerarka Kala Duwan Ee Dugsiga Al-Furqaan / Badhan .(+ sawi

Recommended Posts

Badhan : Saaka subaxnimadii ayaa xarunta dugsiga Alfurqaan ee magaalada Badhan waxa lagu qabtay xaflad ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen ardayda dugsiga heerarkooda kala duwan Hoose , Dhexe iyo sare , iyo waalidiinta ardayda , gudida dugsiga iyo bareyaashooda.

 

Xafladan ayaa lagu abaalmarinayey ardayda ama kooxaha ku guuleystey tartanka kala duwan ee ardayda loo qabto maalin walba oo Khamiis ah, tartamadaas oo isugu jira kedis, doodo , khudbado, cilmi baadhis, jariidado gidaareed ( المجلة الحائطية ), cayaaro ay ka mid yihiin : booddo, orod, kubadda kolayga, kubadda volley - da , iyo kubadda cagta .

 

Cayaarahaas ayaa cidda ku guulaysata waxa lagu abaal mariyaa xaflad tan oo kale ah : ardaydii halkaas lagu abaalmariyey ayaa waxa ka mid ahaa : Maxamed Xasan Cabdi , Maxamed Saalax Cali iyo C/xakiim Cali Bel-bel oo boodada ku guulaystey , sidoo kale : Maxamed Axmed Cali (Nugaal) ayaa noqday ardaygii ugu khudbadda wanaagsanaa . waxa iyaduna mucjiso ahayd wiil yar oo lagu magcaabo Axmed Maxamed Axmed ( timo-cadde) oo noqday ardayga saxaafadda u qaaday, waxana uu isla xafladda dhexdeeda kusoo bandhigay sida la yaabka leh oo barnaamijka warka usii daayo , waxana aad loola dhacay wiilkaas oo aan warka ka akhriyin waraaq una soo xifdiya sida uu idaacadaha uga soo dhegeysto ama loogu dul akhriyo, isagoo da’diisu yar tahay.

 

Dhanka gabadhaha ayaa xagga firfircoonida waxa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Imaan Siciid Faarax iyo Samiiro Aadan Jaamac, .

 

Iyadoo aan halkan lagu soo koobi karayn shahaado sharafyadii ardayda halkaas lagu guddoonsiiyey iyo jaa’isadihii qiimaha lahaa ee halkaas ay ardaydii dadaashey kala galbadeen ayaan kusoo gaabsanaynaa intaasi.

 

Maamulaha iskuulkaas C/casiis Axmed Dhahar oo furitaankii khudbad ka jeediyey halkaas ayaa ardayda ku boorriyey iney waxbarashada ku dadaalaan , sidoo kalena waxyaalaha lasocda ( Extra Curriculum activities ) ee cayaaraha iyo tartamada kaleba ay si fir-fircoon uga qayb qaataan , waxana uu ku tilmaamay iney mustaqbalkooda anfacayso dhamaan waxyaalahaasi , ayna yihiin waxyaalo aan waxbarashadu ka maarmi Karin , dugsiga qiime weyn ugu fadhiya , dhaqaale , hawl iyo maskax badanna la geliyo .

 

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay waalidiin uu ka mid yahay Xaaji Xuseen Cismaan iyo Caasho Cumar Cawl oo ardayda waanooyin iyo taloba halkaas uga soo jeediyey , bareyaashana uga mahad naqay hawsha ay hayaan.

 

Sawirada:

arday-7-.jpg

koobka-1-_1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is what a healthy mind can acheive, imagine if every somali would think to rebuild, such schools, hospitals,madarasis etc, instead of killings, hatred, and distruction. fellows we are better than this!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

That's how it is done. Block by block. Town by town. Bottom up approach is the way to go. Not only schools educate young but they make them busy and channel all that energy into the right direction.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this