Sign in to follow this  
Som@li

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal kula wareegtay Cadado-Xarunta Ximin iyo Xeeb

Recommended Posts

Som@li   

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal kula wareegtay degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud

 

Jimco, October 15, 2010 (HOL) - Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa la xaqiijiyay inay saakay la wareegeen gacan ku haynta degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, halkaasoo xarun u ahayd maamulka Ximin iyo Xeeb.

 

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in dagaal xooggan uu dhexmaray maamulkii laga adkaaay ee ka talinayay degmadaas iyo ciidammadii Ahlusunna, wuxuuna kasoo bilowday deegaanka Godin-labe, halkaasoo ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka jireen tan iyo xalay.

 

"Degmada Cadaado, waxaa qabsaday ciidammo taabacsan Ahlusunna Waljamaaca o ay hoggaaminayaan saraakiil uu ka mid yahay Cabdi Shukri Cali Xirsi," sidaa waxaa HOL u sheegay suxufiyiin ku sugan degmada Cadaado.

 

Inkastoo, aan la ogeyn khasaaraha dagaalka ka dhashay, ayaa haddana waxaa la xaqiijiya in gebi ahaan degmadu ay gacanta ugu jirto Ahlusunna, waxaana xalay lagu afduubay degmadaas sarkaal u dhashay dalka Britain iyo nin Soomaali ah oo u shaqeynayay hay'adda Save the Children UK.

 

Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey, oo saaxafadda Muqdisho la hadlay saakay, ayaa sheegay in maamulkooda duullaan lagu yahay, ayna iska difaaci doonaan weerar walba oo lagu soo qaado.

 

Warar aanay HOL xaqiijin, ayaa sheegaya in saraakiisha hoggaaminayay ciidammada qabsaday degmada Cadaado uu ka mid ahaa afhayeenka ahna madaxa warfaafinta ee maamulka Ahlusunna Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf (Al-Qaaddi).

 

Degmada Cadaado oo ku taalla bartamaha gobolka Galguduud, ayaa waxay ahayd mid ka madaxbannaan maamullada Ahlusunna iyo Xarrakatul Shabaab oo tan iyo sanadkii 2008, ku dagaalamayay gacan ku haynta degmooyinka Gobolkaas.

 

Wararkii kasoo kordha dagaalka lagula wareegay degmada Cadaado iyo khasaaraha ka dhashay akhriste kala soco wararkeenna dambe, haddii Eebbe ogolaado.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado:Maamulka Ximin & Xeeb oo sheegey inay dib ula wareegeen Cadaado

 

Cadaado:(Allpuntland)-Hogaamiyaha Maamulka Ximin & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Tiicey ayaa sheegey in Saaka ay Ciidamadiisu dib u qabsadeen Degmada Cadaado ee gobolka Galguduud halkaas oo ay shalay qabsadeen Ciidamo ka tirsan Kuwa Ehlusuna Waljeemaca oo kasoo duulay dhanka Dhuusamareeb.

 

Tiicey Wuxuu sheegey in ciidankiisu ay halkaas Qabsadeen,waxaana uu sheegey in uusan jirin Wax dagaal ah oo khasaaro geystay kaas oo dhexmaray Ciidankiisa & kuwa Ehlusuna Waljameeca,waxaana uu canbaareeyey kooxdii shalay soo weerartay Degmada Cadaado.

 

Hogaamiyuhu wuxuu sheegey in Kooxdaasi ay ahaayeen kuwo Qaab Qabiil u abaabulan islamarkaasna doonayey inay Dhibaatooyin ka dhex abuuraan Dadka degen gobolada dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegey in imika ay degenyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this