Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Back to the days of luxury Nayroobi hotels deals

Recommended Posts

It is now back to the financial windfall luxury Nayroobi hotels made. Back to the days of daljiriyaasha Reer Galbeedka xarumahooda Nayroobi ahayd. Most of them moved to Nayroobi. So are the constant maamul goboleed leaders staying in Nayroobi to see the said Western ambassadors.

This was the way it was in Xasan Socdaal's previous term. It is back now.

Screenshot-20230926191022.png

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deni, Laftagareen iyo Axmed Madoobe oo kulamo qarsoodi ah ku yeeshay Nairobi

Qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan isugu tageen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa haatan magaalada Nairobi ku wada sugan madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee kala ah, Koonfir Galbeed, Jubbaland iyo Puntland oo kulamo qarsoodi ah ku yeeshay caasimada dalka Kenya.

Laftagareen, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa lasoo wariyay inay isbaheysi ku dhisayaan halkaasi, maadaama ay galayaan doorasho adag oo ay ku kala horreeyaan saddexdooda.

Wararka ayaa sheegaya inay marka hore si gaar ah isku arkeen madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland, ayaga oo iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha u gaarka ah, maadaama labadooda ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin adag.

Labada madaxweyne ee Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa hadda wajahaya xaalado isku mid ah, waxayna loolan adag kala kulmayaan xubnaha mucaaradka ee labadaas maamul.

Sidoo kale waxaa kulan kale oo gaar ah uu dhex-maray madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana lasoo wariyay inay ka wada-hadleen isbaheysiga cusub ee ay hadda ku gardaadinayaan magaalada Nairobi, inkastoo Axmed Madoobe uu haatan aad ugu dhowyahay dowladda federaalka, balse ma cadda u jeedkiisa iyo waxa haatan isbeddalay.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay si foolka fool ah isku arkaan isaga iyo Saciid Deni oo ay mar ahaayeen xulafo siyaasadeed, balse ay ku kala tageen dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo sii kala fogeysay saaxibtinimadii Jubbaland iyo sidoo kale Puntland.

Isbaheysiga cusub ee ay dhisayaan Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ka dhan ah  dowladda federaalka, maadaama ay tuhunsan yihiin in doorashooyinkooda ay kula loolami doonaan xubno ka socda kooxda Villa Somalia.

Arrimahan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan, xilli dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, uuna hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.