Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Lascanood explosion kills 3 people

Recommended Posts

War dag dag ah Waxaa caawa ka dhacay magaalada lasanod Qarax weyn oo gilgilay magaalada iyadoo lala beegsaday Saldhiga Daami

Posted to the web on Jan 12

 

S

 

Waxaa Caawa weerar loo adeegsaday Bambaano Gacmeed lagu weeraray Saldhiga Daami ee magaalada laascaanood saldhigaas oo ku yaala badhtamaha magaalad laascaanood weerarkan Ayaan wali la helin wax ka danbeeyaay islmamarkiiba waxaa la xidhay wadooyinka soo gala saldhiga, surta galna may ahaay in la booqdo saldhiga oo ay joogeen askar aad ugadoodsan.

 

 

 

 

 

War hada nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in 3 askari oo kamid ah askartii saldhiga ay wax yeelo ka soogaadhay wax yeeladaas oo aan wali la xaqiijin in ta ay leegtahay iyo in ay jirto wax dhimasha ah,

 

 

 

 

 

Dhinac kale warar isasoo taraya ayaa waxay sheegayaan in qasaaruhu intaa ka badan yahay waxaase xaqiiqda dhabta ah la ogaan doonaa bari insha allah.

 

 

 

 

 

Wixii War Ah Ee Ka soo kordha kala soco Shabakada holholnews

 

 

 

 

 

Holhol.net

 

 

holholnews@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Weerar Bambaano oo Lala Beegsaday Saldhiga Ciidanka Booliska

 

Laascaanood (Somalilandpress)- Weerar loo adeegsaday Bambo-gacmeed ayaa lala beegsadaycaawa fiidkii Saldhigga Booliska ciidamada Laascaanood oo ku yaala xaafada daami ee badhtamaha jidka Laamiga ah ee magaalada.

 

Weerarkan oo ilaa hadda sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Laascaanood oo lagu kalsoon yahay, qaraxana nooga waramaya ayaa waxa la hubaa ilaa hadda inay 3 Askari oo ka tirsan ciidankii Saldhigaasi inay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan, iyada oo warku intaasi ku daray in dhaawaca ciidankaasi qaarkood culus yahay oo loo soo qaadayo magaalada Burco si loogu dawaayo.

 

Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Laascaanood ayaa Somalilandpress oo khadka telefoonka kula xidhiidhay u xaqiijiyay inuu qaraxani laba jeer dhacay, oo laga maqlayay gariirkiisa magaalada iyo tuulooyinka nawaaxigeeda ah.

 

Qaraxan Bambaano ayaa siday wararku sheegayaan ahaa mid xoogan, ciidamada ayaa xidhay dhamaan wadooyinka, wayna adag tahay ilaa hada sida lagu ogaan karo, baaxada khasaare ee dhaafsiisan 3-daas Askari ee naloo xaqiijiyay in la ogaadaa.

 

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in aanay jirin, ilaa hadda cid loo hayo inay ka dambaysay falkani, hase yeeshee, waxa ay arrintani daba socotaa weeraradii hore uga dhacay magaaladaasi ee looga shakisnaa inay ka dambeeyeen ururka argagixisada ah ee Al-shabaab.

 

maaha markii u horaysay ee qarax noocan oo kale ahi uu ka dhaco magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Saaxil, hase yeeshee ilaa dabayaaqadii Sanadkii tagay inta la ogyahay waxa ka dhacay ilaa 5 qarax, iyada oo mid ka mid ah qaraxyadaasi oo gaystay dhaawac iyo dhimashaba lala beegsaday Alle ha u naxariistee Taliyihii Qaybta 12-aad ee ciidamka Qaranka Somaliland.

 

wararka aanu jiida Sool ka helaynaa waxay intaasi ku darayaan in qarax caawa uu ku beegmay iyada oo maanta Maxkamada Gobolka Sool ay fasaxday oo ay xoriyadoodii u soo celisay dad badan oo xidhnaa falkii lagu Dilay Taliyaha ciidanka Qaranka ee qaybta 12-aad, ka dib markii Maxkamadu siday xustay wax dambi ah oo arrintaasi la xidhiidha lagu waayay.

 

wixii warar ah ee ka soo kordhan magaalada Laascaanood kala socda Somalilandpress.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood,(lasanod Online)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood, ayaa sheegaya in Rasaasta hubka culculus ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Laascaanood..

 

 

iyadoo xaalad adag ay gashay magaaladu dhinaca amaanka. mana cadda meesha lagu ridayo hubkan iyo cidda ridayso midna.

 

Saldhigii qaraxu ka dhacay ayaa dhankiisa laga maqlayaa dayaanka hubka culculus, iyadoo gudaha magaaladana ay shacabku yaacayaan iyagoo u kala jihaysanaya ruux kasta halkii ku beegnayd.

 

Warar hada nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in 3 askari oo kamid ah askartii saldhigu ay ku dhinteen qaraxan balse wararka iska soo daba dhacaya ayaa tibaaxaya inuu jiro khasaare badan.

 

Warka dhimashadan askartan ayaa ah wararka ilaa iyo hada laysla dhexmarayo iyadoo aanay jirin warar sugan oo si cad u qeexaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhalatay qaraxan.

 

Kala socda Shabakadda LASANOD wararka kasoo baxa qaraxan ka dhacay saldhiga magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Remember the killing of the Somaliland military officer that got killed in lascanood last year there is suspect being held in of those prisons, and some locals just want him out of the prison.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

screw the locals, man increase the number of military officers, increase road side check points, take all suspects to burco prison.

 

hard line stance on these trouble makers.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

why are the authorities in sool dragging their feet when it comes to prosecuting these killers and speeding up the freeing of those that are innocent,

 

the police must not use heavy arm tactics when ever there is a crime and rounding up load of people that have not commited a crime this is old somali of way of police work is not very productive and suely must be stopped and even if they are rounded up, the processed of filtering out those innocent must be speeded up rather than just keeping innocent people in jail.

 

indeed the local government has not had enough help from central government, and i believe cali sandulle has already been missed as he know in and outs of the local system but the new mayor region governor will need time to get used to the handling the region better.

Share this post


Link to post
Share on other sites

There was no use of heavy arms sxb ,,, that is the speculation from Jidbaale and JNA dreamers. That is the direction they want to drag us but do not happening.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Garodi, XX and JB are behind that explosion...waa wararka gambada which added the their motives is all three are against the release of innocent people from LA jail.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this