Sign in to follow this  
Xudeedi

Somalia Celbrates Eid Al-Fitr (Pics) [ Please Add your home-town on thread]

Recommended Posts

Xudeedi   

BADHAN (SPR): Degmada Badhan ayaa maanta waxaa looga ciidey si aad u wanaagsan iyadoo dadku intiisa badan ay halmeen ku tukadeen. Shacabka ayaa waxay salaada ku tukudeen meel fagaaara ah oo magaalada dibada uga baxsan iyagoo wajigooda ay ka muuqdaan farxad iyo rayn rayn. Masuuliyiinta ka soo qaybgashay gudashada iidaana yaa waxa kamid ahaa badhasaabka gobolka sanaag ee maamulka Puntland maxamud siciid nuur (dabayl), Iyo isimo ay ka mid ahaayeen islaan xuseen c/salaan, ugaas maakhiri iyo isima kale.

 

Waxaa goobta ciida qudba dheer ka jeediyey shiyuukhda kala ah Sh.Maxamud Maxaed Cumar iyo Sh. C/rashiid sh. Saalax iyagoo umada ku baraarujiyey in ay nimcada ka faa’ideystaan uu ilaah ku manaystey.ayna isu calool furaadaan kanashaqeeyaan nabada iyo horumarka Kuna shugriyaan nimcada balaaran ee ay haysataan, sidoo kale shuuyuukha ayaa waxaa ay ilaahay ugabaryeen in dagaalada kasocda degaanka dhulbeereedka ah ee galgala xal nabadeed oo waara lagagaaro.

 

ciidkan ayaa waxaa uu ciidadkii hore kaga duwanaa iyaga oo ay dadku simidaysan meel ugu wadatukadeen maalina u wada ciideen taasoo aan hore udhicijirin,arintan ayaa ah mid albaabada ufuraysa isu soo dhowaanshaha qaybaha bulshada ee kudhaqan degmadatan badhan.

 

iskusoo wada xooriyoo shacabka kudhaqan degmadatan badahn ayaa isugu hambalyeynayey in ciidkan ciidkiisa ilaahay kugaadhsiiyo barwaaqo,nabad iyo caafimaad.

 

Sawira Badhan halkaan ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Ceerigaabo, Governing District of Sanaag Region

 

ceericiida.jpg

 

IDEE LOOGA CIIDEY MAGAALADA CEERIGAABO EE GOBOLKA SANAAG

 

Sidoo kale waxaa maanta si weyn looga ciidey magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag halkaasoo ay isugu yimaadeen shacab badan iyo masuuliyiinta qaar ka mid ah Somaliland. Iyadoo aan dhawaan idiin soo gudbindoono muuqaala kala duwan hos ka daawo sawirada Magaalada Ceerigaabo iyo sida looga ciidey.

 

Culumaa'udiin badan oo meesha ka hadley ayaa sheegay in ay umadu ka faa'ideystaan waqtiga aysan noqon bil caabud iyagoo looga baahanyahay in ay cibaadadooda sii wataaan.

 

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA CEERIGAABO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Hadaaftimo, Sanaag Region

 

Waxaa si wayn looga Ciiday Magaaladda Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ka gadaal markii Dadweyne gaaraya Kumanaan qof isugu soo bexeen Fagaaraha weyn ee Garoonka Magaaladda halkaasi oo ay Dadku soo buuxdhaafsheen si ay ugu Tukadaan Salaada ciida, Dadweynaha Goobta soo gaarayay ayaa isugu Hambalyaynayay CIID MUBAARAK,CIID MUBAARAK.

 

 

HALKAN KA DAAWO SAWAIRADA OO DHAMAYSTIRAN

 

 

Intaasi ka dib ayaa waxaa la guda Galay Jeedinta Khudbadihii Salaada Ciida iyadoo ay halkaasi ka hadleen Culuma’udiin ay ka mid yihiin Sheikh Xuseen cabdi wadaad oo khudbad halkaasi ka jeediyey .

 

Isku soo wadda Duubo Munaasabadi Ciida ee Maanta laga Tukaday Magaaladda Hadaaftimo ayaa ahayd mid dadku ku soo dhamaysteen Jawi farxad iyo Raynrayn leh .

 

Daawo Sawiro kale

 

Dad-weynihii halkaas isugu so baxay oo dhegaysanaya khudbada

 

Maxamed Ibraahim Rabisahal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Buuhoodle, Governing Seat for SSC Movement

 

Buuhoodle:- Magaalada Buuhoode ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa saaka si weyn looga ciiday, taasi oo aan wax khilaaf ahi ku jirin. Waxaana ay dadweynuhu goor horeba buuxiyeen Masalayaasha kala duwan ee magaalada, gaar ahaan Garoonka Xabbado ee badhtamaha Buuhoodle, waxaana ay markii salaadda laga soo dareerey isku salaamayeen farxad iyo weedho duco iyo bogaadin isku jira. halkan riix sawirrada

 

 

 

Hoggaamiyaha Midaynt iyo Badbaadada SSC Dr. Saleebaan Ciise Axmed, ku xigeenka Hoggaamiyaha Col. Cali Sabarey, Xubnaha Golaha Khusuusiga iyo mas'uuliyiinta kala duwan ee SSC ayaa waxaa ay dadweynaha reer Buuhoodle kala qayb qaateen Salaaddii Ciidda, waxaana ay dadweynaha salaaddii ka dib ku gacan qaadayeen Ciid wanaagsan.

 

C/casiis Saleebaan Axmed

 

cummaani@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Buuhoodle SSC

 

Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Anigu raggan kale waxa ay sawirka ku diidiin ma oge. Lakin, shakhsi ahaan, waxaan ku qoslay dharkan oo imaamko xidhay. Xita fi el ciid? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by NinaNC:

Hubka dawlada laga soo xadey maa lagu faanaa. Gubta ilaa cimaamadiina muuqanin. :mad: :mad:

Lol. Nina cadeey, Ayaamahan waa ku kacsan tahey kooxdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this