jamacabdi265

Laascaanood waxa ka dhacay waxa mas'uuliyadeeda qaadaya, kaligii taliye muuse, waana in dalka laga badbaadiyo.

Recommended Posts

Laascaanood waxa ka dhacay waxa mas'uuliyadeeda qaadaya, kaligii taliye muuse, waana in dalka laga badbaadiyo. 

Thursday March 09, 2023 - 11:36:14 

Hadhwanaagtv

Waxay magaaladda laascaanood ka bilaabeen ganacsiyo yaryar.

Mashaqada magaaladda laascaanood ka taagan iyo kacdoonka shacabku sameeyeen waxay salka ku hayaan dilal isbiirsaday isla markaana qorshaysnnaa oo laascaanood gudaheeda ka dhacayey oo lagu beegsanayay haldoorka iyo aqoonyahanka gobolka sool.

Xukuumadda uu hoggaaminayo muuse biixi waxay ku fashilantay inay soo qabato cidkastoo ka dambaysay falalka bahalnimada ah sharcigana ay mariso,taa bedelkeeda waxay xukuumaddu qaaday tallaabo gurracan oo bani aadantinimada ka baxsan,waxaana magaaladda gudaheeda laga qabqabtay dad aan waxba galabsan oo ka soo jeeda koonfur galbeed somaliya, kuwaas oo naftooda kala soo baxsaday colaadaha ka jiray degaanadii ay ku noolaayeen.

Waxay magaaladda laascaanood ka bilaabeen ganacsiyo yaryar oo ay ku daberi jireen qoysaskooda,dadkaas iyadoon wax faldembiyeed lagu hayn isla markaana aan la siin wax ogsysaysiis ayaa iyagoo ku gudo jira hawlmaalmeedkoodii caadiga ahaa magaalada laga raafay.

Dadkaasi waxa loo sibirsaaray inay ku lug lahaayeen amni xumada iyo xasillooni darada ka jirta laascaanood iyo dilalka qorshaysnaa ee magaalada gudaheeda ka socday.

Maamulka taagta daran ee somaliland ka arimiyaa wuxuu tahli waayay inay soo qabtaan dhagarqabayaasha sida badheedhka ah dadka u gumaadayey balse bulshada gobolka sool oo xamili wayday halista amni xumada ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambaysa ayaa abaabulay bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo falalka amni darada iyo maamulka fadhiidka ah oo bulshada ku daawanayey cadawga haleelay 

Dadkii bannaanbaxa salmiga ah dhigayey ayey maamulka muuse u adeegsaday ciidamo hubaysan kuwaas oo dadwaynihii ku furay rasaas xooggan waxaana halkaas ka dhashaykhasaare dhimasho iyo dhaawacba leh

In xaaladdu gaadho in ciidamada qaranka iyo dadkii kacdoonka samaynayey dhibaatadu dhex marto,waxa sababteeda iska lahaa guddoomiyaha gobolka oo dalbaday in ciidamada qaranku gudaha u soo galaan magaalada oo aanay ka jirin halis amni xumo shacabkuna ay si salmi ah u bannaanbaxayeen,ciidamada ammaankuna ay ku filaayeen dejinta shacabka gadooday,waana laga baaqsan karayey in dhibaato noocan oo kale ahi dhacdo, haddii caqliga saliimka ahi shaqayn lahaa.

Ciidamaddaqaranka ee gudaha u galay laascaanood khibrad iyo aqoontoonna uma lahayn sida loo xakameeyo kacdoonada noocan oo kale ah ee bulshadu hagayso isla markaana amniga loo sugo ciidamaduna aanay u gaysan xadgudub iyo gabboodfal ka dhan ah bulshada.

Waxa duqayn culus loo gaystay magaaladda laascaanood 

Xukuumaddan aafo qaran intay xilka haysay waxay dalka galisay halis amniga ,wuxuuna muuse banaystay daadinta dhiigga shacabka somaliland.

Shacabka xaq u dirirka ah ee reer sool ma celinayso madaafiic iyo hoobiyayaal lagu garaaco maatida aan waxba galabsan iyo barakacinta shacabka magaaladda laascaanood,awood kastoo maamulkani adeegsado waxa hubaal in dadka degaanku ay guul gaadhi doonaan.

Waxa ku barakacay dagaalka laascaanood ka qarxayn in ka badan 25kun ruux magàaladda laascaanood ku noolaa kuwaasoo naftooda ula baxsaday maamulka puntland iyo magaalooyinka kale somaliyeed 

Magaaladda laascaanood oo ahayd magaalo camiran isla markaana koraysa oo leh goobo waxbarasho sida jaamacaddo xarumo caafimaad iyo adeegyada kalee nolosha bulshada aasaasiga u ah.

Ciidamada somaliland ayaa madaafiic ku garaacay goobihii waxbarashada xarumihii caafimaadka iyo masaajidadii lagu cibaadaysan jiray iyadoo burbur laxaad lihi soo gaadhay dhismayaal badan oo magaaladdu ku caan ahayd oo si arxandarro ah loo bartilmaameedsaday 

Ciidamada oo ka amar qaadanayey muuse biixi iyo taliye nuux baasto macaane ayaa amar ku bixiyay in magaaladda la duqeeyo 

Madaxweyne muuse biixi wuxuu dagaal la galay ganacsade maxamed jabuutaawi oo magaaladda laascaanood horumarkeeda iyo amnigeedaba door muuqda ka ciyaari jiray isagoo ganacsigii jaadka miirooga ah ku wareejiyay nin sisto lagu magaaco oo muuse ay isku degaan yihiin,taasoo ibofurtay in kacdoonka shacabku sii laba laxaadsado.

