Sign in to follow this  
MoonLight1

RAPE in Muqdisho.

Recommended Posts

Mugadishu Talaado, 12May 2009 SMC

 

Somaliweyn.com

 

Meydka haweeney shaah ku iibisa inta u dhaxeysa Maalin Taajir iyo Baar Ubax oo inta la kufsaday kaddibna la dilay

 

Aroornimadii hore ee saakay waxaa inta u dhaxeysa daarta Maalin Taajir iyo Isgoyska Baar Ubax lagu arkay meydka haweeney halkaasi lagu dilay taasi oo kastuumadeediina wejiga laga saaray, arrintaas oo aad ay ula yaabeen dadkii arkay saakay waaberigii.

 

Haweeneydan oo ka mid ahayd haweenka shaaha ku iibiya daarta maalin taajir iyo Baar Ubax inta u dhaxeysa, ayaa sida muuqata la kufsaday kaddibna la dilay iyadoona dhacdadaasi ay aad ula yaabeen, iyadoona dadka qaarkood ay sheegeen in haweeneydaasi ay kufsadeen maleeshiyaadka mucaaradka ee fadhiya Baar Ubax, bacdamaa ay iyagu maamulaan halkaasi.

 

Dadweyne is xilqaamay ayaa meesha ka qaaday meydka haweeneydaasi, iyagoona geeyay gurigii ay ka soo shaqo tagtay, hase yeeshee maamulka kooxo Islaamiyiin ah oo aagaasi ka taliya ayaa sheegay inay baadi goobayaan cida geysatay falkaaso foosha xun, iyagoona sheegay inay ku fulin doonaan shareecada Islaamka waxa ay ka qabto.

 

Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay ciidamada Itoobiyaanka ahi ka baxeen magaalada Muqdisho oo fal noocaan ah uu ka dhaco Baar Ubax iyo agagaaraheeda, tiiyoo weli lala yaaban yahay in meelo ay ka taliyaan kooxaha Islaamiyiinta ahi lagu waxyeeleeyo Haweeney.

 

 

Somaliweyn Media Center “SMC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this