Sign in to follow this  
Meiji

Hiiraan: Fighting in Beledweyne

Recommended Posts

Meiji   

Dagaal culus oo Magaalada Beledweyne ku dhaxmaraya Ciidamada Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan iyo kooxo ka soo horjeeda.

 

Isniin, April 20, 2009(HOL): Mar kaliya ayay ku soo baraarugeen dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne dhawaaqa rasaas culus oo ay isku ridayaan Ciidamada Maamulka Goballka Hiiraan iyo kooxo ka soo horjeeda kuwaasoo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ururka Xisbul Islaam.

 

Dagaalka oo markiisa hore ka qarxay Xaafadda Howl-wadaag ee Galbeedka Magaalada Beledweyne ayaa markii danbe ku fiday qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaaladu ka kooban tahay, waxaana la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne dhaawaca Seddex Ruux oo rayid ah oo uu ka mid yahay ilo yar oo jira 2 Sano.

 

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa waxaa ku dhacay qoriga hoobiyaha oo la isugu adeegsanyay dagaalka, iyadoo taasina ay naxdin ku beertay dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo hadda qaarkood ay bilaabeen in ay dagaalka ka qaxaan.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalku ka bilowday muran la xiriira dhinaca Canshuuraha oo dhawaan Maamulka Goballka Hiiraan bilaabay in uu qaado, halka kooxaha ka soo horjeeda Maamulka ay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin qaadista Canshuurta.

 

Maalintii shalay ayaa Mas'uul sheegtay in uu ka tirsan yahay Ururka Xisbul Islaam waxaa uu warbaahinta u sheegay in uusan jirin wax Maamul ah oo ay aqoonsan yihiin oo ka jira Gobolka Hiiraan, laakiin ay og-yihiin oo kaliya sida uu hadalka u dhigay koox yar oo dadka xoog ku heysta, waxaana uu intaas raaciyay in ay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

Dagaalka Maanta dhacaya ayaa dhinaca kale ku soo beegmay xili heenimadii xalay Bam kuwa gacanta laga tuuro ah lagu weeraray guri uu Magaalada Beledweyne ka tagan yahay Mas'uul ka tirsan Shirkadda Xawaalada Amal oo laguna Magacaabo Max'ed Shiikh Xasan, kaasi oo uu bamkaas dhaawac ka soo gaaray.

 

Sidoo kalena Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan uu soo dhaweeyay go’aankii ay Dowladda Soomaaliya ku gaartay in Dalka Soomaaliya lagu xukumo shareecada Islaamka.

 

Ilaa hadda ma'jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Goballka Hiiraan waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu Maamulku ka hadlo dagaalka ka socda Magaalada Beledweyne.

 

Wixii ku soo kordha dagaalka ka dhacay Beledweyne, kala soco halkan haddii uu Alle idmo Insha Allaah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Soomaaliya

 

-------------------- -------------------- --

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

This fighting has nothing to do with Islamic differences, but is just the latest manifestation of the decades old division of the city into Eastern and Western halves inhabited by two very hostile clans. Consequently, the groups identify themselves with the two opposing ''Islamic factions'' to maintain the division and animosity within the city.

 

Let's hope that the inhabitants of the city will one day overcome the artificial division and animosity that is maintained by a few opportunists.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo maanta ka dhacay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Posted: 4/20/2009 4:01:00 PM

 

Shabelle: BALADWEYNE

 

 

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta gudaha magaalada Baladweyne waxaa uu ku dhex maray xoogaga muqaawamada ee halkaasi kuwada sugan.

 

 

 

Illaa iyo 6-ruux ayaa ku geeriyootay inta la hubo 32-kalena oo qaarkood rayid ah waa ay ku dhaawacameen dagaal maanta barqadii ka biloowaday xaafada H/wadaag ee magaalada Baladweyne dagaalkaasi oo weli si teel teel ah uga socda halkaasi.

 

 

 

Waxaana weli labada cusbitaal ee magaalada ku yaala magaalada Baladweyne la gaarsiinayaa dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay dagaaladaasi,waloow dadka dhaawacmay ay u badan yihiin dad rayid ah.

 

 

 

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa wariye Nuur Muuse Xirsi (Nuur Inji) oo ka mid ahaa wariyayaasha ka howlgala gobolka Hiiraan,waxaana la tilmaamay in labo xabadood oo ka mid ah rasaasta la isweydaarasanayay ay ka haleeshay qeybta hoose ee jirkiisa xili isaga iyo wariyayaal kale ay ku gudo jireen shaqada Saxafinimo.

 

 

 

Xabado teel teel ah ayaa waxaa laga maqlayaa xaafadah H/wadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne waloow la tilmaamay in qeyb ka mid ah xaafadaha uu dagaalka saakay ka dhacay ay gacanta ku hayaan garab ka mida ah xoogaga muqawamada ee dagaalka uu u dhexeeyo.

 

 

 

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalada ay ku dhex marayaan

Baladweyne iyo maamulka maxaakiimta islaamiga ee gacanta ku haya gobolka Hiiraan.

 

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaaladaasi kala soco shabelle.net hadii uu illaah inoo saamaxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

How is it good news? This is just clan conflict like those before them.

 

Anyways, you should not wish death upon Somalis or rejoice conflicts which result in civilian casualties.

Share this post


Link to post
Share on other sites

THis is very good news so who is wining the maxakiim ama kooxda ka so hor jeeda

Sickness beyond believe. Recognition on the back of dead civilians, that's what I call Narrow minded, with capital N.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji,

 

That type of sentiment is definitely not helpful and only serves to win new enemies for Somaliland. This is sad news - more Somali blood spilt over ancient clan animosities.

 

Illaahay ha u sahlo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

No you don’t understand the konfuurians need inay kala adkadan once and for all just like how they did in 2006 icu Wa inay ciid adkaato.

Mintid these people are already the enemy’s of Somaliland so it cant get any worse lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Mintid, we now know there are compassion people in S'land, I am not from Balatweyn, and I am not even from the H tribe, but it hurts me whenever there is Somali/land blood spilled carelessly.

 

Oh Allah bring peace to us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is bad news, but the deaths are not as high as some reported. These clowns need to stop fighting isnide the city.

 

Secessionsist adeer dont get excited

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

This is very good news so who is winning the maxakiim ama kooxda ka so hor jeeda. Konfuurians mar uun hakala adkaadan, war war fiican warkani.

look yourself in to mirror, i am sure you are not okey!!!!!!!!!!!!!!! to be happy with a muslim blood. waxaani xoomaato dhaaftay. what happen to shankaroon kids.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this