Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Cali Maxamed Xuseen: Marwaas iyo Villada goordhow waan ku tukan doonaa,

Recommended Posts

Wakiilka xarakada Al-shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo munaasabada ciida ee shalay ka hadalayay ayaa sheegay in lagu guuleystay halgankii lagula jiray cadawga Ilaaheey, isagoo ka dhawaajiyay in ay wadaan dagaalka ilaa ay ka gaaraan Caasimadaha Ruushka iyo Mareykanka. 

 

"Stadium Muqdisho Cadawga ayay saldhig u aheyd, yaana leys dhihin ma gaari kartiin Marwaas iyo Villadana in shaa'alaah waan ku tukan doonaa munaasabadaha dhow" ayuu ku hanjabay Cali Jabal oo xitaa Jihaadka uu sheegay in ay gaarsiinayaan dalalka dunida ugu tunka weyn.

 

Wakiilka ayaa haweenka iyo caruurta ku dhiiri geliya in ay dhinacooda ka galaan waxa uu ugu yeeray jihaadka oo aysan cid fasax uga baahneyn ayna tahay waajibaad sida uu sheegay muqadas ah.

 

Dhanka kale waxa uu uga digay waalidiinta Soomaaliyeed in ay caruurtooda ka celiyaan wadamada gaalada oo uu sheegay in ay la socdaan waalidiin badan oo caruurtooda u diray dibada, isagoo tusaale u soo qaatay dhalinyaron uu sheegay in tababar loogu qaaday dalka Uganda oo laga soo celiyay iyagoo xibanaha taranka laga burburiyay siada uu sheegay.

 

 

Alshabaab_Cali_Maxamed_Xuseen.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this