Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Heavy fighting Sharif loses Yaqshid again, death toll rises

Recommended Posts

Dagaal Muqdisho ka soconaya & dad ku waxyelobay oo la gaarsiiyay Isbitaalada

 

Degmada Yaaqshiid oo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa shalay saakay ila aiyo galabta waxaa ka soconayay dagaalo soo noqnoqday oo u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo mucaaradka dowlada ka soo horjeeda.

 

Gudoomiyaha degmadaasi Muxyadiin Xasan jurus ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay degmadaasi la wareegeen ciidamada dowlada Soomaaliya ka dib dagaal qaatay saacado badan islamarkaana uu ka dhashay qasaare naf iyo maalba leh .

 

Ka dib duhur nimadii maanta cabaar degenaansho ka dib ayaa waxaa markale deegaankaasi ka qarxay dagaal rogaal celis ah kaas oo ay soo qaadeen ciidamada ka soo horjeeda Dowlada FFKMG ah ee Soomaaliya .

 

Dagaalkaasi oo noqday mid la isku habeensaday islamarkaana la isku adeegsaday madaafiic iyo hub kale ayaa waxaa wararkii ugu dambeeyay haatan ka soo baxaya deegaankaasi ay sheegayaan in ciidamada dowlada Soomaaliya ay dib u riixeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday, waxaana sidaasi u xaqiijiyay SBC International gudoomiyaha degmada Yaaqshiid.

 

Dagalkan ayaa waxaan ilaa iyo haatan la ogeyn qasaaraha ka dhashay inta uu gaarsiisanyahay balse mar aynu xiriro la sameynay Goobaha caafimaadka gobolka Sida Isbitalka Keysaley ayaa saraakiisha caafimaadka Isbitaalkaasi noo xaqiijiyeen in dagaalkaasi ay ka soo gaareen dad iyagu ku soo waxyeeloobay oo dhaawac u badan, balse aanay heleyn tiradooda rasmiga ah .

 

Wararkan iyo wexii ku soo kordha kala soco SBC International.

SBC Online warar xaqiiqaqo ah Saacadba Saacadeed.

 

SBC International- News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo la isku habeensaday oo ka socda Degmada Yaaqshiid iyo Xisbul Islaam oo dib u qabsaday Saldhiga Yaaqshiid.

 

Dagaalo la isku habeensaday ayaa wali ka socda qeybo ka tirsan Degmada Yaaqshiid, iyadoo dagaalada ay xoogooda ay dhaceen maqribnimadii caawa, kadib markii ay weerar rogaal celis soo qaadeen Xoogaga Mucaaradka, gaar ahaan Ururka Xisbul Islaam.

 

Dagaalada oo soo bilowday saaka ayaa waxaa inta la hubo ku dhintay ilaa 10 ruux halka 50-kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaalka bilowgiisii hore saaka la baacsaday Xoogaga Mucaaradka, iyadoona laga qabsaday fariisin dhowr ah sida Xarunta Degmada iyo Saldhiga Yaaqshiid.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada oo ah kuwo wali la maqlayo hubka la isu adeegsanayo ayaa la sheegayaa in Xoogaga Mucaaradka gaar ahaan Xisbul Islaam ay dib u qabsadeen meelihii saaka lagala wareegay.

 

Afhayeenka Xisbul Islaam Dr. Xasan Mahdi ayaa u sheegay Warbaahinta inay dib u qabsadeen fariisimihii saaka dagaalka looga qabsaday, isagoona dagaalka ku sheegay mid soo afjarmay oo ay mar kale Xoogagooda dib u hanteen meelihii laga qabsaday.

 

Waxaa uu sheegay in dagaalka ay saaka ku soo qaadeen waxa uu ugu yeeray Hogaamiye kooxeedyadii, waxaana uu cadeeyay in ay ku sugan yihiin xaafadaha Degmada Yaaqshiid Xoogaga Mujaahidiinta.

 

Dadka Muqdisho ayaa ku jahwareersan dagaalada iska daba wareega ah ee Xaafadaha Muqdisho ku dhex maraya Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda, waxayna dagaalada oo noqday kuwo marba qolo la baacsanayo aanay jirin natiijo ay cid walba ka gaartay, marka laga reebo dhinacyada oo wali ku sugan xaafadihii ay isku hor fadhiyeen.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xisbul Islaam oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamo iyo hub

 

Muqdisho (WNT)-Ururka xisbul Islaam ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamo iyo hub aad u fara badan oo ay leeyihiin Dowlada KMG ee Soomaaliya.

 

Sida uu saxaafada u sheegay Axmed Laashin oo ah Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul

 

Islaam, kadib howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafado ku dhow dhow Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay isku abaabulayeen Ciidamo taabacsan Maareeyaha Dakada Muqdisho Cabdi Jiinow.

