Sign in to follow this  
Cowke

Dahabshil Meets With Puntland Regarding Opening Bossaso HQ. Pictures

Recommended Posts

Cowke   

GEDC0001.jpg

 

GEDC0010.jpg

 

GEDC0014.jpg

 

GEDC0007.jpg

 

GEDC0017.jpg

 

 

 

Kulan ku aadan Sidii Xawaalada Dahabshiil Xarun weyn u Furan lahayd oo Ka dhacay Bosaaso(Sawirro)

April 6, 2010 | NEWS

0 comments

 

Munaasabad balaaran oo lagu gorfeynaayay sidii Xawaalada Dahabshiil ay xarun weyn ka furan lahayd degaanada Puntland ayaa lagu qabtay Hoteelka International Village ee magaalada Bosaaso.

 

 

Waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin ka socotay Maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire iyo Kuxigenkiisa,Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir,masuuliyin ka socotay Xawaalada Dahabshiil iyo Martisharaf kale.

 

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo halkaasi hadalo kasoo jeediyey ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay in la helo Bangi,waxaana u ganacsatada ugu baaqay in ay maalgashadaan Bangiyada dalka isagoo maamulka Xawaalada Dahabshiil usoo jeediyey in ay ilaaliyaan xuquuqda ay leedahay samaysashada Bangiyada.

 

Wasiirka Maaliyada Dowlada Puntland Faarax Cali Shire oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa dardaaran iyo bogaadin usoo jeediyey maamulka Dahabshiil.waxaana uu kula dardaarmay in ay ka fogaadan wax kasta oo keeni kara burbur iyo hoos u dhac asagoo xusay in dalka uu u baahanyahay in la maalgashado oo aan laga guurin dalka.

 

Agaasimaha Dahabshiil Maxamed Cismaan Nuur ayaa isaguna halkaasi ka sheegay in Xawaalada Dahabshiil ay wax badan oo horumar ah u qabteen Shacabka Soomaaliyeed ayadoo u xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay soo dhowaynayaan isla markaana maalgashadaan Bangiga.

 

Xawaalada Dahabshiil ayaa iyadu ka mid ah Shirkaddaha Xawilaada ka howlgala dalka Soomaaliya iyo Caalamka.

 

C/salaan Axmed Shire

Horseed Media

Bosaaso,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amal too would've met with SL finance minister, had it not been diyaaradda xunta ah ee Hargeysa farasmagaalaheeda laga taagay. Taasaa shiddo nagu haysaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dahabshiil oo Shaacisay Bangi Casri ah oo Ka Hawlgeli Doona Magaalada Boosaaso (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC Radio) Shirkada Dahabshil oo horey loogu yaqaanay adeega xawilaada lacagaha ayaa maanta soo bandhigtay adeeg bangi casri ah oo ay dhowaan ka furi doonto magaalada Boosaaso.

 

Xaflad lagu soo bandhigay bagiga oo loogu magac daray Bangiga Dahabshil ee Caalamiga (Dahabshil Bank of International) ayaa lagu qabtay hotelka International Village ee magaalada Boosaaso.

 

Agaasimaha guud Bangiga Dahabshiil ee Caalamiga Dr. Maxamed Cali Cismaan oo ka hadlay furitaanka Bangiga ayaa sheegay in bangigan uu yahay qeybtii labaad oo ay horeyna qeybtiisa koowaad uga soo fureen dalka Djibouti. Waxaana uu sheegay in ujeedada bangigan ay tahay in adeega casriga ah ee bangiyada la gaarsiiyo guud ahaan degaanada Soomaalida.

 

Dr. Maxamed Cali Cismaan waxaa uu xusay in waxyaabaha uu bangigu qabanayo ay ka mid yihiin bixinta adeegyada LC ee lacagaha lagu bixiyo, iyadoo bangigu u fududeyn doono ganacsatada wax dhoofisa iyo kuwa wax soo dejiya. Waxaana agaasimaha guud uu sheegay in bangigu uu si weyn uga duwan yahay xawaalada.

 

Agaasimaha guud ee Bangiga Dahabshiil ayaa sidoo kale xaqiijiyey in waxyaabaha kale ee Bangigu sameyn doono ay ka mid tahay maalgelinta ganacsatada wax soo saarka leh, taasi oo iyaduna dhiiragelin u noqon doonta wax soo saarka dalka.

 

Sida qorshuhu yahay qeybaha kale ee banigigan casriga ee Dahabshil waxaa mustaqbalka dhow loo gudbin doonaa magaalooyin kale oo dalka ka mid ah, sida uu sheegay agaasimaha guud ee bangiga.

