Sign in to follow this  
Allamagan

Faallo:Nuur-Cadde Oo Ku Taagan Raadkii Geeddi:By Cabdiweli Sh Maxamed

Recommended Posts

Faallo:Nuur-Cadde Oo Ku Taagan Raadkii Geeddi:By Cabdiweli Sh Maxamed

Bishu waa diseembar (December). Dabayl dhaxan wadata ayaa dhacaysa. Dhar culus ayaa la xiranyaha. Waxaan fadhinnaa makhaayad aan ka qaxwaynno. Iswaraysi qaybtiisi koowad oo markaa keedu waa raggii duqa.dhammtay, ayaa waxaa soo galay nin asxaabta ka mid ah oo waraaq gacanta ku sita.

 

Inta nagu soo dhextuuray ayuu qaxwe kulul doontay. Ragga meesha fadhiya nin ka mid ah ayaa inta la booday ku dhaygagay, wuxuu ku dheereeyaa akhrinta karikateerada “Amiin Caamir”. Qosol aan kala go’ lahayn inta ku dhuftay buu kii u dhawaa u gudbiyay, dabadeed midba mid u sii dhiibay. Kolkii laga bogtay buu yiri: “yaa micnaha karikateerka ku jira garan kara?!.

 

Ruuxba carruu isku qaaday!. Mar labaad, inta sawirkii laacay buu yiri; “midkiinna ma garan!”!

**
dec_4_2007.jpg

Geedka ninka hoos fadhiya waa Geeddi, isaga waad wada taqaanaan, hareerihiisa fiirsha, waa dalkii oo lama dagaan isu rogay, geedka uu dhabarka saaray oo wayn oo cagaaran waa, dawladda Itoobiya, boorsada (shandadda) uu dhulka u diiday waxaa ka buuxa deeqihii uu caalamka ka soo guray intii “Addis Ababa” looga baaday mooyee baaqigii uu leexsaday, waraaqaha dhulka daadsan waa heshiisyadii uu Zanaawi ka saxiixday nuqullo ka mid ah, wajigiisa farxad baa ka muuqata, ha yeeshee wuxuu u fadhiyaa sidii ruux hawl badan soo qabtay oo daalay, labada lugood wuxuu sare ugu hayaa midka raadkiisa soo haya in uu garto halka raadkiisu ku dhammaday in aan la dhaafin.

 

Saaxiibayaal, sidaa ma u garateen?!. Kan raadka soo haya waa Nuur-cadde (caddaantiisu wax ay ku toorantahay ma garan!), waxaa laga rabaa raadka kii ka horreeyay inuu qaado oo dhanna ugu leexan, dhididka ka duulayaa waa hawshii oo aan wali bilaaban karkabo la soo daristay!, waa nin laga rabo “Buurta Bannooda” oo dagmada Buurhakaba dhankay jidka ka saarantahay in uu ka raro oo dhanka kale ka soo jeediyo, mana awoodo!, isba waa

 

naflay qoxooti Yurub ku raagay, tacab-goosina u soo dhoofay. Hadda, karikateerku ma idiin caddaaday?”. Akhyaartii aan wada fadhinnay fasirkaa waa ku qanceen, aadna madaxa ugu luleen, aniguse; si waa u qancay, sina waa u saluugay!. Goobtii inta ka jafjaftay baan kaligay lugeeyay,isla sheekaysina waddada ku sii maray anoo saladda duhur oo taagan tiigsanaya. Horta, ma falanyihiin mise, waa isyeelyeelayaan!; “bilawgii sagaashankii markaan Nairobi ku soo qaxay, waxaan arkay dhisme wayn oo loo yaqaan;“Nyayo House”, kolkaan dadkii iga soo horreeyay waraystay, waxay iigu fasireen; “Nyayo (inyaayo)” waa raad, ulajeedaduna waa; “waxaan qaadaynaa raadkii Joomo kenyaata, madaxwaynihii gobanimada halgan ku keenay”. Sidoo kale, waxaan iswaydiiya; “soo ruuxii madax laga dhigo kolkuu xilka la wareegayo ma oran jirin; “waxaan raacayaa raadka hebelkii iga horreeyay”. Haddaba, halkee cayn wareeggu ka yimid!?!”.

 

Maya, saaxiib isxasili!, markan xaalku sidaa waa ka duwanyahay oo, saaxiibadaa waxay garteen;“Geeddi axad raadkiisa la raaco in uusan ahayn”. Haa, isaga Kan raadkiisa raacay, bal ka warran?!.

 

kolkay halkaa dooddi noo marayso aniga iyo naftayda, ayaan soo xusuustay (Nuktah-Barsaleeto)-sheeko siyaasad salka ku haysa oo lugu qoslo, waxna lugu cabbiro, waa karikateer hadal ah- dalka Masar caan ka noqotay oo ah:“Jamaal Cabdinaasir (AUN) ayaa jeclaystay in uu magacaabo madaxwayne ku-xigeen fahmo gaaban, amar uu bixiyayna aan soo celin. Wuxuu soo helay “Anwar Alsaadaat” (AUN), Saadaat, tabtii buu raacay, wuxuuna soo helay, “Xusni Mubaarak”. Mubaarak isna tabtii inuu raaco ayuu doonay, dalka Masar ayuu toos iyo gudub u xulay, labaatan sano iyo wax dheer ruux tilmaantaa leh oo madaxwayne ku-xigeen ka dhigto, Masar ka maa helin!.

