Sign in to follow this  
Garyaqaan2

DAGAAL CULUS OO MAANTA KADHACAY SANAAG (GROOWE NEWS REPORTS)

Recommended Posts

La soo galiyay: 2006 Mar 28 - 05:40

• Wararka ugu dambeeyay ee ka soo baxaya magaalada Bosaso ayaa waxa ay sheegayaan in saaka uu...

 

 

Dagaal ka dhacey Ceel aan ka fogeyn gododka laga baarayo Macdanta.

 

Warka ayaa sheegaya in Ciidanka Madaxtooyada DGPL ee qaabilsan ilaalinta shirkada Range Resource iyo howlaha ay ka wado deegamada Barri iyo Sanaag mar ay biyo ka dhaansanayeen Ceel aan ka fogayn Godadka ayaa waxa haleeshay rasaas ka dhacaysay qoryaha fudud iyo kuwa cul-culus oo darandarooriga u dhaca.

 

Rasaastaas ayaa waxa ciidankaa la beegsadey Ciidamo Beeleed ku qarsoonaa meel aan ka fogeyn ceelka dhinacyadiisa.

 

Ciidamdas ayaa waxa lagu soo warmayaa in ay halkaa ku dileen nin ka mid ah Ciidamada Madaxtooyada loona badinayo in uu ahaan jirey Darawalka khaaska ah ee Madaxwaynaha Puntland Cade, ninkaas ayaa lagu magacaabi jirey Faarax Laangare halka ay ku dhaawacmeen sadex nin.

 

Dhaawacayada mid ka mid ah ayaa sida wararku sheegayaan aad u culus iyada oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in uu ku dhintey Isbitalka gudihiisa mid ka mid ah dhaawaca.

 

Dhinaca Ciidamo Beeleedyada ayaa la sheegayaa in uu ka dhintey hal qof hal kalena dhaawac lagu qabtey haatana uu ku suganyahay isbaataalka guud ee Bosaso.

Ciidamada Madaxtoyada oo gadaal u soo qaatey dhawacoodii ayaa markey magalada Bosaso soo galeen waxa baabuurtoodii mid ka mid ahi uu marey gabar afar iyo toban jir ah oo halkaa ku geeryootey

. Very sad Ilaahoow unaxariiso gabadha maskiinta ah

 

Gabdhaas oo magaceeda aan weli la xaqiijin ayaa waxa ay u geeryootey dhaawacyadii ka soo gaarey baabuurka dusha ka marey.

 

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamo gurmad ah oo laga qaadey Dekeda Magalada Bosaso ay ku sii jeedaan goobtaas.

 

Dagalkan ayaa ah mid ay dadka deegaankaasi uga soo horjeedan in deegaankooda laga baaro Shidaal iyo Macdan midnaba iyada oo aan la soo marsiin qaabkii dowliga ahaa.

 

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cabdi Xabsade ayaa saxafada u sheegay in gaari Tikniko ah oo ay lahaayeen ciidamada Puntland lagu sameeyey jidgooyo, ayna weerareen kooxo hubeysani.

 

Axmed Cabdi Xaabsade wuxuu kaloo beeniyey warar sheegaya in ay ciidamada maamulka Somaliland ka socda ay ku lug leeyihiin arrimaha ka dhacaya deegaanka Majiyahan, wuxuu kaloo xaqiijiyey in uusan jirin wax dagaal ah oo iminka socdaa..

 

Dadka indha-indheeya siyaasada Puntland ayaa waxa ay u arkaan isku dhacaan in uu noqon karo bilow dagaal qabiil oo salka ku haya qaabka loo marayo soo saarida khayraadka dalka.

 

Garoweonline.com

 

 

Marku su aashu waxeey tahay ma sidaanbaa Puntland xukun keeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this