Sign in to follow this  
RedSea

News break: Ciidamo Puntland ka baxay oo ciidanka ICU da ku darsamay

Recommended Posts

RedSea   

Ciidamo Ka Goostay Puntland Oo Ku Biiray Maxkamadaha Iyo Ciidamadi Joogay Adhi Cadeeye Oo Galkacayo La Keenay

Somaliland.Org — Gaalkacayo, Somaliya — 15 November, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Galkacayo (Somaliland.Org) Ciidamo tiradoodu gaadhayso ilaa boqoleeyo oo kazoo jeeda degaamada Puntland, gaar ahaan magaaladda Gaaklacayo ayaa manta ku biiray ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee fadhiisinkodu yahay Bandiiradley.

 

 

Ku biiritaanka ciidamadan Puntland ayaa cabsi weyn ku dhalisay maamul goboleedka Puntland, taso sababtay in Gen Cadde Muse, Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland wakhtigan xaadirkaa kormeer ku marayo kuna sugan yahay halka ciidamadiisa iyo kuwa Maxkamadahu isku hor fadhiyaan.

 

 

Waxa labadii wiig ee ugu danbeeyay ka dhacay deeganka Bandiiradley oo ah agagaarka Gaalkacayo dagaalo halkas ku dhex maray ciidamada Maxkamadaha Islamka iyo kuwa Puntland. Ciidamada Puntland iyo kuwa Cabdi Qaybdiid ayaa ciidamada Maxkamadahu ka qabsadeen degaanka Bandiiradley iyo degaamo kale oo ku dhow dhow.

 

 

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in maamul goboleedka Puntland uuu ciidamadiisi u joogay degaanka Adhi Cadeeye uu usoo wareejiyey dhinaca magaaladda Gaalkacayo, halkaas oo uu ka socod abaabul dagaal oo aad u balaadhan.

 

 

Magaaladda Gaalkacayo ayaa degaan ahaan waxa kasoo jeeda Madaxweynaha Dawladda Federalka Cornel Cabdilaahi Yusuf Axmed, taasoo ay dhabar jab weyn ku tahay isaga iyo maamulka Puntland Maxkamad dhowaan lagaga dhowaaqay degaamadas iyo ku biiritanka ciidamadan ee Maxkamadaha.

 

 

Cabdi Cali, Somaliland.Org

 

Gaalkacayo, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^lol.So let me ask you mr.Duke,how do you expect people to find your news sources such as arguably the mother of all lies,Puntland post,and simply dismissed what others post here as not true at all.I have to say,that is wild.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this