Abwaan ayaa yidhi.

Damiirku hadduu qalalo

Hadduu dufan raadis yahay

Dareenka hortiisa yaal

Waxa kaga beegan daah.

Muuse biixi markuu xilka qabtay wuxuu meesha ka saaray heshiis ay wada gaadheen hoggaamiyihii geeryooday ee ssc (Ahn) cali khaliif galaydh iyo xukuumaddii siilaanyo,balse heshiiskaasi oo meel la iskula dhigay tabashada reer sool qabeen ayaa u baahnaa in xukuumada muuse meel mariso,maadama xukuumaddii siilaanyo gunnaanadkii heshiiskaasi muddo xilkeedkeedii dhammaaday balse muuse biixi wuu ka cagojiiday dhaqangelinta heshiiskaas oo xal waara u noqon lahaa tabashadii reer ay iyo salluuga ay ka qabeen xukuumadihii somaliland u kala dambeeyay.

Cali khaliif galaydh wuxuu istaagay in xukuumadda muuse dhaqangeliso wixii la isku afgartay laakiin cali waxgarawshiiyo ah kama helin maamulka aafo qaran.

Cali wuxuu ku baxay safaro badan oo uu gobolada dalka ku soo maray isagoo ku baaqay somaliland la wada leeyahay dadkana ku boorinayay xoojinta iyo adkaynta nabadgelyada.

Cali khaliif safaradiisa gobolada dalka oo loogu magacdaray tabliiq siyaasadeed wuxuu ku sheegay in haddaan la fulin wixii hore ay isula meel dhiigeen siilaanyo in xaaladda gobolka sool ay meelaan waxba laga qaban karin ay gaadhi doonto,waana halkay maanta taagan taagan tahay.

Dhoolatus milateri oo ciidamada somaliland iyo ciidamada maraykanka ka samayn lahaayeen ayaa loo wareejiyay waddanka kenya sababo amni darteed iyo qalalaasahsa siyaasadee ee laascaanood ka jira.

Madaxweynaha oo la hadlayey xubno xukuunadiisa ayaa iclaamiyay in garaadada reer sool ay isku afgarteen in wada xaajood laga yeesho xaaladda gobolka isla markaana magaalada yagoori ay noqonayso madasha martigelinaysa wadahadalada balse garaad jaamac ayaa beeniyay hadalkii biixi isagoo sheegay in hadalka madaxweynuhu aanu sal iyo raadtoonna lahayn oo shaydaan u waxyooday.

Waxa halkaa ka cad in muuse biixi uu ku jiro riyo maalmeed oo uu indhaha kaga qarsanayo baaxadda gabboodfalkii iyo tacadiyadii ciidamadii u amar khaldan siiyay u gaysteen dadweynihii rayidka ahaa ee magaalada laascaanood iyo faldembiyeedkii hawlgalaas ka ratibmay.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa,talaadaan la ruugin waa lagu rafaadaa,xaaladda cakiran ee laascaanood muuse waxay ku riday jaahwareer iyo xannuun jiif iyo joogba u diiday isagoo ka quustay madax dhaqameedkii somaliland oo hore uga biyo diiday hannaanka muuse dalka u maamulayo iyo qaabka kaligii talisnimada ah ee xukun maroorsiga ah.

Muuse maanta ma jirto cid talo ku kordhinaysa marka laga yimaado kuwuu hore taladooda u eeday 

Muuse biixi intuu xilka qabtay waxa somaliland colaado iyo dhibaatooyin kala duwan sida barokicinta bulshadii buurta kala jeexan oo wali ay dhibaatadeedii taagan tahay.

Muusoow talo xumadaadu waxay keentay in awooddii ciidanka lagu xasuuqo dadkii rayidka ahaa,miyuu iliowday in u dhaaratay oo kitaab gacanta u saartay? Mas'uuliyadooda rabbi kala xisaabtamayo?

Ciidamada qaranku looguma talogalin in dad shacabka ah la gumaado ujeedooyin iyo damac cid gaari wadatona lagu meel marisado yoolkooduna ahayn balse ciidanka qaranka waxa loogu talogalay difaaca dalka iyo dadkiisa inay sugaan,waana himilada loo aasaasay.

laascaanood waxa ka dhacay dambiyo dagaal loo baahan yahay in lagula xisaabtamo ciddii ka dambaysay sharcigana lala tiigsado.

Somaliland waxay u baahan tahay in laga samatabixiyo kaligii taliye muuse oo wiiqay wadajirkii iyo midnimaddii bulshadda somaliland udub dhexaadka u ahayd,waxa lagama maarmaan ah in taloqaran la iskugu yimaado laguna lafoguro dhibaatada ay muuse taliye nuux waddanka cagaha u galiyeen.

Baarlamaanka somaliland haddii inuun damiirkoodu nool yahay waa inay maamuus ka xayuubin ku sameeyeen kaligii taliyahan qarankii curyaamiyay kuna kacay falal iskugu jira khiyaamo qaran,xasuuq iyo ku tagrifalka hantidii qaranka somaliland oo waddanka jabuuti bangiyo ku yaal ugu kaydsan.

Qoraa sare:yaasiin beerqabooje

Hargaysa/somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.