Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Is there a conspiracy against the Sool community?

Recommended Posts

Shirka Holhol iyo Xidhiidhka Garowe & Hargaysa

 

Sida muuqata shirka holhol waxa uu dhaliyey xiisad baaxad weyn marka loo eego shirarkii hore loo qaban jiray waana arrin wajiyo badan yeelatay, sababo badan awogeed waxaana taas u sabab ah waa markii ugu horaysay oo madax dhaqameedka *********** shir aanay siyaasiyiin ka soo qayb galayn qabsadaan ama isugu yimaadaan, arrintaas oo baqdin weyn ku abuurtay labada maamulba in ay ka hortagaana ay tahay arrin aan hada uun dhicine xataa hore u dhici jirtay.

 

xilli uu Garaad Jaamac ku dhawaaqay in Beelaha *********** shir aayahooda kaga tashanayaan isugu yimaadaan.

 

Aan in yar Taariikhda dib ugu noqono.

 

Caleema Saarkii Garaad Jaamac.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali Caleemasaarkiisii ayuu waxa uu kaga dhawaaqay qorshe uu doonayo in uu ku talaabsado, qorshahaas oo ahaa in *********** isugu yimaado shir uu aayihiisa kaga tashanayo, iyada oo ay Garaad Jaamac arrimo badan ku kalifeen arrintaasi, ayna ugu weynayd isaga oo Gudaha iyo dibada dareenka beesha *********** aad ula socday, taasina ay ku kaliftay in uu qaato qorshe ka duwan kii Adeerkii ilaahay hawnaxriistee Garaad C/qani.

 

Garaad Jaamac wuxuu dareemay in loo baahan yahay in la helo go,aan *********** oo madax banaan kana duwan kuwa maamulada Hareeraha ka xiga beesha , hasa yeeshee aad moodid xilli ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo hore laysula soo kacaa kufay uu ku soo beegmay qorshahaasi, markiiba qorshaha Garaad Jaamac waxaa isha galiyey siyaasiyiintii *********** ee Hargeysa iyo Garoowe joogay taasina waxay keentay in markiiba ay u dhiila dhaansadaan qorshaha Garaad Jaamac uu aad ugu xamaasadaysanaa oo ay u arkeen in uu shaqo la,aan dhigi doono ayna lagama maarmaan tahay in ay ka hortagaan.

 

Waxaa markiiba Hargeysa ka soo gudbay Dhakool oo isagu ahaa xubin golaha wakiilada ee Hargeysa wuxuuna u gudbay Garoowe Halkaas oo uu kula kulmay Xasan Daahir Afqudhac madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland qorshayaashii laga wada hadlay waxaa ugu weynaa in shirkaasi sinaba aanu u dhicin xataa haday kalifayso in aan magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe u kala wareegno, oo tusaale ahaan rag lagu yaqaano Garoowe u gudbaan Hargeysa oo xilal ka qabtaan.

 

Qorshahaas si loo fuliyo markiiba waxaa soo shaacbaxay khilaafkii Xaabsade iyo Xasan Daahir Afqudhac oo ay hoos socoto dhacdooyinkii Cagaare iyo hawlo kale oo qiiq isku qaris ahaa, taasina waxay keentay in Laascaanood lala wareego halkaana waxaa lagu fuliyey qorshihii koowaad ee looga hortagayey Shir ah in *********** shiro, markiiba waxaa soo baxay rag ku eedaynaya Garaad Jaamac in uu raali ka yahay qabsashada Laascaanood waxayna odhan jireen haddaanu raali ka ahayn muu magaalada ka baxo, Garaad Jaamac Isaga oo og dareenka bulshadiisa ayuu Laascaanood ka baxay wuxuuna xarun ka dhigtay Saaxdheer wuxuuna halkaa u dagay in uu dhamaan bulshada *********** dareensiiyo in uu yahay nin la qaba waxay qabaan oo aaminsana waxay aaminsan yihiin.

