Sign in to follow this  
Gabbal

Hiiraale captures Bu'aale! Mogadishu group retreats toward L. Shabelle.

Recommended Posts

Gabbal   

Bu`aale: Ciidamada Maxkamdaha oo si nabad galaya ah uga baxay Bu`aale iyo ciidamada Barre Hiiraale oo gacanta ku dhigay.

Talaado, October 17, 2006

 

APL

 

Bu`aale (AllPuntland)- Ciidamo uu hor kacayo wasiirka gaashaan dhigga ee dawladda Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire ayaa waxa ay gaareen deegaanka Bu`ale ee magaalo madaxda gobolka Jubbada Dhexe.

 

Ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho oo horay ugu sugnaa magaalada Bu`aale ayaa si nabada ah u baneeyay magaalada iyada oo aan wax dagaal ahi ka dhicin.

 

Ciidamda Maxkamadaha ayaa waxa hor kacayay Sh. Xasan Turki ayaa waxa ay gaaren deegaanka Jilib oo ay fariisin ka dhigteen.

 

Wasiirka gaashaan dhigga ee dawladda Soomaaliya Col. Barre Hiiraale ayaa ciidamadiisu waxa ay horay ugu sugnaayeen deegaanka Saakoow.

 

Arrimahani ayaa waxa ay soo baxayaan iyada oo dhowaan ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ay shaaciyeen in ay dagaal la galayaan ciddii isku dayda in ay soo fara galiso amaanka gobolada Jubooyinka.

 

Maalinitii shalay ayaa ciidamo ka socda dawladda Soomaaliya waxa ay gaareen degaanka Diinsoor oo 125 Km u jirta magaalada Bu`aale .

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maxkamadaha Islaamiga Oo Ciidamadoodu Buuxiyeen Degaano Ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose Iyo Barre Hiiraalle Oo Qarka Usaaran Inuu Gacanta Ku Dhigo Buaale

Oct 17,2006

by B-Xaawo-GEDO-NN

 

bare_tuute.jpg

 

Ciidamo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKM Barre Aadan Shire ayaa waxaa la sheegayaa inay maanta gaareen duleedka Magalaada Bu’aale ee Xarunta gobolka jubbada dhexe.

 

Ciidamadaan oo ah kuwa aad u xoogan kuna hubaysan gawaarida dagaalka iyo noocayada kala duwan ee qoryaha darandooriga udhaca ayaa umuuqda kuwo ku sii siqaya golabadda jubooyinka oo uu maamulkooda horay uhayay Barre Hiiraale.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Bu’aale ayaa sheegaya in Ciidamada Barre hiiraale ay qarka usaaran yihiin Magaalada Bu’aale oo ay bartamihii bishaan gaareen Ciidamo taageersan Maxkamadaha. Wararku waxay intaa ku darayaan in ay jiraan dhinacyo badan oo ay Ciidamada Barre Hiiraale uu hogaaminayo ay doonayaan inay ka weeraraan Magaalada Kismaayo.

 

Dhanka Kale, wararka naga soo gaaraya Degmeda Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay degmadaas ka soo gudbeen ilaa 40 Baabuur oo ay lee yihiin Ciidamo Ethiopian ah Baabuurtaan ayaa ubadan Booyado sida shidaal, arintaan ayaan la ogayn sababta ka danbaysa ee ay ciidamadaani doonayaan waxaa sidoo kale jira in Ciidamada Ethiopian-ku ay soo buux dhaafiyeen dhamaan xuduudaha ay lawaadagaan dalka Somaliya.

 

Dhanka kale, warar aanu ka helnay ilo xog ogaal ah kuna dhow dhow Maxkamadaha Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii aynu soo dhaafnay ay diyaarado sida saanado milatari u dageen Maxkamadaha oo la sheegay inay ka yimaadeen wadamo gacan saar la leh maxkamadaha. Waxaa wararku intaa ku darayaan inay jiraan Ciidamo Badan oo ay Maxkamaduhu udiyaarinayaan inay kala geeyaan wadooyin badan oo soo gala gobolka Shabeeladda Hoose.

 

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya inay Maxkamaduhu doonayaan inay Ciidamo xoogan dajiyaan Magaalada Buurhakaba, magaaladaan oo dhuun ka gal ku ah magaalada baydhabo ee degan tahay DKMS.