 

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamud Xayir Ibraahim ayaa isaguna xusay in ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland ay si weyn ugu baahnayeen adeegyada bangi casri ah oo isku xiri kara dalka iyo dibada, maadaama dalka ay dowlad la’aan ka jirtay 20 sano meeshana ay ka bexeen adeegyadii bangiyada.

 

Wuxuuna gudoomiyaha rugta ganacsiga uu u rajeeyey ganacsatada inay ka faa’ideysan doonaan.

 

Qaar ka tirsan ganacsatada Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso oo kulanka lagu martiqaaday ayaa iyaguna su’aalo ka weydiiyey gudoomiyaha bangiga cusub ee Dahabshiil waxyaabaha ay kaga duwanaan karaan adeegyadii xawaalada ay qaban jirtay ee ay dadku horey u yaqaaneen. Waxaa sidoo kale su’aalo laga weydiiyey in bangigu uu yahay mid furan oo saamiyo ay ku yeelan karaan ganacsatada iyo in kale, taasi oo uu ka jawaabay agaasimaha guud ee bangiga Dahabshiil ee caalamiga.

 

Wasiirka Maaliyada Puntland Dr. Faarax Cali Jaamac Shire oo kulanka furitaanka Bangiga Dahabshiil ka hadlay ayaa sheegay in furitaanka bangiga ay tusaale u tahay nabadgelyada iyo aaminaada ay ganacsatadu ku qabaan Boosaaso iyo guud ahaan degaanada Puntland.

 

Waxaana wasiirku ku amaanay shirkada Dahabshiil inay had iyo jeer keento hal abuur ku cusub dadka iyadoo taasi uga jawaabeysa baahida dadweynaha.

 

Wasiirka Maaliyada waxaa uu isagoo ku hadlaya codka maamulka uu soo dhoweeyey furitaanka bangigan iyo inuu ka hawlgalo Boosaaso.

 

 

Bangigan casriga ah ee ay shirkada Dahabshiil soo bandhigtay ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo dalka laga furo, waxaana si ay hawlwadeenada shirkada sheegeen xarun dhexe u noqon doonta dalka Djibouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cowke:

 

 

Bangigan casriga ah ee ay shirkada Dahabshiil soo bandhigtay ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo dalka laga furo, waxaana si ay hawlwadeenada shirkada sheegeen xarun dhexe u noqon doonta dalka Djibouti.

I thought there is alrady one in Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

d51.jpg

Agaasimaha bangiga cusub (midig) wasiirka maaliyada (dhexda)

 

d41.jpg

Ganacsade su'aalo weydiinaya agaasimaha bangiga

 

d31.jpg

Wasiirka Maaliyada, Dr. Faarax Cali Shire

 

d21.jpg

 

d91.jpg

 

 

d7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

The one is hargeisa is just a branch and i think it only does hawala services, it only services the local area. Where-as this dahabshil opening in bossaso will be the biggest of it's kind it will service punt, somalia, dalka dibaddisa and even will be the headquarter base for jabuti. So that is what they mean when they were saying that it will be one of the best!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Sacad, just like your building burco-erigavo road right and that port in erigavo and all that wonderful stuff smile.gif

 

Look here son and see how badly your people lie to you and u come on somaliaonline and defend them!!!

 

 

Erigavo+2.jpg

 

Erigavo+raod+1.jpg

 

Erigavo+3.jpg

 

You see those pictures above? On your toghdheer news sites claim that is the erigavo-burco road being constructed. Below is the snippet from the article!!!

 

Photos from self help schemes for the construction of Burao -Erigavo road that Somaliland government refused to fund

You can verify below.

Toghdheer News

 

Now according to Hiiran and many more other RELIABLE news media, those pictures are hafun road project and not burco-erigavo!!!

 

Hiiran

 

Your somaliland media can lie to you but they can't dare try to pull a lie on us!!! We know their full of crap!!!

 

Puntland has sites that we dont rely on like jidbaale, las-qoray, galgalanews, puntland24 and many more however the difference is We don't believe a word they report nor do we use it to lie to our people.

 

As far as dahabshil building the biggest bank in hargeisa, yeah kinda of like berbera cement factory $700 million investment that was supposed to be done in 2006 and nowhere to be seen :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

cowke

 

its good thing somaliland companies are providing much needed service to those neighbouring folks in djbouti and somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Is Dhabshil a Somaliland company? You are deluding yourself as always.

 

Anywho, business of this nature only comes to areas with money, thu Bosaso is becoming the centre of commerce for all the Horn, let alone Somalia..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this