 

Waxaa isla xilliyadaa la qaban qaabiyey Shirkii Boocame dabayaaqadii 2007 Rag badan oo dibada iyo gudaha joogaa waxay odhan jireen Garaad Jaamac imaan maayo Shirkaas , Garaad Jaamac shirkii wuu tagay walibana wuxuu la qaatay qorshihii Puntland ee xilligaas ee ahaa Puntland in la taageero si ay u sifayso deegaanka, sababtoo ah Puntland ayaa ku cabatay annagaa nala diidan yahay in aanu dalka soo celino Taagero buuxda ayaa lagu siiyey Garaad Jaamacna wuxuu wax ka saxeexay go,aamadii shirkaas.

 

Cadde Muuse Iyo Xasan Daahir Afqudhac oo xataa jaaliyadahii dibadu taagereen lacag aad u tiro badana iyo gaadiid loo soodirayna , marna dirays ciidan ayey iksu sawiraan marna warbaahintay ka hadlaan iyaga oo shacabka maaweelinaya , mar bil ayey qabteen, marna hub ayaa soo socda ayey odhan jireen , intii danbena warbaahinta ayey cod siinayeen xanbaarsan gantaalo iyo lidka diyaaradaha.

 

Waxaa la soo gaadhay Doorashadii Puntland Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu ahaa raggii yidhi waar inta aynaan doorashada galin aan la xisaabtano maamulka iyo beelaha Puntland oo wax cad aan doorashada ku galo sidii hore ee keentay in deegaanka lala wareego aan wax kabadelo, hasa yeeshee waa lagu gacan saydhay , waxaa xigtay xubintii xildhibaan ee uu isagu in uu soo magacaabo ahayd in xataa laga saaro liiska magacyada xubnaha golaha wakiilada , taas oo ahayd in lagu riixo waxaanu ehel u ahayn.

 

Xilligii doorashadu dhamaatay wuxuu u soo jeediyey madaxdii ku guulaystay ee SSC in xubno wax ku ool ah golaha wasiirada iyo hay,adaha kaleba laga helo, taas oo iyadana waxba laga soo qaadin, intaas wixii ka danbeeyey Garaad Jaamac Hadal cad ayuu ku yidhi anigu waan kala noqday kalsoonidii maamulka Maanta jira ee Puntland.

 

Niman badan waxay faafiyeen Garaad Jamaac wuxuu u socdaa Hargeysa , taasina waa beenowday waxaa beeniyey Shirkii Nairobi oo uu isaga iyo shacab badanniba aamin sanaayeen in aan sidan maanta jirta waxba lagu badeli karin maadaama Maamulkii Puntland inta laysu dhiibay uu dhaqaaqi waayey , shirkii Nairobi ka dib waxaa hadana soo baxday qorshe odhanaya halagu soo noqdo dalka oo hala tashado, hadan kuwii ayaa yidhi Garaad Jaamac tagimaayo Soomaaliya oo gudaha ku soo noqon maayo wuxuu wada hadal la galayaa Hargeysa, Garaad Jaamac wuxuu ka soo degay Boosaaso, dalkii ayuu yimi, markii taasi u cadaatay waxaa Hargeysa iyo Garoowe labaduba garawsadeen in ay tahay fursadii waligeedba la sugayey oo ninkii laga hadhsan waayey lagu ugaadhsan lahaa, waxaa markiiba shaqeeyey kuwii aan iyagu hadhsan jirin siday u ilaashadaan xoogaaga jeebka ku soo dhaca, xilligii ay bixi lahaayeen madax dhaqameedku isaga dib ayaa loola hadhay iyada oo laga codsaday kula gaar ah, qorshuhuna ahaa in kaligii la helo , oo meel dhexe laga waayo laysna weydiiyo hasa yeeshee qudrada ilaahay iyo nasiibkaa qayb ka qaatay wuxuu qorshuhu ahaa in Garaad Jaamac gooni ama loo khaarajiyo ama xabsiga mandheera loo dhaadhiciyo ama warbaahin ahaan inta la sawiro karaamadiisa dhulka la dhigo, waa ay cadayd isla shaqaynta Hargeysa iyo Garoowe, taas oo ay soo baxday markii Cabdi Halas , Cali Dhagacade oo uu soo diray C/samad Cali shire kula kulmeen Tukaraq raggii ka socday dhinaca Hargeysa , waxaan halkaas laysku dhaafsaday dhaqaale Puntland bixisay oo qorshihiisu ahaa hawl aanan annagu qaban karin maandhayaalow noo qabta oo ah Garaad Jaamac Garaad Cali karaamadiisa dhulka dhiga , wuxuu C/halas adeegsaday waxyaalo aan xataa filimada hindida ka dhicin warbaahintii oo meelkasta casriya ayuu doonay in uu been ka sheego waxa ka socda Tukaraq, taasina waa ka socon weyday, ilaahay ayaa badbaadiyey Garaad Jaamac Laakiin Garoowe iyo Hargeysa ,Axmed Cabdi Xaabsade iyo C/samad Cali Shire iyo wixii ka hoos shaqeeyaba waxba ulama hadhin .

