Sign in to follow this  
Tahliil

An Arab Peace Keeping Force?? Will Yeeyi let Go Tigre Then

Recommended Posts

Tahliil   

Shinn oo tageeray in Somalia ciidamo Carbed la geeyo

 

18 Sep 18, 2007 - 12:51:45 PM

David Shinn, oo Mareykanka danjire uga ahaan jiray Itoobiya, horeyna Soomaaliya uga soo shaqeeyey, ayaa sheegay in saldhigga xalka colaadda Soomaaliyeed uu yahay awood qaybsi dhex mara dhinacyada is haya, iyo ciidamo nabad ilaalineed oo dalalka Carabta ka socda.

 

Waraysi dhinacyo badan taabanaya ayuu danjiruhu siiyey VOA.

 

Danjire David Shinn

 

Danjire David Shinn wuxuu sheegay ineey haboonaan laheyd in ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga lagu beddelo kuwa ka socda dalalka Carabta iyo Africa, isla markaana hoos taga howlgal eey Qaramada Midoobay leedahay.

 

Hadalka Shinn wuxuu ku soo beegmay iyadoo Isniinta uu madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/llahi Yusuf Axmed, oo hadda booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudiga, uu weydiistay Jaamcadda Carabta ineey ciidamo nabad ilaalineed u soo diraan dalkiisa.

 

Isagoo ka jawaabaya su’aal aheyd sida uu u arko in ciidamo Carbeed la geeyo Soomaalia, Ambasaddor Shinn wuxuu yiri:

 

“Waa talo fiican in ciidamo African ah, iyo gaar ahaan kuwo Carab ah la geeyo Soomaaliya. Tani waxeey u suuro galineysaa ineey Itoobiyaanku Soomaaliya isaga baxaan.”

 

Xal siyaasadeed

 

Laakiin ambassador Shinn, oo Soomaaliyana hore uga soo shaqeeyey, imminka macallin ka ah Jaamacadda George Washington, ayaa tibaaxay in ciidamo kasta oo la geeyo Soomaaliya eeysan nabad ku soo dabbaali karin, haddii aan la helin xal siyaasadeed.

 

“Mushkiladdu jirtaayi waxeey tahay, in xitaa ciidamo Carbeed aysan xallineyn dhibaatada aasaasiga ah. Marka hore, waa in la helo awood qaybsi dhab ah oo dhexmara Dowladda Ku Meel Gaarka ah iyo mucaaradka qunyar socodka ah, ee qaar kamid ahi eey dhowaan Eritrea ku shireen.

 

“Haddiiba la doonayo in ciidamo nabad ilaalineed eey meesha ku sii nagaadaan, qabtaanna wixii laga doonayey ee ahaa ineey xasiliyaan Muqdisho, waa in la helo awood qaybsi.”

 

Mar la weydiiyey sababta uu ugu maleenayo in ciidamo Carbeed eey dhaamaan kuwa African ah, Shinn wuxuu ku jawaabay:

 

“Waxeey ila tahay in Carabtu ay si hoose ula socdaan arrimaha Soomaalida. Soomaaliyana waxeey ka tirsan tahay Jaamcadda Carabta iyo Midowga Africa. Soomaali fara badan ayaana Af-Carabiga ku hadasha, oo fahmi karta ciidamada. Waxeey ila tahay in dhaqan ahaan eey Carabtu u dhuun daloolaan arrimaha Soomaaliya, isla markaana ku dhaamaan qaar badan oo African ah. Soomaaliduna waa Muslimiin.”

 

Mucaaradka iyo ciidamo Carbeed

 

Inkastoo eey Soomaalidu inta badan soo dhaweynayaan ciidamo Carbeed, Ambasador Shinn wuxuu sheegay ineysan taasi macneheeda aheyn in kooxaha mucaaradka ku ah dowladdu ay oggol yihiin.

 

“Waxeey ila tahay ineey kasoo horjeesan doonaan, maxaa yeelay waxeey rabaan ineey awoodda qabsadaan. Taana waxaa hadda kahor taagan ciidamada Itoobiya. Marka haddii la helo ciidamo Qaramada Midoobay ka tirsan, waxeey kala ilaalin doonaan kooxaha loollamaya.”

 

Ugu dambeyntii, Shinn wuxuu sheegay in haddii la helo howlgal kharash fiican lagu bixyo oo eey Qaramada Midoobay ciidamo nabad ilaalineed ugu direyso Soomaaliya, ineey dhici karto ineey howshii loogu tala galay qabtaan. Laakiin wuxuu ku ceceliyey in marka hore la helo awood qaybsi dhexmara dhinacyada is haya.

 

 

Xigasho/VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this