 

B-Xaawo-Gedo-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col.Bare Hiiraale iyo Maleeshiyooyinkiisa oo gaaray nawaaxiga degmada Bu'aale

Last Updated::2006-10-17 16:13:15

 

Kismaayo:- Waxaa maanta nawaaxiga degmada Bu'aale ee xarunta Gobalka Jubbada Dhexe Soo gaaray

Col.Bare Hiiraale Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG iyo Ciidamo uu horkacayo.

 

Ciidamadan ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Saakow, ayagoo hada la sheegay in ay ku sugan yihiin degmada Bu'aale.

 

Magaalada Bu'aale ayey ayaguna joogaan maleeshiyooyinka kamid ah Maxkamadaha gacanta ku haya Kismaayo oo halkaasi dhawaan difaac ka xirtay.

 

Waxaa laga cabsi qabaa in ciidamadan isku dhacaan, ayadoo wararka kasoo baxaya dhinaca ciidamada uu hogaaminayo Col.Bare Hiiraale ay sheegeen in ay ka go'antahay in ay dib ulla wareegaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe.

 

Dhinaca kale Maleeshiyooyinka ku sugan degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq xoogleh oo ay sheegeen in ay ku sugayaan Amniga.

 

Magaalada Jilib ayey shalay ku dhinteen labo nin oo mid kamid ah yahay maleeshiyada Maxkamadaha, kadib markii ay magaaladaa rasaas isku weydaarsadeen koox hubeysan iyo maleeshiyooyinka Maxkamadaha.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Degmada Bu'aale iyo uu uule iyo balaayo ayuunbay sheegayaaneh, ninku Kismayo ma intaasoo dhan ayuu ka cararay waa ba yaabe, boontin dheeraa duqu.Waar biyo iska cab dheh, dagaal intaa ayuu kusoo leekaadey eh, miyuu iska nasto, beesha uu dagaalamayna kadaayo qaxa iyo dhibta ku iman kartaa haduu dagaal dhaco, waa haduu nin caqli saliim uu inaba kujiro in uu yey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^adiga ayaan bal afkaaga uraacayaaye, ee laakin meesha ma cadaw baa,mise dadku waa dad muslim ah.

 

Saxib, Hiiraale waa qabqableh dagaal,inaad ka xumaantana laga yaabee, markaa hope the best for everyone, and be careful what you wish for intaa aad leeday halkanuu hada soo socdaayo iyo halkanuu labadiisa jeep ee old ka haa iyo laba iyo labadii siikawega ahaa, waayo dagaal fooxun ayaa dhici kara, dadka masaakinta ee meesha daga ayaa ku dhimanaya badi ahaan.I dont' think you want that Horn.

 

How bout posting pictures of the beautiful beaches of Kismayo instead and the peaceful current state in which Kismayo is in, we would appriaciate that, than tired old man in comouflage.

 

thanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

adiga ayaan bal afkaaga uraacayaaye, ee laakin meesha ma cadaw baa,mise dadku waa dad muslim ah.

lol. you ask me that after all the nonsence you guys wrotte about Xasan Turki, is he not Muslim?

 

I have figured you long ago my boy, and trust me the clans from Mogadishu will not hold Kismayu..

 

Kismayu is not peaceful nor are the people all happy. Kismayu needs a comprehensive solution and not ousting a clan every half decade.

 

You know nothing about Kismayu, or who lives there..

 

You say Hiiraale is a warlord, what is Dahir Riyaale and Egal and Tuur, how many peple died under their wars, even the one in Burco?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Whoooh, hold a second boy, hold on to your hat,actually sorry to disappoint but my comments were rather directed towards Horn, you just appeard from no where,but since you want to dodge the bullet for him, why not, I will just shoot right through you then.

 

Who says I don't know about Kismayo, who lives there and who doesnt.I do know,but I also know one thing, never in history has one clan with the exception of the British moving people Somaliland into Kenya since Britian colonized both regions, has there been a clan that lives as far as Northeast(puntland)and yet at the same time to have laid claim the furthest place on the Somali map(deep south), well they first moved in 1960 historically, and today they claim the own,since they do occupy most of the important areas of the land.

 

Anyways, where is the TFG to bring law and order to Kismayo then,or will Puntland do it,if not will Hiiraale do it? who will do.

 

There is no such thing as clan courts, so what is there to argue about,since we even disagree on that, I say they are Mujahidiin fiisabililah with full confidence.

 

Tuur and Igal were politicians, you may accused them of other things,but not war crimes,as far as Riyale goes, I think it's well too known of what he did, so no need to repeat myself.

 

These other things that you are throwing at me are out of place,but next time I will bother to entertain it, before that, gotta go, catch ya later.

