Sign in to follow this  
Suldaanka

Audio: BBC oo waraysi ka qaaday Daahir Riyaale

Recommended Posts

Madaxwaynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahi, oo waraysi siiyay BBC-da, ayaa ka waramay socdaal uu ku yimid magaaladan London ee caasimadda dalkan Britain.

 

Halkan ka dhagayso

 

Waxaa uu sheegay in uu la kulmay xoghayaha arrimaha dibedda Britain, David Miliband markii ugu horaysay, ayna ka wadahadleen 'waxa Britain ay la qabanayso Somaliland' isla markaana ay 'isfaham fiican' isla gaareen.

 

David Miliband, xoghayaha arrimaha dibedda Britain, ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyay ee dowladda Britain ee London kula kulma mas'uuliyiinta Somaliland.

 

Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo fulinta danaha soomaaliland.

 

Isagoo ka hadlayay sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya waxaa uu yiri, ' waan jeclaan lahaa in Caqli kii hore ka fiican ay la yimaadaan, oo laba walaalo oo jaar ah aan noqonno'

 

Wuxuu ka hadlay oo kale xiriirka Somaliland iyo Djibouti, oo ku tilmaamay mid aad u fiican, marka kastana uu u arko in la wanaajiyo, oo uu noqdo mid daa'ima.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^Indeed he has, but like Qaasim (AUN) said: Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this