Axmed Laashin waxa uu intaasi raaciyey in wada hadal ay la yeesheenn ehelada

 

dhalinyaradaasi oo uu shegay in la soo marin habaabiyey uu dib ugu wareejiyeen,

 

laakiin Hubkii ay wateen ay gacan ku hayaan Ururkooda.

Dhinaca Maareeyaha Dakada Muqdisho Cabdi Jiinow xariir aan la samaynay si aan wax uga ogaano arrintaasi ayaysan noo suuragalin in aan hello.

 

 

 

Waayaha.net Muqdisho Somaali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Going by the same reasoning of your topic titled:

 

''A day of fighting & Yaqshid police station liberated ''

 

 

You should have named this topic as: ''Yaqshid occupied again''

 

LOOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

Is this all that Xassan Turki is capable of? We were told with his arrival that Villa Somalia will fall in matter of hours, days tops. What happened to fighting "Gaalo?" Why not attack AMISOM stationed in the airport and seaport? Instead all he and his cult of death do is fight fellow Somalis and invade peaceful towns.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by Raamsade:

Is this all that Xassan Turki is capable of? We were told with his arrival that Villa Somalia will fall in matter of hours, days tops. What happened to fighting "Gaalo?" Why not attack AMISOM stationed in the airport and seaport? Instead all he and his cult of death do is fight fellow Somalis and invade peaceful towns.

Enter the world of the religious pretenders disguising their hunger for political power in religious retorics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^You figured that out just now? A few years behind dear lad.

 

As for Xasan Turki, they are causing mayhem with most of the city inder their control, Upper Shabbele and so on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Xisbul Islaam oo galabta dib u qabsaday deegaano saakay laga qabsaday oo uu ka mid ahaa saldhiga Yaaqshiid iyo qasaaraha ka dhashay dakaalkii maanta oo sii kordhay.

 

Posted: 6/1/2009 2:39:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Ciidamada Xisbul Islaam ayaa galabta dib u qabsaday deegaano saakay laga qabsaday oo uu ka mid ahaa saldhiga Yaaqshiid iyo qasaaraha ka dhashay dakaalkii maanta oo sii kordhay.

 

Ciidamada Xisbul Islaam ayaa waxaa ay dib u qabsadeen gacan ku heeynta deegaano badan oo ay saakay kala wareegeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo weerar ku soo qaaday ,waxaana deegaanadaasi ka mid ah saldhiga degmada Yaaqshiid iyadoo ay sii kordheen tirade dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaaldii maanta halkaasi ka dhacay.

 

 

Kadib dagaalo qararaar oo xariir ahaa maanta oo idil ayaa Ciidamada Xisbul Islaam waxaa u suurta gashay in ay dib ula wareegeen gacan ku heeynta inta badan degmada Yaaqshdiid ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay maanta mar la wareegeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam ayaa caawa Shabelle waxaa uu u sheegay in dagaalka ay xalay ku soo qaadeen rag uu sheegay in ay ka mid ahaayeen gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Max’ed Dheere iyo Xildhibaan Salaad Cali jeele oo ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in galabta uu dagaalku Soo Afjarmay islamarkaana ay Ciidamada Xisbul Islaam dib ula wareegeen goobo badan oo ka tirsan degmada Yaaqshiid oo ay maanta kala wareegeen ciidamada dowladda kuwaasi oo uu ugu weynyahay saldhiga degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

 

 

 

Dhinaca waxa sii kordhaya qasaaraha dagaaladii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo la xaqiijiyay dhimashadu in ay haatabn marayso 8-ruux oo rayid ah halka dhaawacuna uu gaarayo in ka badan 50-qofood kuwaasi oo qaarkood ay madaafiici guryahoodii ugu tagtay sida uu Shabelle u sheegay cali Muuse oo ka mid ah saraakiisha Gaadiidka Gurmadka deg dega ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Aweys and hassan turki will keep bringing somali back into the circle of clanism. aweys has a very bad face and looks evil.He looks like a killer. He is the type that will not sit down with any one and will compromise with none.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saldhiga Yaqshiid waa ,minor building, Sharif controls the entry points of Xamar, and has his goverment's seat secured.

 

Context matters.

 

Sharif wanted peace and reconciliation, and brought a different tone to a war-ravaged region. While he was preaching peace, others were busy plotting war however. He resisted their initial assault without substantial help from outside.

The game has changed now. The rush did not produce desired result for alshabaab. The patience didn’t hurt Sharif. The world saw a resilient man who refused to change even under merciless alshabaab shelling.

 

Anarchist and some remnants of Yey can form a cyber coalition to take a confused stance but Somalis have rejected them before as the world rejects their useless rants now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this