 

Teeda kale, hadaa maadaa idhaama intaa leeday North ayuu ka yimid, adba Gorowe oo Burco wax u jirtaad ka timid eh,mise waxaad leeday ma akhriyo enough Puntland propaganda news or muxuu ii sheeg, war reerhebel.net iga dhahoon adigu, soo maaha? is that it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada wasiirka gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya ee weererka ku ahaa gobolada Jubbooyinka, ayaa gaaray magaalada Bu’aale oo ay agageerkeeda ku sugan yihiin ciidamo ka mid ah maxkamadaha Islaamka.

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Talaado,Okt 17,2006

 

 

 

 

 

Wararka ka imaanaya gobolada jubbooyinka, ayaa tibaaxaya in ciidamo lixaad leh oo uu wato Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, ay saldhig ka dhigteen agaarka magaalada Bu’aale, halkaas oo ay ka taliyaan ciidanka maxkamadaha Islaamka ee dhawaan qabsaday gobolada Jubooyinka.

 

 

 

Dadka ku dhaqan deegaanada Saakow iyo Bu’aale, ayaa la sheegay in ay billaabeen in ay ka qaxaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qabo in dagaal xun oo u dhaxeeye ciidanka maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Col. Barre Aadan Shire Hiiraale uu halkaasi ka dhaco.

 

 

 

Col. Barre, oo ciidanka uu wato lagu sheegay in ay ka badan yihiin 6 boqol oo maleeshiyo ah, ayaa waxa uu weerar ku yahay magaalada Kismaayo, oo ay 24 bishii hore ciidanka maxkamadaha Islaamka kala wareegeen.

 

 

 

Wasiirka gaashaandhigga, oo taageero aad u ballaaran ka helay dowladda federaalka Soomaaliya, dowladda Itoobiya iyo beesha uuka dhashay, ayaa waxa uu sheegay in uusan hadli doonin ilaa uu ka xoreeynayo magaalada Kismaayo sida uu yiri Col.ka

 

 

 

Ciidamada midowga maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gobolada Jubbooyinka, ayaa iyaga galay heegankii ugu sareeyey, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka uu billawdo markii soonka laga baxo.

 

 

 

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, ayaa la sheegaa in ay maalmihii ugu dembeeyey ay ka dageen diyaarado aan la garaneyn waxa ay sideen.

 

 

 

Maslax Osmaan

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL@ diyaarado aan la garaneyn waxa ay sideen!

 

A word of mouth reached me that after Ciid al Fidri, warlord Barre will see a repeat of Mogadishu warlord’s scene! Tribal news portal’s accounts are far cry from the actualities on the ground!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

20 Somali army vehicles seized

17/10/2006 22:01 - (SA)

 

 

 

Kismayu - Troops loyal to powerful Somali Islamists have seized trucks mounted with machine guns and anti-aircraft rockets from rival militia they fought at the weekend, said an Islamist official on Tuesday.

 

Sunday night's clashes in Jibil, a farming town about 110km north of Kismayu port, killed four and stoked fears of mounting violence in the Horn of Africa nation.

 

"We have taken over 20 vehicles, including three big trucks mounted with anti-aircraft missiles," said Dahir Ahmed, a local Islamist official.

 

"This was necessary in order to improve security."

 

There was no immediate independent confirmation about the seizure.

 

World's most heavily armed populations

 

Dahir also said 68 gunmen formerly allied to Barre Hiraale, the defence minister in Somalia's embattled interim government, had joined the Islamist ranks in the south.

 

But Dahir said he had information other pro-government fighters were advancing on Islamist positions around Jilib.

 

"Fighting can start anytime," he said. "We want to hit them so hard that they will never recover."

 

Many Somalis fear that clashes between Islamists and other forces could escalate to a full blown conflict, which may suck in other regional powers and destabilise the Horn.

 

The claimed seizure in Jibil came two days after Abdullahi Maalim Ali, the Islamists' head of internal security, said the movement planned to take guns away from one of the world's most heavily armed populations.

 

The rise of the Islamists

 

If the ambitious plan is implemented in the country - which became synonymous with anarchy after the 1991 ouster of a dictator - it would leave the Islamists Somalia's sole possessors and regulators of weapons in areas they control.

 

The rise of the Islamists, who control the capital Mogadishu and a large swathe of southern Somalia, has posed a direct challenge to the interim government's attempt to enforce central rule on the nation of 10 million people.

 

Although some Somalis complain of the severity of Islamist rule which adheres to strict sharia law, others credit the group with bringing a degree of law and order to a country starved of normalcy for 15 years.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this