 

Hadalkii Horgal Baashe Maxamed Cadde.

 

Waxaa isna maanta ka hadlay Ilaacada VOA da Midiidin Baashe Maxamed Cadde, Waraysigii ayaa waxaa su'aal waydiisey gabadhii waraysanaysey waxayna waydiisey sababta ay Shirka Isimadda *********** loo Baabiyey beelaha Burcano shirkoodii Gar_adag u qabsadeen wuxuuna ku jawaabay sidan." Waxaanu doonayney Rag ka qayb galay shir Nairobi lagu qabtay oo Go'aano ka soo baxeen.' Waxaa iska cad in shirqoolka Garaad Jaamac lagu doonayey uu ahaa mid sidaas u xidhan.

 

Qaawanaanta Hargeysa Iyo Garoowe.

 

Waxay maradii ka dhacday labada maamul ee Garoowe iyo Hargeysa oo in badan dadka loo sheegay layskana dhaga iyo indha tiray , kuwo badan ayaa hore loogu sheegay Hargeysa iyo Garoowe waxay isu kaashadaan dibin daabyada shacabka SSC rumayso ama ha rumaysan, miyaanay kuwaasi ku quus qaadanayn kulamada hadda aan qarsoomayn iyo xaaladaha gaadhay halkii ugu xumayd oo qof waliba arkayo, Maamulka Hargeysa la garay oo haday isku rogmadaan *********** danba kamalaha oo waa siduu rabay, ee kuwa Puntland garabka moodayoow miyanaay idiin muuqan hawsha Cabdi Halas Qawdhan , Cali Dhagacade iyo C/samad Cali Shire.

 

Dad badan waxay qabaan in C/halas ka adag yahay C/raxmaan Faroole iyo C/samad Cali Shire waxaana taas u ah markhaati, shalay kulankii ka dhacay madaxtooyada Garoowe C/samad Cali Shire muu ahayn madaxweyne ku xigeen ee wuxuu ahaa miskiin aad u dhagaysanayey hadalka Cabdi Halas, iska daa in uu xilka ka qaadee wuxuu C/samad aaminsan yahay in Cabdi Halas ka dhigay Madaxweyne ku xigeen, C/raxmaan Faroolena wuxuuba u haystaa Cabdi Halas sidii uu ugu karbaashi lahaa Dhulbahantaha Garoowe.

 

Garaad Jaamac wuu ku saxsanaa in uu Saaxdheer aado, waxaase si wanaagsan u muuqday sida cadceeda oo kale xidhiidhka qotoda dheer ee Hargeysa iyo Garoowe oo ah Faaa,iidada laga helay shirka Holhol kii shaki ka qabayoow maanta xaalku waa cad yahay, kii Puntland wax ka sugayayoow (baad iyo lacag) ayey ku bixisay wixii dhacay, hadaladii hore loo yidhi ee ahaa Madax dhaqameed dalka umaanu diidin iyo war xunoow lagu waa, hada xaal halkaasuu marayaa xeer beegtiyeeey.

