Sign in to follow this  
SOO MAAL

Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf oo Fiidnimadii Caawa si weyn loogu soo dhaweeyay Jowhar

Recommended Posts

SOO MAAL   

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo Fiidnimadii Caawa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar

 

Ammaanka ayaa la adkeeyay, goobaha Ganacsiga ayaa la xiray, dhamaan Waddooyinka soo gala magaalada Jowhar ayaa la xiray, Jidadka ayaa laga taagay Calanka Soomaaliya iyo Sawirada Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaa isu soo baxay oo dad badan isugu yimid Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar oo 10 Km u jira magaalada dadweyne aad u fara badan, qeybaha Bulshada sida ardayda dugsiyada Waxbarashada,kooxaha Fanaaniin ah dhamaan dadkaasi muddo 9 Sacadood ah waxay u taaganaayeen maanta soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo goor dhaw ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar.

 

Nin-ka dhawaan loo Magacabay Lataliyaha dhinaca Ammaanka Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Jowhar Maxamed Dheere ayaa horkacayay dadka soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, sidoo kale Siyaasiyiin uu ka mid yahay Caaqil Koogaar ayaa ka mid ahaa dadkii ka tagay magaalada muqdisho ee ka qeybgalay soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha.

 

C/llaahi Yuusuf oo markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Jowhar Salaan Sharaf ka qaatay qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa uu noqday Mas’uulkii ugu horeeyay oo ka mid ah dowladda Federaalka Soomaaliya kadib xiritaanka Shirkii kenya iyo soo afjarida Joogitaanka Dowladda dalka kenya ee soo gaaro gudaha dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Wafdigiisa ayaa sida ay sheegayaan warar naga soo gaaraya Jowhar waxay ahaan doonta inay joogaan Jowhar Saacado kadibna Madaxweynaha u gudbi doona Magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaas oo berito ka furmi doona shirweyne ay isugu yimaadan 77 dal.

 

Magaalada Jowhar oo Caasimadda Muqdisho sida la ii sheegay u jirto 90-Km waxay ka mid tahay Labada Magaalo ee la qorsheeyay inay degto dowladad Federaalka inta amaanka iyo dala dambeynta Muqdisho laga soo celinayo, hase ahaate go’aankaas oo 11-kii bishii hore ay gaareen Xubno Baarlamaanka iyo Xukuumadad Federaalka ah ayaa waxaa ka soo horjeestay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano iyo Wasiirada hubeysan ee muqdisho, sidoo kale Baydhabo oo magaalada Labaad ahayd ayaa waxaa ka dhacay dagaalka salka ku hayo arrimaha Dowladda, dagaalkaas oo guul ka gaaray xildhibaanka diidan qorshaha Madaxweynaha iyo Xukuumadda Maxamed Ibraahim Xaabsade.

 

Madaxweynaha ayaa marka u sii gudbo dalka Qadar uuna soo dhameysto arrimaha shirka uu u socda waxaa la sheegay inay suuragal tahay inuu dib ugu soo Laabto magaalada Jowhar.

 

Dhinaca kale dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadleen socdaalka Madaxweynaha caawa ku tagay magaalada Jowhar,waxayna sheegen in Jowhar ay tahay magaalda xarun ka dhigan doona Madaxweynaha, waxaase dadka is weydiinayaan halka ay noqon doonta magaalada Labaad.

 

Warar kale oo naga soo gaaray Jowhar ayaa waxay sheegayan in goobo badan oo ay ka mid tahay Warshaddii hore ee SNAI iyo goobo kale, waxaana la sheegay in Maamulka Maxamed Dheere si weyn u diyaariyeen goobahaas.

 

Sida uu qorshaha uu yahay Ra’iisal wasaaraha soomaaliya ayaa Xafiiska uu ka furan doona magaalada muqdisho waxaa uu noqon doona Xaruntii hore ee Laanta socdaalka dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo dad badan u yaqaanan (Habar Khadiijo) waa marka laga soo tago Baar FIAT lana soo gaarin Shineemo Hadarmuud ee Degmda Shibis.

