Sign in to follow this  
Nasir

Xaalada Ciidka somaliland Ee Sool Jooga

Recommended Posts

Nasir   

Markii aan ka ambabaxay magaalada Burco Isniintii toddobaadkii hore waxa maskaxadayda ku jirey fikrado iyo aragtiyo murugsan oo aan ka qaatay xaaladda gobolka aan ku socdo ee Sool iyo dadka deegaankaas, muuqaaladaas oo ka dhashay dareenkii ay dadka reer Burco iyo Hargeysaba intii aan joogey ka soo celiyeen arrimo uu ugu dambeeyey Bayaan ay Laascaanood ka soo direen Lix ka mid ah Isimada Beesha Reer Sool. Bayaankaas oo ku socdey Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Waxgaradka Somaliland, dulucdiisuna ku qornayd wax aan ka badnayn shan layn layn ama sadar oo ay ku codsanayeen in laga dulqaado ciidamada Somaliland oo duldhigtay, nabadgelyona laga wada shaqeeyo taas oo ay sheegeen iyagu dhinacooda inay diyaar u yihiin, si loo baajiyo ayay yidhaahdeen dagaal sokeeye. Isla markaana bayaanka Isimada oo aan soo hadalqaadin ciidanka Puntland ka soo duuley ee Laascaanod qabsaday ayaa loo macnaystay in Isimadu ka dhigeen meesha inay isku horfadhiyaan ciidan deegaankaas u dhashay iyo kuwo Somaliland. Sidoo kale, bayaanka laftiisa oo ay wax ka saxeexeen Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo beryahan dambe u janjeedhey dhinaca Somaliland iyo Garaad Ismaaciil Ducaale oo ah Garaadka beesha deegaanka Yagoori ee ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Somaliland, muddo dheerna ahaa garaadka keliya ee reer Sool ee Somaliland tirsato, iyadoo isla markaana dhinaca kale ay la saxeexeen bayaanka Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo lagu tilmaamo garaad si xagjirnimo ah u taageera maamulka Cabdillaahi Yuusuf, ciidamada Laascaanoodna isagu dabada ka wada, ayaa u quusgoysey dad badan oo aaminsanaa in xal nabadgelyo la heli karo ama Isimadu ay talo keeni karaan lagaga badbaado dagaal, waxana uu soo saaray bayaankaasi natiijo ah in beesha reer Sool aanay kala hadhin iskuna racsan tahay colaadda maamulka Puntland ku hayo Somaliland.

 

Inkasta oo la sheegay inuu jiro bayaan kale oo kaa hore mar la soo baxay oo ay Isimadu u kala direen labada maamul ee Somaliland iyo Puntland, kaas oo ay labada dhinacaba kaga codsadeen in ay ciidamadooda kala noqdaan gobolka, taas lafteedu ma aha mid ay dadku u bogeen.

 

Waxa kale oo uu socdaalkaygu ku beegnaa laba maalmood uun kadib markii ciidamada Somaliland ay qaadeen hawlgal ay dhawr tuulo oo degaankaas ah kaga ururiyeen Isgaadhsiinta Fooniyaha (HF), taas oo ay wararka Burco soo gaadhayey ay sheegayeen in xasaasiyad xoog lihi ka dhalatay, waxoogaa xiisad ahina ka aloosantay jiidda.

 

Sidaa darteed, waxaan is-weydiinayey su'aalo badan oo la xidhiidha dareenadaas maskaxdayda saameeyey, waxaanan sawirro madmadow leh ka haystey sida ciidamada Somaliland u dhex deggan yihiin deegaanka noocaas ah oo in ka yar 50 km u jira magaalada Laascaanood, sida ay halkaa ku tageen iyo guud ahaanba sida xaaladdu tahay.

 

Waxaan la socdey gaadhi yar oo Toyota Mark II ah oo ay wateen dad reer Laascaanod ah. Abaaro 12:00 kii duhurnimo ayaanu ka dhaqaaqnay magaalada Burco, waxaanuna cagta saarnay wadada laamiga ah, dhinaca K/Bari. Waa jidkii dheeraa e isku xidhi jirey Muqdisho iyo dhulkii la odhan jirey Waqooyi galbeed, waqtigii dowladii Soomaaliyadii Burburtay, qaybtii uu dhisay Shiinuhu dabayaaqadii Todobaatanaadkii. Waxaad mooddaa inuu cusub yahay, mana laha goo'go iyo burbur marka laga reebo dhawr buundo oo waxyeello gaadhey waqtigii uu socdey halgankii hubaysnaa ee Ururkii SNM la galay taliskii Siyaad Barre.

 

Dhulku waa abaar, dadka iyo xooluhuna waxay u hayaameen hawdka sare iyo bariga shishe, xitaa daabiyadaha ama tuulooyinka wadada hareeraheeda ku yaalla ayaa cidlo ah oo dad aad u yar lagu arkayey. Abaarta iyo cidlada dhulku way is-dhaantaa. Marka aad ka baxdo tuulada Oog ee degmada Caynabo ayaa ugu dambaysa bidhaan xoolaad oo ay indhahaagu qabtan. Dhulku waa xaaluf, waa cidlo, dad iyo xoolobana waa laga hayaamay.