 

Garaad Jaamac Talo ku socota.

 

Garaad mudadii aad xilka haysay ilaahay mahad ha ka gaadhee waxaad isu taagtay sidii sharaf iyo cisi ay ugu noolaan lahaayeen ***********, hasa yeeshee lagulama Garan, kuwo badan waxay faafin jireen Garaad Jaamac wuxuu doonayaa in uu Hargeysa lagalo wada hadal meel ay ka keeneen la garan maayo shaydaan ayaa u waxyooday, Garaad waxaa soo baxday qof ka kaliya ee doonaya in *********** sharaf ku noolaado in uu adiga yahay isaga oo madax banaan oo aan cid kale hoostagayn, taasina waa mid lagu yaqaanay ilaa awoowayaashaadii 16aad, sidaas Daraadeed adiga oo aan daalin oo aan dareensanahay in aad mawqof adag tahay, maanta waxaad xaq u leedahay in aad geedka Saaxdheer u fadhiisatid *********** iyo kuwa u diiday in ay wanaag ku noolaadaana muddo isu daysid, mawqifkaaga sharafta mudan ee ah midnimada Soomaaliyana ku dhimatid ilaa daqiiqada ugu danbaysa.

 

Talo Ku Socota ***********.

 

Dhulbahantoow Cid idiin soo socota oo dal iyo dad idiin badbaadinaysaa ma jirto ama gude joog ama dibad, xaalkaaguna wuxuu marayaa in maanta Madax dhaqameedkaagii iyaga oo xor ah deegaankoodii ku shiri kari waayeen, Hargeysa iyo Garoowe oo qoysas ahina doonayn in aad shirtaan, aayihiina ka tashataan, sababtoo ah iyaga waxay ugu badisaa in qaybtiina sandareero ka qaadato Hargeysa inta kalena Garoowe,ama jilib hoosaad u faker ama Faarax u faker ama Maxmuud u faker ama Baho u faker, adiga iyo Taariikhda qormaysaa laysaga kiin tagay, muddo dhaw waxaa laga sheekayn doonaa 100 kii sanno ee ugu danbeeyey iyo Taariikhda Somaliya.

 

Boqolkii aynu ka soo gudubnay maalin kaliya Dhulbahnate kama maqnaan wuxuuna kaga jiray halka ugu horaysa , laga soo bilaabo halgankii daraawiish , boqolkan sanno ee bilaabmay , is weydii Dhulbahantoow maxaad ku bilowday, la odhan maayo Maxmuud Garaad, Faarax Garaad iyo Bahonugaaleed Maxay ku bilaabeen, dadkii deegaankaas deganaa maxay ku bilaabeen weeye su,aashu?

 

Xamse Maxamed Cabdi.

Somalia WYA2007@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems some members of the SSC community feel that the two administrations in Hargaysa and Garowe have conspired to ensure that a politically autonomous homeland for the Sool community is never realized. They profess that, there is a cabal of sellout politicians-- who hail from this same community and who also are serving in the two banditti administrations of Hargaysa and Garowe-- have colluded to prevent this community, from establishing their political independence from the two Somali states by opting to set up their own local administration.

 

Rumors are swirling all over the place that there was a particular meeting in a small tuulo in Sool called Tukaruq between Xaabsade and a current serving Puntland official where this scheme to prevent the SSC elders from holding their meeting was hatched.

 

So, what are your thoughts on this fellas; especially to those nomads hailing from Sool?!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Is it coincidental that Faroole-owned Garowe Online has so far totally blacked-out the recent activities of Sool chieftains? Hard to believe since the site is run by Faroole JR (who just happens to be the official media advisor of Faroole SRN). No denials of the treachery accusations of the deputy Finance Minister widely reported by other sites. Not even a spin story explaining the developments in Tukaraq and Holhol. The only opinion referring to the Sool chieftains posted is the article below. You decide the message being conveyed, but remember... waayeel tag lama yidhaahdee wuxuu ku tagaa la tusaa.

