Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xildhibaan Saadaq Joon oo loo doortay guddoomiyaha guddi muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Saadaq-Joon.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoon cusub.

Doorashada oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay u dhacday qaab gacan taag ah, waxaana guddoomiyaha guddigaan loo doortay Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Sadaq Joon).

Sidoo kale waxay xubnaha guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga u doorteen guddoomiye ku-xigeen Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, halka ay xoghaye u doorteen Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin.

Xubnaha la doortay ayaa balan-qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horraantii sanadkaan magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Guddigan ayaa waxay ka shaqeyn doonaan xiriirka iskaashi iyo saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxaana guddigaan uu ka kooban yahay 15 xubnood oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Saadaq-Joon.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 336674366_101992709516310_85545571721159 336780398_766814111831127_85897511569283 336783227_119060141055672_52644060324747 336680036_726280345798737_81823176301757 336752418_521274043412033_64806221987265 336777043_917452169596969_87002888727233 336780744_1395434297939948_6112444618408 336678885_1198231514192482_7637145926309

The post Sawirro: Xildhibaan Saadaq Joon oo loo doortay guddoomiyaha guddi muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this