Sign in to follow this  
Siciid1986

DAWLADA SOMALIA OO MARKII U HORAYSAY KA HADASHAY KHALALAASHA KA TAGAN SOMALILAND

Recommended Posts

DAWLADA SOMALIA OO MARKII U HORAYSAY KA HADASHAY KHALALAASHA KA TAGAN SOMALILAND

 

 

Dowladda Federaalka Somalia ayaa markii ugu horaysay ka hadashay Khalalaasaha Siyaasadeed ee ka asloosan Maagaalada Hargaysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay ka xuntahay waxa ka socdo Somaliland islamarkaana ay qayb ka qaada doonto sidii loo xalin lahaa Khilaafka Siyaasadeed ee ka jira dalka Somaliland.

 

Maareeye wuxuu ku Eedeeyay xisbiyada Mucaaradka in ay Xagal daacinayaan isku dayada ladoonayo in lagu qaboojiyo xaalada Somaliland "Dowlada KMG Somalia way ka xuntahay waxa ka jira Somaliland, runtii waa nasiib darro in walaahow la geliyo Nabadii ay ku naaloonayeen Shacabka reer Somaliland” ayuu yiri Maxamed Cabdi Maareeye.

 

Dowladda Federaalka ayaa madaxdhameedka Somaliland iyo Golaha Guurtida ugu baaqday in si Xeer-beegti ah ay ku xaliyaan Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Somaliland mudane Rayaale iyo hogaamiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah.

 

Wasiirka oo wax laga weydiiyay Cidda khaladka leh wuxuu sheegay in labada dhinac ay Baalmarayaan Dastuurka u degsan Somaliland maadaama ay Horseedeen rabashado Dhiig ku daatay.

 

Waa Markii ugu horaysay oo ay Dowlada Federaalka Somalia ka hadasho qalalasaha Siyaasadeed ee ka aloosan Jamhuuriyada Somaliland taas oo gaadhay in dadna ku nafwayaan halka qaar kalena ku dhawacmeen.

 

Wariye Joker

Moqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Siciid1986:

DAWLADA SOMALIA OO MARKII U HORAYSAY KA HADASHAY KHALALAASHA KA TAGAN SOMALILAND

 

 

Maareeye wuxuu ku Eedeeyay xisbiyada Mucaaradka in ay Xagal daacinayaan isku dayada ladoonayo in lagu qaboojiyo xaalada Somaliland "Dowlada KMG Somalia way ka xuntahay waxa ka jira Somaliland, runtii waa nasiib darro in walaahow la geliyo Nabadii ay ku naaloonayeen Shacabka reer Somaliland” ayuu yiri Maxamed Cabdi Maareeye.

 

Wariye Joker

Moqdisho

Horta marka koowaad warkaan intee lagu soo qoray? marka labaad kan inuu Riyaale ka hoos shaqeeyo ayey ahayd mise isagaaba soo dirsaday oo waa la shaqeeyaa?...mucaara dka ayaan dhaleecayn ku lehe isagu ma muxaafid baa horta? Haddii xitaa laga hadlayo soo kuma habboonayn si diblomaasiyadeysan inuu uga hadlo dadka noocaan oo kale ah ee Soomaali horbooda waxaa durbaba la dareemi karaa inaysan aqoon durugsan u lahayn xilalka ay xambaarsan yihiin, horta waxay rabaan miyey isa sheegaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this