 

 

Ereygi G. Abshir & Afeeftii Farole

Kulankii lagu maamuusayay sanad-guurada koowaad ee maammulka Madaxweyne Faroole ee ka dhacdey Garoowe toddobaadkii hore wuxuu ahaa mid galay sooyaalka siyaasadeed iyo kan bulsho ee reer Puntland. Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah garaaddada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa kulanka ka hadlay. Garaadku wuxuu kamid yahay qotomiyayaasha Puntland—xusuuso in Puntland tahay maammul hoggaamiye beeleedyadu sameeyeen kaddib markii siyaasiyiintu karti u yeelan waayeen inay ku heshiiyaan maammul dadka ka badbaadiya saamaynta xun ee maqnaanshaha dowlad qaran.

Garaadku wuxuu sheegay inuu ka mid yahay ragga wax ka sameeyay maammul Puntland iyo in maammul kale uu Laas Caanood qabsaday.
“ Labo qabiil isma dagaallin,”
buu yiri Garaadku. Waa run. Wuxuu garaadku ka codsaday madaxweyne Faroole in maammulka Puntland dib u soo celiyo qeybaha gobolka Sool ee maanta maammulka Somaliland uu ka arrimiyo. Muxuu madaxweyne Faroole helayaa haddii uu ku guuleysto ku soo celinta Sool gacanta Buntland? Sida uu Garaad Abshir Saalax sheegay, madaxweyne Faroole wuxuu ahaanayaa madaxweynaha Buntland
“ inta Buntland jirto.”

Madaxwyne Faroole oo kulanka ka hadlay wuxuu sheegay in maammulkiisu wax badan qabtay, wax badanse u dhimman yihiin.
“Wixii aan qaban karo ayaan qabanayaa illeen weligey ma jirayo ,”
buu madaxweyne Faroole yiri. Waa run. Madaxweyne Faroole waa hoggaamiye hankiisa wax qabad ku sargooyey howlaha murugsan ee horyaalla maammulkiisa.
Madaxweyne Faroole wuu ogyahay in xubno ka mid ah qotomiyayaasha Puntland ay maanta tageersan yihiin maammulka Somaliland, xubnahaasoo ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Kaalinta madax-dhaqameedka Puntland waxaa laga dhigay mid awoodda maammul lagu hantiyo marka ay socoto doorashada madaxweynaha. Dadka maanta Sool hoos geeyey Somaliland waa dadkii taageersanaa Puntland. Haddii Puntland lahaan lahayd Gole Guurti sida kan Somaliland, way ka badbaadi lahayd qalalaase siyaasadeed iyo mid nabadgelyo. Puntland waa maammul madax-dhaqameedyadu unkeen, siyaasiyiintuna maammushaan. Sidoo kale
ma jiro xeer u yaal dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn oo odhanaya “way kala fiican yihiin dadka kala tageersan maammullada Buntland iyo Sool.”
Waa la ogyahay in Garaad Abshir Saalax doonayo midnimo Soomaaliyeed. Weyddiintu waa:
kuwee midnino Soomaaliyeed wax taraya? Kuwa maammul taageeray abtirsiinyo la wadaago awgeed , mise kuwa taageeray maammul aysan abtirsiimo la wadaagin?

Liibaan Axmad,

Janawari, 15, 2010

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

CONSPIRACY?

