Sign in to follow this  
Sharmakee

President riyaale agrees with Shareecada

Recommended Posts

Madaxweyne Daahir Riyaale oo markii ugu horeysay sheegay in dalka Somaliland lagu dhaqi doono shareecada Islaamka.

 

October-24 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Maxamed Cabdalla “Hargeysaâ€

 

Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa markii ugu horeysay sheegay in dalka Somaliland lagu dhaqi doono shareecada Islaamka iyadoo hadalka Riyaale uu ku soo beegmayo xilli culumada Somaliland ay ku baaqeen in madaxweynaha uu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan arrintaas.

 

Madaxweynaha Somaliland Dahir Riyaale Kaahin ayaa hadalkan ka sheegay tukashadii salaada ciidda ee shalay kaddib halkaas oo ku tukadeen Kumanan dad ah.

 

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli ay hore u jirtay baaqyo kale duwan oo ka soo baxay culumada Somaliland kuwaas oo ay ku dalbanayeen in dalka laga hirgaliyo ku dhaqanka diinta Islaamka sida ku xusan dastuurka kaas oo si cad u sheegaya in Qaranka Somaliland diintiisa tahay Islaam, iyadana laga qaadanayo dhamaan wixii sharuuc ah.

 

Dhinaca kale, culumo ku sugan magaalada Burco ayaa shir jaraa'id oo doraad ku qabteen waxa ay ugu baaqeen madaxweynaha Somaliland inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan hadalo ay sheegeen inay ka soo yeereen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland kaas oo meel ka dhac u geystay karaamada iyo sharafta shacabka.

 

Ma jirto ilaa iyo imminka jawaab ka soo baxday dhinaca Xukuumada ee ku aadan baaqan ugu dambeeyey ee culumada Burco balse dadka iyaga odorasa arrimaha siyaasada ayaa u arka in qudbadii madaxweynaha jeediyey maalintii ciidda ee shalay ay jawaab dadban u tahay baaqa culumada Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^if that is the case,and so it happens, I would be the happiest man alive---with the right kinda of leadership offcourse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2006-10-23 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Magaalada Burco ayaa maanta si weyn looga ciiday Munaasibada ciidal Fidriga iyado maanta salaadii ciida lagu tukaday dhawr meelood oo waaweyn iyo masaajidada Magaalada Burco .

 

Goobaha salaadii ciida lagu tukaday waxa kamid ahaa Garoonka weyn ee kubada cagta ee magaalada Burco Halkaas waxa maanta kuwada tukaday Masuuliyiin Tira badan oo iskugu jirtay Madaxda maamulka togdheer Wasiiro iyo wasiiru dawlayaal salaadiin iyo culima awdiin iyo dadweyne aad u tira badan.

iyadoo halkaasi laga soo jeediyay hadalo Badan waxa masuuliyiinti halkaasi kahadashay ka mid ahaa Suldaan Maxamuud Guuleed Mire suldaanka oo ka hadlay dhinacyo Badan oo nolosha Bulshada Somaliland taabanaya waxa Qodabadii uu ka hadlay ka mid ahaa

 

1. In layska hubsado wararka ay cadawga somaliland maleegayaan ee Barabogaandada oo layska ilaaliyo wararka Faasiqiinta iyo kuwa cadawga u ah somaliland.

 

2. In Nabadgelyada ilaahay inoogu nimceeyay aynu wada ilaashano oo hareeraha ka joogno oo ka fogaano wax alaale iyo waxii Nabadgelyo daro keenaaya dawladuan waa in ay iska ilaaliso wax alaale iyo waxii Xaasasiyad keenaay

oo aynu shacab iyo dawladba gacmaha is qabsanaa.

 

3. Waa in wax laga qabtaa mukhadaradka iyo xumanta gidaar walba taala

 

4. In dalka waxa haysta dhaqaale xumo ee qoqobka iyo jeelka laga saaro oo loo furo dekeda oo ad imika moodo in ay xidhmaysana Baayac mushtarka loo fududeeyaa.

 

5.Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in dalka lagu xukumo shareecada islaamka oo aynu ka bilawno mid qoys ilaa qaran si

aynu if iyo aakhiraba u liibano ilaahay agtiisana ajar kaga helo.

Malaha beryahan danbe qofka soo qaada ee yidhahda shareecada ha lagu xukumo dalka waxa la leeyahay Maxkamadaha uyu la socdaa taasna waxan leeyahay dalka somaliland waxaynu nahay umad muslin ah oo 100% oo ku dhalanay cidna kaga dayan mayno cidna uga daba fadhisan mayno ee waa ta dastuurkeena ku taala in aan dalka wax shareecad ka baxsan laga ogolayn ta dalka lagu xukumayaan ay tahay shareecada islaamka.

 

 

Suldaanku isago la hadlaayay Kooxaha maxkamadaha muqdisho waxa uu yidhi" Waxaynu kala nahay laba dawladood somaliland iyo somalia marka hadi ay shareecada ku xukumayaan dalkooda waa mid wanaagsan dalkoodibanay ku xukumeen waxanan leenahay waa wanaagsan tihin hadi aad shareecada dalka ku xukunteen laakin waxaynu kala nahay laba Dawlada mana aha in hadi aad tihin Maxkamadaha ad soo faragalisaan somaliland .

Ugu danbayntii waxa uu suldaanku la dardaarmay dadweynhi halkasi iskugu yimi oo sheegay in aanay cidna ka ogolaanayn in ay khalkhalgaliso nabadgelyda iyo Bulshada umada.

