Sign in to follow this  
Liibaan

Warlord Siilaanyo Somalidiid-land waa Burburasaa Hadii Doorashadu Baaqatu

Recommended Posts

Liibaan   

AXMED-SIILAANYO: “Haddii Doorashadu dib u dhacdo waxaynu ka mid noqonaynaa dalalka Dawladnimadoodii waayay”

 

 

Khamiis, 25 March 2010 (HOL)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka digay dib-u-dhac mar kale ku yimaadda Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxaanu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad-la’aan.

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo maanta meel munaasibad ah kala hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi, “Waa ta maanta Cusbatalkii Hargeysa ee aynu ogayn waqtigii Dhalinyarta Hargeysa u gurman jireen ee dadku ay dhisi jireen ee halgankii SNM uu ka bilaabmay, waynu ognahay oo waa taa oo markii Madaxtooyadii ka soo horjeedday Cusbatalku ay wax u qaban wayday, guddidii, shacabkii iyo dadkii is-xil qaamay ee dibedda wax uga doontay ee dhaqaalaha dibedda uga soo ururisay ee maamulka wanaagsan u samaysay, waa ta Dawladdii maanta ka takhalustay ee Dhaqaatiirtii caanka ahaa ee dalka iyo umadda wax u qabanayay, waa kuwaa yidhi Shaqadii waanu idinka fadhiisinay, waxna laydiinkama baahna. Kuwa aynu isku hallaynaynaa ee umaddu wax ka sugaysaa waa kuwaa.”

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in dadweynuhu ay inta ugu badan waydiiyaan waqtiga ay Doorashadu dhacayso, isla markaana wuxuu xusay in kaliya la sugayo in Guddida Doorashadu shaaciso waqtiga Doorashada la qabanayo. “Haddii Daahir Rayaale Kaahin iyo maamulkiisu ku kalsoon yihiin inay cod wax ku helayaan oo dadku taageero u hayaan, waxay maraysaa 7 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay, waynu ognahay oo Dunida oo dhan baa isugu keen timi. Maanta Telefoonada ugu badan ee dibedda ka yimaadda waxaanu ka haynaa dadka Doorashadii ma dhacaysaa, goorma ayayse dhacaysaa? Anagu inta kaliya ee aanu dadka u sheegno iyo kalsoonida aanu ku abuurnaa waxa weeye, Doorashadii way dhacaysaa oo waqtigeedii ayay dhacaysaa, Dawladdana gacanta uguma jirto. Waxaanu leenahay oo aanu uga digaynaa Dawladda in aanay wax dambe oo musuq-maasuq ah oo dhibaato ah oo luggooyo ah ula iman geeddi-socodkaa Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka. Waxaynu maanta ku talo-galaynaa oo aynu sugaynaa oo dhegteenu u taagan tahay waa Guddida Doorashada oo inoo sheegta oo ku dhawaaqda maalinta ay Doorashadu dhici lahayd.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.

 

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka warbixiyay nuxurka socdaallo ay Weftiyo ka kala socda Xukuumadda, Shirguddoonnada Baarlamaanka iyo Axsaabta siyaasadda Somaliland ku joogaan dalalka Jabuuti iyo Maraykanka, halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta Dawladda Maraykanka. “Waa tii Axsaabta loogu yeedhay Jabuuti iyo Weftiga jooga Maraykanka, waxa kaliya ee ay Deeq-bixiyayaashu hubinayeen iyo waxa kaliya ee la waydiinayay waxa weeye Doorashadu ha dhacdo oo waqtigeedii ha ku dhacdo, si hagaagsan oo caddaaladna ha ku dhacdo. Haddii Doorashada maanta la waayo, haddii Dimuqraadiyadda la waayo, Dunidu way inaga qancaysaa oo wixii aynu rejo lahayn ee aynu umad ahaan ka sugaynay, way lumaysaa oo waxaynu ka mid noqonaynaa Waddamada la magac-baxay inay Dawladnimadoodii luntay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi,”ILaahay waxaynu ka baryaynaa oo inoo ballan ah, in inaga oo wada-jirkeena ilaalinayna oo iska hor imaadka Dawladdu meel walba ka abuurayso iska ilaalinayna inaynu Doorashadeenaa u diyaar garowno, Insha Allaahu waynu ku guulaysanaynaa.”

 

 

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

 

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Contradictions between the topic tittle and the actual content.

"Somalildiid hadana Land way

burburaysaa dee markaa xaguu u socdaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

they wake up every moring praying to god that it destroys itself because they know they cant destroy us.

 

Saxib, Somaliland was not built for Silanyo or Riyale. It was not built like somalia to have a midnight dinner in kenya. It was built to last, it was built block by block, planning every government body, house and institution under a tree by elders. Unlike the people who were used as bridges by the Italians in the South, this state is designed to survive. The election has been post poned 4 times already yet we are still here because we have institutions in place built from the ground up to deal with any problem.

 

and i have no doubt long after riyale and silanyo it will only get stronger, and as your new masters the A.U. and Alshabab still use you as bridges, The mighty lion will continue to march on.

 

loooool !

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

the problem with Kulmiye supporters and the party itself is, that they have put all their eggs into one basket, its Silanyo or no state at all. These people in my view who have this mentality are verman. I am a somalilander first, regardless of what political party i support. If Riyale is re elected i will support my country, if silanyo wins i will support my country if anyone wins i will support my country first.

 

stop making somaliland into a one man show.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

quote:Originally posted by Jacaylbaro:

quote:

Burburasaa Hadii Doorashadu Baaqatu

Afsoomaaligaa xagee lagaga hadlaa xaaji ?
:D
sounds like the koonfurians
:D
Soomaalidiid, af-soomaaliga toosan ha bartaan, koonfir ma dhihi karaan, wax kalaba iska daa

 

Soomalidiid waxa ee ku hadlaan af-somalidiid, cidna ma fahmaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waa runtaa CHE, Kan Xunjuf ladhaho suu isku lahaa Soomaali ka carar buu somaalidiid noqday, oo afkiisi badalay, afkiisa hada soomali kale ma fahmeed, somalidiidku hadaa noola yimaadeen Israel baanu walaala nahay, Cigaal warqadiisii bey wali daba socdaan baan maqlay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this