Sign in to follow this  
Sharmakee

Maxakiims form banadir government/courts

Recommended Posts

Mogadishu 05, Oct.06 ( Sh.M.Network) Golaha Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho si rasmi ah Maxkamada ku dhaqanka shareecada islaamka ee gobolka Banadir oo ay hoos imaanayaan dhamaan Maxaakiimta islaamka Somalia.

 

Xalada ku dhawaaqida Maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee gobolka Banadir, oo Saacado ka socotay xaruntii hore ee Madaxtooyada ee Villa Somalia ee magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen dhamaan madaxda sar sare ee Maxkamadaha islaamka ayaa soo gabogaboobay, iyadoo lagu dhawaaqay Maxkamadda islaamiga ee gobolka Banadir oo mideyneysa dhamaan Maxkamad beeleedyada ka jira magaalada Muqdisho.

 

Kulankaasi oo ay ka qeybgaleen Mas'uuliyiinta golayaasha shuurada iyo fulinta ee Maxkamadaha islaamka ayaa waxaa lagu dhisay afar maxkamadood oo kala ah

 

1. Maxkamadda hanti isku celinta gobolka Banadir oo gudoomiye looga dhigay Dr. Cumar Cabdalla, kana kooban 11 xubnood.

2. Maxkamadda racfaanka gobolka Banadir oo gudoomiye loogu doortay C/raxmaan Xasan Cumar, kana kooban 12 xubnood

3. Maxkamadda gobolka Banadir oo gudoomiye looga dhigay Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, kana kooban 12 xubnood.

4. Maxkamadaha degmooyinka gobolka Banadir oo ka kooban 21 saldhig lehna 64 garsoore.

 

Dhamaan Maxkamadahaasi waxaa goobta shirka kaga dhawaaqay Madaxa xafiiska garsoorka golaha fulinta ee Maxkamadaha islaamiga Sheekh Xasan Cismaan Axmed (Xasan Mahdi)

 

Sheekh Xaxan Mahdi waxa uu warbaahinta u sheegay in dhamaan xubnaha 4ta Maxkamadood ee maanta lagu dhawaaqay dhismahooda uu ka kooban yahay 110, xubnoo oo 35 oo ka mid ah oo ah gudiga hanti isku celinta ay si rasmi ah u howl-gali doonaan maalinta sabtida ah ee soo socota.

 

Sidoo kale Sheekh Xasan Mahdi waxa uu sheegay in labada Shabelle dhowaan loo dhisayo maamul la mid ah midka gobolka Banadir

 

Muanaasabaddaan ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Mas'uuliyiinta ugu sareysa Maxkamadaha islaamiga oo ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed gudoomiyaha golaha fulinta iyo Gudoomiyaha golaha shuurada Sheekh xasan Daahir Aweys

 

Sheekh Aweys ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhismaha maxkamadahan ee maanta lagu dhawaaqay, isagoo sheegay in ay wax weyn ka tari doonaan arimaha garsoorka iyo amaanka ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxa uu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in Maxkamadaha ay ku taageeraan howlaha amaan ku soo dabaalida dalka iyo sidii looga shaqeyn lahaa arimaha horumarka bulshada, ayna si dhab ah ugu dhaqmaan shareecada islaamka.

 

Gudoomiyaha golaha Fulinta Maxkamadaha islaamka Somalia oo hadalo ka jeediyay kulanka ayaa waxa uu sheegay in Maamulkaan cusub uu yahay mid looga baxayo cadaalad darada umadda horey u heysatay.

 

Sheekh Shariif ayaa qudbadiisa waxaa kale oo uu kaga hadlay xarigga iyo jirdilka maamulka Somaliland ay u geeysteen Sheekh Max'ed Ismaciil, isagoo sheegay in arinkaasi ay ka xun yihiin Maxkamadaha islaamka, isla markaana ay ugu baaqayaan maamulka Somaliland in ay sii daayaan Sheekha iyo culumada kale ee sida qaldan loogu heeysto arimo aysan shaqo ku laheyn.

 

Sheekh Sharifi waxaa sidoo kale uu cambaareeyay fara galinta ciidamada dowladda Ethiopia ay ku hayaan gudaha Somalia, isagoo sheegay in ciidamo Ethiopian ah ay ku sugan yihiin gudaha Somalia.

 

Sidoo kale munaasabadaasi ayaa waxaa hadalo ka jeediyay madaxa amaanka gobolka Banadir Sheekh C/laahi Abu cuteyba iyo K/xigeenka guud ee amaanka golaha maxkamadaha Sheekh Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo faahfaahin ka bixiyay isbadalka howlaha amaanka ee gobolka Banadir tan iyo Markii Maxkamadaha ay gacanta ku dhigeen caasimadda iyo howlaha saldhigyada gobolka Banadir oo hadda ay ku jiraan maxaabiis fara badan oo ku eedeysan dambiyo kala duwan sida uu sheegay madaxa amaanka gobolka Banadir Sheekh Abu Quteyba.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi gabayo qiiro leh ka jeediyay Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle iyo Abwaan Cismaan C/laahi Guure.

 

Ku dhawaaqida 4taan Maxkamadood ayaa ah talaabadii ugu joreysay ee dhinaca maamulka ay u qaadeen golaha maxkamadaha tan iyo markii ay la wareegeen caasimadda Somalia, taasoo soo afjareysa nidaam la'aanta iyo isbarbaryaacii ka jirey caasimadda Somalia ee Muqdisho.

 

 

The real government in action pics

 

http://shabelle.net/2006/october/n8868.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this