 

Waxa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud iyo guriyaynta Siciid Sulub Axmed waxa u hadalkiisa ku bilaabay

 

"Waxa la yidhi Reer guura raac iyo caruur waa lookala sheekeeyay se isma arkaan' xukuumada iyo shacabkeed iyo wadaadadeda malaha waa loo kala shekeeyay ee waxan leeyahay waxaynu nahay dad isku mida isku dana wada dhashay isku diina marka maalmihi u danbeeyay waxa

 

saxaafada kusoo noqnoqonaayay dalka ha lagu xukumo shareecada islaamka shareecada islaamka waa ku dhalanay waa ku dhimanaynaa cidna uga daba fadhisan mayno ee waa waxyaabaha wali aynu ku tala jirno in aynu hirgalino shacab iyo dawladba culimo iyo aqoon yahayn aynu tashano sababtu waxa weeye Burbur badan ayaynu ka soo Baxnay markaa in shareeada Lagu xukumo dalkeeena waa muqadas oo dastuurkeena ayay ku taala

.

Cida tidhi Dastuurka somaliand waa cilmaanina waxaan leeyahay Maaha dastuurka Somaliland cilmaane ee Shareecada islaanka ayuu tilmaamaya mana nihin cilmaaniyin Calanka somaliland waxa ku xardhan " laa ilaahay ilalaha Muxamadaw Rasuulu laa"

Cida tidhi waxan leenahay waa dastuur cilmaniayna naga mid maaha "falaysa minaa"

 

Waxan hadalkayga kusoo gabagabaynayaa Shareecada islaanka waa ku dhalanay oo waa ku dhimanaynaa oo cid aan uga daba fadhiisanaynaa majirto shareecada waxa naga joojin kariwayay talyaani iyo ingriis waad ogaydeenoo siyaad Bare sidi u culimada ula dagaalami jiray waad ogaydeen oo waakii suuratul nisaa badalay.

 

 

Wasiirka Wasarada gaashandhiga somaliland Aadan Waqaf ayaa isaguna gabagabdi ka hadlay halaasi wasiirku waxa uu kula dardaarmay Bulsha weynta reer Burco in ay ilaaliyaan Nabadgelyda jiritaanka iyo qaranimada somaliland waa lama taabtaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2006-10-23 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasin oo ay wehelimayeen xubno ka mida Golaha dhexe, xidlhibaano ka tirsan labada Gole (Guurtida iyo wakiilada) ayaa boqolaal dadweynaha ku nool caasimada somaliland kala qeyb galay saaka tukashada salaada ciidal fidriga masaajidka weyn ee mustajaamaca ee magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynaha oo khudbad halkaasi ka jeediyey ayaa waxa uu ku sheegay Somaliland inay tahay dalka kaliya ee islaamka ee Aftidii dasduurka ugu codeeyey ku dhaqanka shareecada diinta islaamka, waxaanu madaxweynuhu carabka ku adkeeyey inay ku dhaqmayaan dawlad ahaan iyo u mad ahaanba

 

waxan ka baryayaa inuu ciidan(Ciidal fidri) ciideeda inagu gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo iyo horumar, dhamaan caalamka islaamka gaar ahaana Somaliland gudo iyo dibadba “Bismilaahi Raxmaani raxmaani raxiim, Alaahu Akbar, Alaahu Akbar, Alaahu Akbar ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ciidan(Ciidal fidri) ciideeda inagu gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo iyo horumar dhamaan caalamka islaamka, gaar ahaana Somaliland gudo iyo dibadba, waxaanan halkan ka soo jeedinayaa inuu ilaahay denbigeena dhaafo janadana inaga waraabiyo, sanadkan sanadkiisana inagu gaadhsiiyo khayr iyo barwaaqoâ€Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

 

Waxa uu madaxweynhu shacbiga reer Somaliland kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadgelyada oo ay cadowgooda meel uga soo wada jeedsadaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Kelmad dardaarana ayaan halkan ka soo jeedinayaa,waxaanan idin leeyahay walaalnimadeena iyo wadajirkeena inaan ilaashano ayaa inagu wada waajiba sida uu sheekhu sheegay, diinta islaamka shareecada inaan ku dhaqano umada keliya ee Islaama ee Afti-dasduur u qaadatay ayeynu nahay, taas ayeynu ku dhaqmaynaa (Shareecada Islaamka) dawlad ahaan iyo umad ahaanba. Waxa uu cadowgu ila maagan yahay waa ineynu ka mideysnaanaa oo meel uga soo wada jeedsanaa, ayaan idinkula dardaarmayaaâ€Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

 

 

So i guess we will have two cases cilmanian vs sharecatul islamiya ehehheheheeheehhe

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Che-Guevara:

Shiekh Dahir Riyaale in town....lol

 

This is sad. He is oppurtunistic thug, shows you that he has no princuples.

That is not the whole idea of the article bro,,,I would also be happy if he repented to Allah of his sins,and become just that,a Shiekh,just as I wish everyone else with dark past to be.

 

It doesn't really if he is oppurtunistic nor if he doesn't have any principles,what matters are the people and their wants.The people want to be govern with the Sharica law,they would be glad if he stepped out of the way and letted more suitable leader to lead.

 

Besides, remember, the region is Muslim region, so no matter how many times one can try to rule the region according to other man made systems,still in the hearts and in the hearts of everyone Islam surfaces almost always.The shariica law is there,the leader isn't suitable to apply it,therefore that is why it's good for us all,if he did the honors and said it before he is gone for good,which he will in '08 Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

^^^^ :D:D

 

u dont believe that? If you do min fadlik check yourself to mental hospital ASAP. Imam Mahdi linage has been told to us, he will not come from Somalia nah I meant Somaliland-Land of Somalia :D , but Madina Arabiya ya dig

 

Imam Mahdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this