Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Congratulations to his excellency President Cadde Muuse for his efforts!

Recommended Posts

His excellency Cadde Muuse in his short reign already made huge steps towards rebuilding the Puntland State of Somalia. We've to applaud his actions and efforts we hope that he never gets tired of rebuilding our country to the best of his ability.

Also we've to congratulate the Vice President Mudane Afqurac for naming and appointing new people with calibre to rebuild our country such as the Barkhadle of Laascaanood.

On the other hand the local government in Buuhoodle now Cayn have also to be congratulated to their relentness efforts. May Allah reward them all inshallah.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Ganacsato Carab ah oo mashaariic iyo maalgashi doon ah oo maanta soo gaarey Boosaaso

Boosaaso - 23.May.2005 Waxaa maanta garoonka diyaaraha ee magaalada Boosaaso ka soo degdey, wafdi ka kooban shan xunood oo u dhashay Imaraadka Carabta, oo uu hoggaaminayo Shiikh Maxamed Dariif, oo ah ninka u qaabilsan mashaariicda iyo maalgashiga dalka Imaraadka Carabta ee Midoobey.

Wafdigan ayaa waxay u yimaddeen Puntland in ay fuliyaan mashaariic u badan biyo gelin iyo maal gashi, sida uu SBC u sheegay Khaliif Ciise Mudan oo ah ganacsade la socdey wafdigan.

Ganacsatada Imaraatiga ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin sarsare oo ka socota dawlad goboleedka Puntland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; wasiir kuxigeenka hawlaha guud iyo gaadiidka, Maxamuud Bile Dubbad, guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) iyo taliyaha ciidanka booliiska qaybta gobolka Bari, Axmed Cali Madoobe, kuwaas oo hotel Panorama ee magaalada Boosaaso ku yeeshay kulan iyo is waraysi gaaban, waxana halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays, oo sheegay sida ay ugu faraxsan tahay dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxqabadka iyo mashaariicda ay fulinayaan dawladda Imaraadka iyo ganacsatadooduba.

Dhinaca wadiga Imaraatiga ah waxaa u hadlay Shiikh Maxamed Diriif oo sheegay in uu si weyn ugu farxay amaanka ka jira magaalada Boosaaso iyo weliba dhinacyada horumarka ee ka muuqda magaalada Boosaaso, waxana uu intaas ku daray in ay diyaar u yihiin in ay mashaariic iyo maalgashiba ka fuliyaan deegaannada Puntland.

Wafdigan ayaa waxaa ka dambeeya wafdi kale la filayo in ay yimaaddan isla toddobaadkan kuwaas oo uu soo diray Shiikh Shaariqa, Shiikh Suldaan Bin Maxamed Qaasimi, kuwaas oo fulinaya mashaariic ay ka mid yihiin dhismayaasha garoonka diyaaradaha, dekedda, cusbataal loogu tala galay hooyada iyo dhallaanka iyo weliba qalabaynta booliiska dawlad goboleedka Puntgland.

Ugu dambayntii maamulka cusub ee Puntland ayaa u muuqda mid xoogga saaraya qaybaha kala duwan ee horumarinta bulshada.

Maxamed Cali Iimaan

SBC Boosaaso

Wefdigan oo isugu jiray Injineero iyo masuuliyiin kale ayaa maanta waxay booqasho ku yimaadeen magalada Bosaso. Ujeddada socdalka wefdigan ayaa la shegayaa in ay salka ku hayso...(May23)

1116870352.pjpeg

mashaariic ay Imaarada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabtu ay ka fulinayaan deegaamo ka tirsan Puntland.

Sheekha Sharjah ayaa horay u balan qaaday in ay dhisi doonaan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaso, hase yeeshee, barnaamijkaasi wuxuu socon waayey mudadii uu Gobolka xukumay C/laahi Yuusuf oo iminka ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya, waxaana Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse dhowaan safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta wuxuu kula soo kulmay Masuuliyiinta sar sare ee Imaarada Shaarjah isagoo kala hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa heshiishkii Puntland iyo Sharjah ee lagu dhisayay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyo mashaariic kale oo gobolada Puntland laga hirgelinayo.

Wafdigan waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Xigasho/Radio Midnimo

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this