 

"

THERE IS NO CONSPIRACY, PUNTLAND DOESNT WANT TO FIGHT THEIR KINSMEN IN SOOL IN CASE WE MIGHT KILL ONE OF THEM..." :D

 

"

THERE IS NO SOMALILAND IN LAS ANOD, THEY CAME TO NEAR THEIR ONCE AND GREAT HURRICANE KILLED THEM ALL" :D

 

comical duke

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Puntland Admin betrayed people of SSC, not one, not twice, But many many times, Why Puntland withdrew from Holhol and Tukaraq, few days before the confrence of Issims started, to let Somaliland occupy Holhol and Tukaraq??? Why couldn't Puntland send some militia to defend Holhol and Issims of SSC? Holhol and Tukaraq are very close to Garowe, Puntland's unwillingness to help people of SSC, is obvious to all, Puntland Admin needs to change their attitude toward people of SSC? or never again will people of SSC trust Puntland? Taariikhda ma cafin doonto, lamana ilaawayo sida xun ee dhaqmeen maamulka Puntland, sheeko rakhiis ah waxey ka dhigteen shacabka SSC baa kala qeybsan, oo markaa dhulka SSC miyaa labixiyaa?

 

Maamulka Puntland waa inuu xasuustaa dagaaladii C/yusuf iyo Cadde muuse/Jama Ali

 

Sababta kaliya ee shacabka SSC ugu biireen Puntland waxa eee aheed in laga difaaco dhulka SSC, hunguriga iyo damaca somalidiid

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems Xiin, Mr.Somalia, and Sophist are unable to silence the outraged Dalmar.

 

Gentlemen, the Talking Points Memo to silence the betrayal of the pro-Puntland Sool natives by the Puntland administration will not work with this fellow.

 

He needs answers now!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ Puntland's counterfeit “Somaliweyn” card was burnt when their militias hitch–hiked Ethio tanks to Xamar. Faroole's denial of Onlf folk's Somaliness was the final straw for any doubting Tahriibs. Tukaraq–gate showed Puntland's M.5 formula is also another lie. Whatever next....

 

Where are the genuine Pirates? Come in Budhcads, come in.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waryaadha waa nimanka somalidiid ka ah

 

Idinku naga dhex baxa, this topic wax khuseeya maaha snm, shaqadiina maaha arrimaha ka dhaxeeya SSC iyo Maamulka Puntland

 

If Puntland is M.5, and somalidiid is I.5 (OR SNM.5)

 

Markaa hadii ee noqoto Puntland iyo Somalidiid, waxaa SSC dooranyaan si fudud Puntland , maxaa noo keenay somalidiid iyo Map-kii ninka cad ee ingriiska ahaa xarxariiqay

 

Shacabka SSC iyo Puntland si fudud (any minute ) waa hishiinayaan waa hadii maamulka Puntland daacad ka noqdo xoreenta dhulka SSC, iyo marka ee maamulka Puntland joojiyo in maalinba magaalo cusub ku wareejiyaan somalidiidka, holhol iyo Tukaraq baa ugu danbeeyey

 

Maamulka SNM ee somalidiidka ah cadownimo ayuu kula kacay shacabka SSC markii ee Isimadii iyo Odayaashii dagaal ku qaadaan, goorma ayaa odayaal masaakiin ah dagaal lagu qaadi jiray?

Share this post


Link to post
Share on other sites

dalmar Iska da tribilismka iyo waxa nocaas ah

dadkaga dhinac ka raac niyo Somaliland wa dhulkaagi wa dadkaagii wa shacabkaagii wa dadkad ehel wadaagtan Maxa puntland iyo dadka nocaas ah ku dabba dhigay, ma dadki ina cabdi xaashi sanadkis iyo badhka u xaqa u laha u diiday inu dhamaysto lix bilood ku so koobay. Maagalaadi aad kula darsatay ku difaaci waye kugu yidhi wa inay Hayb ahaan isku difaaacan, While somaliland ay danahaga iyo dhulkaaga difaacayso. against cadaw kasta ku so wajaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dalmar,

 

It seems after all your postings about Kulmiye/Udub politicking and shenanigans hoping to start an intra-Somaliland food fight right here on this Forum, the boomerang only ended up crashing into your neck of the woods.

 

As Ayoub said earlier, I feel your pain. Something you so desperately believed in has been shown to be a fleeting mirage.

 

We're awaiting 'Your coming-in from the cold'!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this