Sign in to follow this  
Tahliil

qax iyo barakac hor leh oo ka bilowday Muqdisho

Recommended Posts

Tahliil   

Wallee tan waa la is waydiin aakhiro...Some poor somali women and their kids are on the run bishatan barakaysan dhaxdeeda and helplessly trying to escape the Tigrinyan inferno...inaguna halkan baa rabnaa inaan justify gareyno DILKA IYO DHACA IYO BARAKACA lagu samaynayo...

 

RAMADAAM KARIIM

 

Qoysaska Saaka qaxaya oo u badnaa haween iyo caruur ayaa ka cararayay saameynta dagaalada iyo iska hor imaadyada dhex mara Kooxaha hubeysan iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo wada jira.

http://www.mareeg.com/news.php?sid=3343

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cutubyo ka tirsan ciidamada DF oo xalay fariisimo cusub ka sameystay meelo ka mid ah Muqdisho iyo qaar dadkii ay soo ag dageen ka mid ah oo bilaabay iney barakacaan

 

Ciidamo ka tirsan dowladda federaallka Soomaaliya oo wata noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka iyo tuute isugu jira milateri iyo boolis ayaa fiidnimadii xalay fariisimo cusub ka sameystay qeybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo qaar ka mid ah dadkii degenaa xaafadihii ay soo ag dageena ay bilaabeen iney guryahooda ka barakacaan.

 

Goobaha ay xalay fariisimida ka sameysteen ciidamada DF ayaa waxaa ka mid ah meel u dhexeysa Isgoyska Aadan cadde iyo xarunta madaxtooyada Vila Somalia ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano Suuq Sacuudi ee degmada Wardhiigley, waxaana ciidamadaasi ay ku faafeen xaafadaha iyagoo gaaray ilaa Geed Jaceyl iyo nawaaxiga masaajidka Cabdalla iyo Cowreere ee isla degmadaasi.

 

Sidoo kale, Ciidamada dowladda federaalka ayaa fariisin cusub ka sameystay gudaha Ex-xaruntti taliska ciidanka Cirka Soomaaliyeed (Afisiyooni) oo ku taala degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo soo galay, isla markaana xalay gaaf wareegayey qeybo mid ah degmadaasi gaar ahaan wadada Via Liberia oo iyadu ah goob habeenkii si aad ah loo soo camiro uuna ka jiro dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad u xoog badan, waxaana dadkii halkaas joogay iyo kuwii kale ee meheradaha ganacsi ku lahaa oo aan arki jirin ciidamadan faraha badan ay bilaabeen iney dhaqso goobahasi ka kala tagaan, waxaana qaar ka mid ah dadkan deegaankaasi ay sheegeen in falal isugu jira dhac iyo baarashaba ay kula kaceen ciidamadan, ayna ka qaateen waxyaabo kala duwan sida Mobilo iyo lacago yar yar oo ay jeebka ku siteen.

 

Ciidamadan fariisimada ka sameystay qeybo ka mid ah degmooyinka Waaberi iuyo Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa khal khal iyo cabsi fara badan ku abuuray dadka ku dhaqan goobaha ay soo dageen, kuwaasoo qaarkood bilaabay saaka iney ka barakacaan goobahaasi, iyagoo ka cabsi qaba iney waxyeelo ka soo gaarto haddii ciidamadaasi ay soo weeraraan kooxaha ka soo horjeeda oo had iyo jeer bartilmamaeedsada ciidamada, lamana oga ilaa hadda sababaha rasmiga ah ee keenay in ciidamadan ay goobahaasi degaan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo arintaasi ku saabsan oo ka soo baxay Dowladda federaalka Soomaaliya.

 

-------------

 

They are cancer virus ah waliba. Meeshee u dhawaadaanba, fariisimo ka dhigtaanba, maasaakiinta u agdhaw ka cararaayo, ka qaxaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this