Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Garowe iyo Boosaaso oo Laga Qaxay

Recommended Posts

Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ayaa la sheegayaa in Maxaysatadii Maleeyshiyada ******teeniya ay dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Laascaanood ugu geysteen jidh dil iyo waxyeelooyin kale.

 

Dadkan reer somaliland ee u dhashay SOOL ayaa isugu jira dad rayid ah oo meesha deganaa iyo kuwo meherado kulahaaba. Wararku waxay intaa ku darayaan in labada magaalee ugu waawayn, Boosaaso iyo Garoowe, ay ka bilaabeen maleeyshiyada ******teeniya inay bililiqaystaan dadkaa u dhashay Sool.

 

Waxaa lagu arkayey meelo badan oo ka mid ah Garoowe iyo Boosaaso xerooyin looga sameeyey dadkaa oo lagu xareeyey, jidh dil, kubsi, iyo xasuuqna loo geystay.

 

Mar aanu wax ka waydiinay suxufi madaxbanaan oo ku sugan Boosaaso sida ay wax u dhaceen wuxuu yidhi:

 

"Mar alaale iyo markii ciidanka maamulka puntland laga soo saaray Laascaanood ayey iyaga oo wejiyadooda aad moodo inay cadaabtii ka soo baxeen markeliya weeraro ku qaadeen meheradihii ay lahaayeen dadka u dhashay amaba ka soo jeeda Laascaanood iyo nawaaxigeeda."

 

Suxufigu isagoo hadalkisa sii wata wuxuu yidhi "...waxaan arkayey dadkan oo la soo uruuriyey sidii maxaabiistana laysugu xidhxidhay."

Suxufigan oo aanaanu magaciisa sheegi karin sababo la xidhiidha nabadgelyadiisa awgeed ayaa cadeeyey in dhinaca garoowana laga soo sheegayo dhacdo taa la mid ah.

 

Mar aanu suxufiga waydiinay sababta ka danbeeysa dhacdadan wuxuu yidhi:

 

" Sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidanka puntland ee wada xasuuqan, waxay ku eedaynayaan ka soo bixii ay ka soo baxeen Laascaanood inay sabab u tahay dadka reer Laascaanood oo ka soo horjeestay maamulka puntland soona raacay waxa uu ugu yeedhay Cadowga Puntland isagoo u jeeda Ciidanka Somaliland."

 

Wararkale ayaa iyana sheegaya in dadka u dhashay gobolka ******teeniya amaba gobolka Bari, gaar ahaan reer Garoowe iyo Boosaaso la arkayey iyagoo u qaxaya dhanka Koonfurta ilaa Gaalkacayana la lahaa way gaadheen.

 

Qaxan ayaa ka dhashay cabsi weyn oo ay ku abuureen maleeyshiyada ******teeniya dadkoodii kadib marki iyagoo yaacaya ay markeliya garoowe iyo boosaaso so galeen. Dadka rayidka ah ayaa ka cabsi qaba in dagaalku so dhaafo xuduudaha Somaliland iyo Somaliya oo ilaa garoowe iyo boosaaso laysa soo eryado.

 

 

 

Ugu danbeeyntii mar aanu wax ka waydiinay sarkaal ka mid ah Ciidanka Somliland ee hadda ku sugan laascaanood inuu wax ka ogyahay xasuuqan iyo dadkan reer Sool ee la leeyahay xerooyin boosaaso ku yaaleey ku jiraan, wuxuu ku jawaabay sarkaalkaasi:

" Warkaa ma hayno, laakiin waa wax dhici kara, waa wax ka suurowba maleeyshiyada ******teeniya oo markay ku sugnaayeen laascaanod gudaheedaba ficiladaa iyo kuwa ka daranba ku dhaqmi jiray. Waxanuse leenahay hadaad joojin weydaan waxan aad wadaan Boosaaso iyo Garoowaa laysku arki."

 

Wixii ka soo kordha xasuuqaa iyo qaxaa Boosaaso iyo Garoowe kala soco halkan

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

How can any sane people read those hatred sites, been maalin cad loo jeedo fabricate?

 

Ma niyadda ayaa lagu dhistaa. I am not talking about this site only, kuligood labadda dhinacba. Ka biloow, and being a few examples, idamaale.com, carmooyin.com to hadhwanaag.com to qarannews.com to radiolaascaanood.com to widhwidh.com.

 

Qashinka ayaa dhaamo reports like this and any bogus lies they fabricate as a report, a waste of bandwidth iyo been been dhaaftay.

 

For the sake of your own sanity and healthy mind, stop reading those sites and many of its ilks. Or otherwise haddaa saan ku socotiin waa ku dhufan doontiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

why...! maa roob ba ka da'aye!! now this would cause confusion and make ppl run away.

 

they are not use to rain!...only think that comes to mind right now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this