Sign in to follow this  
Juje

Qarax miino oo maanta lagula eegtay Taliyaha Ciidamada Milateriga

Recommended Posts

Juje   

Qarax miino oo maanta lagula eegtay Wadada Sey-Biyaano Gaari uu leeyahay Taliyaha Ciidamada Milateriga

 

Inta la og yahay hal askari ayaa ku geeriyooday afar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib qarax miino oo barqanimadii maanta lala eegtay Gaari uu leeyahay Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen, Maxamed Geelle Kaahiya.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga xilliga qaraxa lala eeganayay uu saarnaa Taliyaha, halka warar kalena ay tibaaxayaan in aanu Taliyuhu saarneyn xilligaas qaraxa lala beegsaday.

Askarta dhimashada iyo dhaawac soo gaaray ayaa la sheegay in ay ahaayeen Ilaalada Taliyaha, iyagoo gaari ku marayay wadada Sey-Biyaano.

Afhayeenka Booliska C/llaahi Xasan Bariise ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas ay ka dambeeyeen Kooxaha nabad diidka ee Dowladda ka soo horjeeda, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Ciidamada ay wadaan howl galo sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo Kooxaha Mucaaradka si xeeladeysan ugu qaarijiyaan Saraakiisha Ciidamada, iyagoo wadada dhinaceeda ugu aaso, mararka ay Gaariga wataan waxaana ay ka maamulaan Meelaha fog fog oo ay gaadiidka ku qarxiyaan Miinada.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Qof walba wakhtigiisa ayuu dhimanayaa amase wakhtigeeda. Waxaan aaminsanahay in qofkii wakhtigan Dowladda Soomaaliya xil ka qabta u bareeray halis joogto ah ayna mudan yihiin in lagu ammaano laguna taageero. Ilaahay ha xafido ragga iyo haweenka hawshaan ku jira kuwa Soomaaliya nabadda ka hortaaggana Ilaah hannaga qabto dal iyo dibad meel ay joogaanba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Shaakirullaah:

The apostate soldiers of the puppet administration opened fire in all directions after this explosion, killing and injuring many civilians.

And the Blame once more lies upon The Khawaarij of our Time and Bi'idnillah they will be defeated.

 

Sneek an offensive and run for cover so that the reply harms the innocent civilians. These are The cowardice Tactics of the New khawaarij!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Shacabka waxa dhibka ku haya waa la yaqaannaa, waa kuwa aad Dawladda u taqaanaan, oo dhac, dil & xumaan oo dhan u geysta!, kolley 2diinna Xamar waa la idiin degganyahaye, Shacabka wareysta, markey Wiilasha yar-yar eed Khawaarij u taqaannaan u yimaadaan ayaa neefta ku soo noqotaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Maaddeey:

Shacabka waxa dhibka ku haya waa la yaqaannaa, waa kuwa aad Dawladda u taqaanaan, oo dhac, dil & xumaan oo dhan u geysta!, kolley 2diinna Xamar waa la idiin degganyahaye, Shacabka wareysta, markey Wiilasha yar-yar eed Khawaarij u taqaannaan u yimaadaan ayaa neefta ku soo noqotaa!

Wallahi hadaad wareysan laheyd shacabka waxa dhibka ku haya weji kale ayad la imaan laheyd Maaddeey. Hadaad modey mobil laga xoogo ama isbaaro lo dhigto in uu yahey waxaa shacabka dhib uu ah, midka ka daran oo aysan weliba ka sheegan kariin kuna dulhabsadey aydan war u heyn - marka laga xoreyo, Insha Allah, ayan is warsan doona sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Juje, hadaanan wareysay warkaas ma sheegeen!

 

Waxaa ka mid ah Nin Tagsiile ah oo iiga warramay isbaarada Hebelkaa hebel Farey ee Warshadda Kabka, wuxaa joojiyey ciidankiisa, waxaa dhex-martay sheekadan:

 

Moor'yaanta: Mujaahidiintii ma ka hartay

Tagsiile: Weligey Mujaahidiin ma raacin

Moor'yaanta: oo Hadda Gaalada ma la dagaaleysid?

Tagsiile: Maya, Allow aan Gaalo la dagaalin!

Moor'yaantii oo arkay in tagsiiluhu Baakad Sigaar jeebka ugu jiro: OO sigaaraad cabtaa

Tagsiile: Haa, ma rabtiin 'xabad xabad ayuu u qeybshay!'

 

Tagsiilihii wuxuu is weydiiyey hadduu dhihi lahaa gaalo waan la dagaalayaa waxay ku sameyn lahaayeen!

 

Shacabka waxa ka daran Dhac, Dil & Handadaad ee Shabaab ku sameeyaan waa maxay?, Xijaab ha la qaato, garka ha la deysto, surwaalka ha la laabto, Jaadka magaalada kala baxa, raadiyo Muqdishow yaan la dhegeysanin, Filimaanta Anshax xumada yaan la daawanin, maxaa kale??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Maaddeey:

Xijaab ha la qaato, garka ha la deysto, surwaalka ha la laabto, Jaadka magaalada kala baxa, raadiyo Muqdishow yaan la dhegeysanin, Filimaanta Anshax xumada yaan la daawanin, maxaa kale??

Inta aad sheegtey wa daha hore ee hoos ila dhadhac. Waxad ka waranta habarta ohinta lo diday, mida saddex iyo toban jirkedi laga watey anan ka hadli kariin, Hubnaha jirka laga so goyay ee suqa Bakaraha dhax waran loguna tala galay in lagu wana qaato. Waxaa ka si daran wariidka gabadhoodi iyago tagan laga qaxeystey la yiirina kama hadli kartan oo nin Muslin ah aya so dontey. Bal waxaad ii sheegta waxa ka fol xun wilasha xabada lo quuri waaya oo mindida lagu gowracay.

Waxas iyo wax la mid ah waxaa ka daran Maadey o sual ah diinta Islaanka ma mid nasteexo ahba mise wa mid ciqaab ah, maxaa umaadi xoriyaada ka qaadey, maxaa kuwi aqoonta dineed ama mid kaleba laha ugu so aruuren kuwa la yiiri amuusa wax aad ogtihiim maleh, ama badankood lagu tilmamey murtadiin.

Maadeeye ina abti waxaa mesha ka socda ama aad adigu qudhada aad halkakaan ka dulineysiid ma aha xijaab hala xirto, jaad yanan la cuniin, anshax xumida ha layska dhafo iwm. ee waa dhaqan cusub ujeedo balaran leh sona huwadey magac diineed. Waxa socda oo la raba in la qalibo oo tukun-takun laga dhigo umaad dhan dhaqankeedi iyo diinteedi oo la raba in hada baab cusub lo fuuro.

Maadeeye malinti , Insha Allah mar dhow, ay umaadan xoordow waxan sugayaa mesha aad quraan dhurwagada aad ku wacdi doontiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this