 

Hase yeeshee, marka aad halkaa dhaafto waxaad dareemaysaa inaad soo gashay xero ciidan iyo goob dagaal. Waxa keliya ee aad arkaysaana wa Askari qori sita iyo Sakaaro orod iyo booddo kaga gudbaysa Laamiga.

 

Markii gaadhigii aan la socdey uu istaagey kontorool ku yaalla Tuulada Oog cidhifkeeda Bari ayaa askartii joogtey markii ay eegeen gaadhiga, isla markaana aqoonsadeen dadkii la socdey ayay ka codsadeen darawalkii inuu dhawr askari hore uga sii qaado, wuxuuna u furay albaabka dambe ee gurada gaadhiga oo ilaa saddex Askari ay cidhiidhsadeen. Dhawr askari oo kale ayaa iyaguna laamiga dhiniciisa geed hoos fadhiyey oo sugayey baabuur. Gaadhi weyn oo LG ah oo kuwa booliska ah ayaa isaguna ku cadilnaa wadada hareerteeda oo ay dhawr askari hoos jiifeen.

 

Dhammaan tuulooyinka u dhexeeya Yagoori iyo Oog iyo dhawr kontorool oo jidkaa ku taxnaa ayaanu ku sii dhaafnay ciidamada Qaranka Somaliland iyo tiknikadooda oo raabo-raabo ah. Guud ahaanna dhulka u dhexeeya Oog ilaa Laascaanod oo ka siman abaarta iyo cidlada waxaan si kooban u odhan karaa dhirtii ay xooluhu hadh-geli jireen waqtigan jiilaalka waxaa iminka hadhsanaya baabuur tikniko ah iyo ciidan hubaysan oo hoos hoganaya. Wadada laamiga ah oo ay isticmaali jireen gaadiidka xamuulka ah ee badeecadaha ganacsi u kala qaada Burco ilaa Boosaaso iyo koonfurta Soomaaliya waxaa hadba dhinac u yaaca baabuurta ciidanka iyo tiknikada fudud, haddii qoraxdu dhacdona ma jirto wax baabuur ah oo wadadaa martaa.

 

Muuqaalkani waa sida ugu fudud ama ugu laddifan ee aan u tilmaami karo laxaadka ciidanka Somaliland ee la geeyey jiidda hore. Waxa kale oo aan xusi karaa; hawlgalkii uu ciidanku qaaday ee uu dhawr tuulo oo deegaankaas ah kaga soo ururiyey Isgaadhsiinta Fooniyaha ayaa la ii sheegay in uu ahaa mid safballaadhan ahaa oo isku xidhan min Degmada Xuddun ee gobolka Sool dhinaciisa Waqooyi ama Gobolka Sanaag xigta ilaa degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, iyadoo hawlgalkaas oo sahan ahaa uu ciidanku ku tegey duleedka Laascaanod.

 

Markii aan gaadhey degmada Yagoori-na waxaan u arkayey inaan soo gaadhey taliska ama badhtamaha xeradii Milateri ee aan ka soo galay Guumeys. Waa magaalo qaddiim ah oo dhismayaasheedii hore burbursan yihiin iminka. Marka laga reebo Kaamka ay deggan tahay xerta Timaweynta oo ka go'an magaalada, dhinaca barina kaa qabanaysa markaad magaalada soo gasho, magaalada inteeda kale waxay labada dhinac ka saaran tahay jidka Laamiga ah. Diilinta Madow ee laamiga ahi waa badhtamaha ama suuqa dhexe ee magaalada, jidkaas oo dhismayaasha labada hareerood ka soo cidhiidhyey ay u badan yihiin Maqaayado iyo dukaano wuxuu la ceeryoomay dad, marka aad dusha ka joogtona waxaad u qaadanaysaa Saylad xoolo lagu kala iibsanayo. Dadku waa wada hubaysan yahay, waa rag u badan dhallinyaro iyo Gadh-madoobe, qofwaliba waxa uu degta ku sitaa qorigiisa. In badan oo ka mid ahi waxay xidhan yihiin direys tuute ah, waxaanad u garanaysaa inay ka tirsan yihiin ciidanka Qaranka, in badan oo kalena ma xidhna direys, waxayna ku lebisan yihiin macawiso iyo shaadhadh, go'na garabka ayuu u saaran yahay, kuwaasna waxaan u qaatay inay yihiin dhallinyaro reer miyi ah oo magaalada u soo shirtegey. Hase yeeshee, sarkaal ka tirsan ciidanka Qaranka ee Gobolka Sool oo aan weydiiyey dadkan hubaysan ee magaalada ka buuxa ayaa iigu macneeyey inay ka tirsan yihiin ciidanka Qaranka, waxana uu sheegay in direyskii dowladdu u soo dirtay ciidanka gobolka in badan oo ka mid ahi uu noqday dhar caruureed, isagoo i tusay wiil yar oo tuute xidhan oo aan markii hore u qaatay in uu ciidanka ka tirsan yahay, qaar kale oo aan weli direys loo soo dirina ay jiraan.