 

Si kale, waxaa qalaw igu yiri sheeko soo shaac baxday waqtigii Nuur-cadde la magacaabay wax yar ka dib. Cabdullaahi Yuusuf, waa oday reer Mudug ah oo aan warka la gabban, kana mer-meerin wixii maskaxdiisa ku soo dhaca. Koox hareerihiisa aan ka fogaan (hormo jaan) isagoo ayuu ku xanqarsaday, wuxuu yiri: “waryaaya!, wax badan baad igu dhalliisheen wiil da’ yar oo macangag ah oo madax adag inaan Wasiirka Koowaad u magacaabay, maanta waxaan soo helay mid aan da’ iga yarayn, darajo ciidanna simannahay oo, haddaad itiraahdeen beerka ayuu la’ayahay isna maskaxda ayuu la’yahay!”. Qosol markay la dheceen ayuu raaciyay: “Allaa ogoo, niman war haya ma tihin!, laba habrood oo reer Baarre ah (Condoleeza iyo Jenday) baan ka lug bixi la’ahay!, adinkuna halkaad gabrantihiin!.

 

Nuur-cadde haddaan u soo laabto runtii, nin Barlamaanka dhuuntu waynaatay oo Baydhoba fadhiya maraya saan-saanki ma laha. Wareegga koowaad, ha tirsan!, mar labaad haddii dib loo soo magacaabo ma suuragal baa in la jiirsiiyo Barlamaanka. Dooddaa weeye midda furan, sababuhuna waa kuwa soo socda:

 

1- Baarlamaanka intaan la horgayn ayaa raggii uu soo magacaabay kala yaaceen.

2- Qaybtii xumayd (4.5) saluug fara badan baa ka yimid,

3- Kooxda uu magacaabay badan

4- Xubnaha dawladda cusub waa kuwii Geeddi oo lugu sargooyay dhowr magac oo

cusub, oo waa “jug-jug meeshaada joog”.

5- Ragga uu Barlamaanka dibaddiisa ka soo xushay oo saddex ah, waxaa laga dilaa;

Dr. Maxamed Yuusuf wayrax –Wasiirkii Maaliyadda dowladdii kacaanka- oo “hormo-jaanta” Amxaaro soo hor kacday la taliye u ah iyo Dr. Maxamad Cali Xaamud oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa dawladdii “Mxamed Siyaad Barre” (AUN).

 

Waana ninkii sheekada soo socota ay ku baxday:“Dr. Xaamud oo safar dibadda ah markaa ka soo laabtay ayaa “Maxamed Siyaad” xafiiskii madaxtooyada ugu tagay.

Warbixin dheer isaga oo ku dhex jira, ayaa madaxwaynihii isyiri bal ogow arrimaha dalka ka socda inta uu ka ogyahay, wuxuu waydiiyay;“****** iyaga ka warran?”, Wuxuu yiri: wallaahi jaalle, madaxwayne waxay noo soo gudbiyeen qoraal ay ku tilmaamayaan muhiim in ay tahay labada dal in xiriir heer safaaradeed ah yeeshaan, arrintaa waa darsaynaa, waxay ku dambaysana waa kula socodsiin, jaalle madaxwayne”. Qosollo inta ku dhuftay buu yiri;“ka soco!”. Nasiib darro, xilkii oo aan loo dharan, baa dawladda Itoobiya oo magacaabidda wasiirrada ansixisa ka biyo diidday, Dr. Xaamud xafiiska Arrimaha Dibadda Soomaaliya in uu qabto.

 

Nuur-cadde oo ah nin (paesano=Baayesaano) –Dhiblaawe ama miskiin reer magaal ah; sidaan hadalakiisa ka dhadansaday- haddii intaas iyo in qarsoon hor taal, sharuud xilka uu ku qabtana ka dhigi waayay;“magaalada Xamar oo aan ku dhashay, inta Geeddi burburiyay iyo inta la iga rabo in aan burburiyo, haddeer ha la kala calaameyo!”. Wallee, kolkii Nuur-madoobe loo baxiyo ayuu: “kabteey ma aragtay ku wardin”. Malaha waxaa loo qaatay inta qaboobaha (winter-ka) lugu jiro, in uu Dubai ama Nairobi ku sii gabbado, kolkii kulaylaha (Summer) la galano London,UK ku soo laabto oo makhaayadihii uu ku taxnaa qaxwaha ka cabbo, kana sheekeeyo!.

 

Runtii, waxaa isu kay qaban la’:“arrimo samafal ayuu ka soo shaqeeyay iyo BM-ka xabashidu Xamar la dacayso ayaan hoggaamin!”. Odaga, oo cumrigii towba keenka ku jira waa u baqayaa, aadna uga walwalaa!!!. Wadeeco Allah, Alloow soo uruuri..

 

Cabdiwali Sh. Maxamed

07/12/2007

Source

 

** Sawirku maqaalkan ma lasocon, balse madaama uu yahay sawirku qoraaga maqaalku ka hadlayo ayaan annigu usoo raacshay si qofka aqrisanaya u fahmo sawirka laga hadlayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this