 

Inta uusan ka soo ambabixin Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Nairobi Jomo Kenyata, waxaa loo qabtay Xaflad lagu sagootinayay, kadib Isaga Waa C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha Kenya Salaan Sharaf qaateen Ciidamada Kenya,dadka Garoonka Joogay waxay ka mid ahaa, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid.

 

“Umadda Soomaaliyed waxaa leeyahay Cayaartii waa dhamaatay ee na soo dhaweeyaâ€ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo baaq u jeediyay Shacabka Soomaaliyed,lama oga inuu isla caawa ka tagayo Jowhar iyo inuu jiifanayo.

 

Midnimo Information Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaaraddii sidday Madaxweynaha Somalia oo ku leexatay dalka Jabuuti

 

 

Jabuuti-13.June.2005 Diyaaraddii sidday madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ee Somalai Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo lagu waday inay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ee Shabeellaha Dhexe ayaa u weecatay magaalada Jabuuti.

 

gudoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa SBC u sheegay in madaxweynuhu uu madaxweynuhu iman doono maalinta berri ah magaalada Jowhar.

 

SBC Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Cabdilahi Yusuf oo si lama filaan ah uga degtay Jabuuti

Diyaaraddii siday madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo lagu waday inay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ee Shabeelladda Dhexe ayaa u weecatay magaalada Jabuuti si lama filaan ah

 

Maxamed Cumar Xabeeb oo ah ninka ku haya gacanta Magaaladda Jowhar ayaa Waagacusub u sheegay inay garoonka u shideen koronto oo ay keeneen matoorweyn oo dab dhaliya hasse ahaatee uu Cabdilahi Yusuf u sheegay inuusan imaan karin.

 

Maxamed Dheere wuxuu sheegay inay Madaxweynaha sugayaan maalinta berito ah.

 

Maxamed Cumar oo ah la taliyaha dhinaca nabadgelyadda ee Madaxweyne Yusuf waxaa uu yiri :anaga dad waaweyn ayaan nahay Madaxweynahana isagaa naga codsaday inaan ku soo dhaweeyno Jowhar hadii uu ka baxayna isageey u taal laakiin ..in ka badan kun qof ayaa ilaa maanta qoraxda u taagneed.

Cabdilahi Yusuf Axmed ayaa isaga hore uga gaabsaday inuu shaaciyo halka uu tagayo,waxaana warar madaxbanaan sheegayaan inaan la ogeeyn sababta uu uga degay Jabuuti.

 

Gacanyarayaasha Maxamed dheere ayaa sheegay inuu gudoomiyahooda aad uga carooday imaansha la'aanta Cabdilahi Yusuf,waxaana maanta halkaas lagu qalay xoolo iyadoo heegankii ugu sareeyay la geliyay Maleeshiyooyinka Jowhar.

 

 

Cabdilahi Ibraahim Cabdi

 

Jabuuti .

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

turunturootoo kuftey

tallaabsan weydoo dhacdey

taladi seegtoo dhuntey ayaad taqaan

 

 

Barrito Hadduu kasoo dagi waayo garoonka jawhar war baa jira, caawana kolley Odeygu wuu fakarayaa inuu Jawhar tagi karo iyo in kale, waxeyna ku dhawdahay in uusanba imaan Jawhar, waa saadaalinteyda taasi okey, waayo haddey u fududeyd inuu yimaado jawhar, mar hadduu weecdey oo uu jabuuti aadey halkaasi another exile buu ku galayaa sida ay ila tahay anigu, balse we hope for the best, lets hope he goes to Jawhar tomorrow

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by SOO MAAL:

C/llaahi Yuusuf oo markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Jowhar Salaan Sharaf ka qaatay qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya .....

icon12.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this