 

Si kaduwan sawir-maskaxeedkii aan haystey, ciidanka Qaranka iyo dadka reer Yagoori waxay isu dhexgaleen si aad u qaboon. Askarta ciidanka Qaranka iyo Saraakiishooda qaar ka mid ah oo inta badan yimaadda Yagoori ayaa saddexdii maalmood ee aan joogey waxaan arkayey iyaga oo maqaayadaha iyo marfushyada qaadka ay wada fadhiyaan dadka deegaanka iyo Odayaasha magaalada. Waxa kale oo ku sugnaa magaalada ganacsato badan oo Caynabo iyo Oog ka yimi, kuwaas oo ka daba yimi deyn ay ku lahaayeen ciidankii ka soo guurey deegaankaas, qaarkoodna waxay ii sheegeen inay Laba toddobaad in ka badan Reer Yagoori marti u ahaayeen.

 

Waxaa ka muuqdey magaalada jawi isku kalsooni ah, iyada oo dadka magaalada joogey oo ka kala yimi dhul kala duwan, sida Burco, Hargeysa iyo Laascaanod aad moodaysey inay isku qaddiyad meesha u joogaan marka la eego sida ay u sheekaysanayaan ama isu waraysanayaan.

 

Ma jirto cabasho sidaa u weyn iyo cuqdad kala dhex taalla dadka deegaanka iyo ciidanka qaranka. Hase yeeshee, mararka qaarkood waxay dadku aad uga cawdaan baadhista iyo hubinta ay ku sameeyaan dadka wadada maraya ciidanka Somaliland ee fadhiya kontaroolada, gaar ahaan hal kontarool oo u dhexeeya Yagoori iyo Guumeys. Xiisaddii ka dhalatay Fooniyayaasha ayaa iyadana si odaytinimo ah loo dhammeeyey, iyadoo ciidanka Qarankuna ay muujiyeen masuuliyad markii ay hawlgalkaa fulinayeen, isla markaana dad hub kala horyimi intay qoryihii ka qaadeen ugu dhiibey odayaasha deegaankaas. Dhaqanka noocaas ahi waa mid ciidanka Qaranka Somaliland kaga duwan yahay ka Puntland ee fadhiya Laascaanod oo cadaadis ba'an ku haya dadka.

 

Dhinaca kale-na, ciidanka Qaranka Somaliland ayaa kalsooni badan iyo niyad-wanaag ka muuqdaa. Halka ciidanka ka soo horjeeda ee Puntland oo ku dhexjira magaalada Laascaanod, ciidankooda ugu sokeeyaana fadhiyo kontoroolka magaalada dhinaca Waqooyiga ay habeen iyo maalin ku jiraan abaabul, dhiillo kicin iyo guubaabo ay dadka ku kicinayaan, iyaga oo markasta ka baqaya in la soo weeraro ama ay ku baqa gelinta dadka deegaanka ee ciidanka Somaliland ay ku helaan taageero ciidan.

 

Si kastaba ha ahaatee, dareenka dadka reer Sool ayaa ah mid aad uga duwan sidii uu ahaa markii iigu dambeysey Laascaanod oo ahayd bilowgii 1999 markaas oo ku beegnayd markii ciidankii ugu horreeyey ee Somaliland uu galo Gobolka Sool, ciidankaas oo ka soo guurey Galbeedka dalka waxaa la dejiyey Tuulada Oog ee degmada Caynabo, halkaas oo ay deganaayeen ilaa December 2003 markii hawlgalkani bilowday. Waqtigaas degmada Yagoori markii aanu marayney waxay dadka magaaladu tubnaayeen wadada iyagoo sugayey warka ciidankaas oo ay aad uga soo horjeedeen imaatinkiisa gobolka, isla markaana ay u malaynayeen in uu xoog ku tegi doono xuduudka. Isbeddelka iminkana waxaa la rumaysan yahay in uu ku dhashay dadka reer Sool markii ay arkeen sida in maamulka Somaliland ee awooddaas ciidan ee ballaadhan haystaa uu uga tudhayo dagaal iyo inuu xabbad ka rido gobolka, halka ciidanka ka yimi Garoowe uu cagajugleyn iyo cabudhin ku hayo dadka deegaanka, isla markaana u doonayaan in dagaalku ka qarxo Laascaanod gudaheeda.

 

Qayb kale oo warbixintan ah oo ka hadlaysa dhinacyada maamulka, siyaasadda iyo horumarka ilaa iyo hadda laga gaadhey hawlgalkaas gobolka Sool waxaad kala socon doontaa halkan waqti dhow....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yo Nasir. Bro haven't you heard? the author of this article wrote about his wet dream about Sool in a dark little room in Hargeysa.

 

Don't get fooled bruv...you don't want people laughing at ya son!

 

Nabadgelyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Originally posted by Jaamac_Bootaan:

Don't get fooled bruv...you don't want people laughing at ya son!

..............Too late................ :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this