Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Farole opens all inclusive International Somali Women conference in Garowe

Recommended Posts

Shirweyne nabadeed ee haweenka Somaliya oo ka furmay Garowe.

 

Garowe, Oct 25 - Shirweyne nabadeed ayaa uga furmay Garowe, caasimada Puntland haweenka Somaliyed oo ka kala yimid badi gobollada Somaliya, wadamada Waqooyiga America, Europe iyo Afrika.

 

Madax ka tirsan golayaasha dawlada Puntland, ururada haweenka ee gobollada Somaliya, iyo mas'uuliyiin ka tirsan hay'adaha QM ayaa ka soo qayb galay furitaanka shirweynaha.

 

Madax ka tirsan golayaasha dawlada Puntland, haween ka kala yimid gobollada Somaliya sida Puntland, Somaliland, koonfurta Somaliya, Jibuuti, Ethiopia, iyo qurbaha ayaa khudbado iyo maansooyin kala duwan oo ku saabsan ahmiyadda iyo doorka haweenka ee horumarinta bulshada, nabadda, iyo dhaqaalaha Somaliya ka soo jeediyey shirweynaha oo socon doona muddo 3 cisho ah (25-ka Oktoobar illaa 27-ka Oktoobar).

 

Wasiirka haweenka & arrimaha qoyska ee Puntland Marwo Caasha Geelle Diiriye oo furtiaanka shirwqeynaha soo dhawaysay ka-qayb galayaasha shirka ayaa xustay ujeedada guud ee shirweynaha nabadeed ee haweenka Somaliya.

 

Marwo Caasha waxaa ay sheegtay in ahmiyadda 1-aad ee shirweynuhu ay tahay:

 

i) Ku bararaarujin haweenka Somaliyed kaalinta ay ku leeyihiin nabadda iyo ka hor taga colaadda, iyo is-faham ay yeeshaan dhexdooda,

 

ii) Ku baraarujin haweenka Somaliyed in siyaasad ama dawlad kasta ha ka mid ahaadeene in ay jiraan wax ka dhexeeya, una baahan in haweenku ay garawsadaan waxa kulmiya si waara oo wadajir ah loo helo.

 

M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo furtiaanka shirka ka hadlay ayaa isna sheegay in dumarku ay yihin halbawlaha qoyska, ummadda, ayna kaalin mudan ka qaataan horumarka bulshada, ayna yihiin saldhigga buslheed ee ummadda. Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in sare loo qaado waxbarashada gabdhaha, lana sharfo kaalinta haweenka ee arrimaha nabadda, siyaasad, dhaqaalaha iyo horunarka guud ee bulshada.

 

Waa shirkweynihii ugu horeeyey ee noociisa ah oo lagu qabto gobollada Puntland.

 

Wasaarada haweenka & arrimaha qoyska ee Puntland ayaa lahayd agaasimka iyo qabanqaabada shirweynaha, waxaana gacan ka gaysatay hay'ada UNDP.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Haweenka Soomaaliyeed ee Ka soconaaya Magaalada Garoowe Oo Laga Soo Saaray Qodobo Hordhac ah

 

October 27, 20100 comments| leave your own!

Share Shirka Haweenka Soomaaliyeed ee ka soconaaya magaalada Garoowe oo ay isugu yimaadeen Haween ka kala yimid Koonfurta Soomaaliya,Somaliland,Puntland,Qaaradaha Africa,Yurub iyo Waqooyi America ayaa waxaa laga soo saarey qodobo hordhac ah.

 

Hindo Siciid oo kamid ahayd Haweenka ka yimid qaarada Waqooyi America ayaa halkaas khudbad ay ka jeedisay ka akhriday qodobada hordhaca ah ee kasoo baxay mudada halka maalin u socday shirka.waxaana kamid ahaa qodobada;

 

-In la sameeyo Sharci qeexaya sida Haweenku ay ka yeelan karaan Dawladdaha Sare,kuwa dhexe iyo sare

 

-In Fursadooyin shaqo la siiyo dhalinyarada gacanta kula jira falalka Burcadbadeednimada iyo wixii lamid ah

 

-In la horumariyo Xoolaha,Beeraha iyo Kheyraadka Badda si dhaqaale loo abuuro

 

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay go’aansadeen in la sameeyo Dalad lagu magacaabo Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee xuduuda lahayn (Somali Women without Borders).

 

Xubno haween ah ayaa sidoo kale kusoo biiray Shirka oo ka kala yimid wadamada Itoobiya iyo Jabuuti.

 

Xildhibaand Caasho Dhubad Geele oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Jabuuti oo hadal ka jeedisay Shirka ayaa sheegtay in marka hore ay salaan kawado Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle iyo shacab Jabuuti ayna soo dhowaynayaan shirkaan oo kale iyo wax kastoo xal loogu heli karo xaalada Soomaaliya.

 

Si kastaba shirka Haweenka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu soo gaba gabo maanta,waxaana kasoo bixi doona sida ay wararku sheegaayan qodobo badan.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo qado sharaf u sameeyey Haween weynaha Soomaaliyeed.

 

News205110271710182706.JPG

 

Waxaa qado sharaf si weyn loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta PDRC oo uu shir uga socday Haweenweynaha Soomaaliyeed ee ka kala yimid Daafaha Dunida ,qadadan ayaa waxaa Haweenka ku casuumay Madaxweynaha Dowladda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

 

Qado sharaftan ayaa wax aka soo qaybgalay qaar ka mid ah golaha wasiirada Dowladda Puntland.

Hadaba intii aan qadadu bilaabmin ayaa waxaa Madaxweynaha ay Haweenku u soo bandhigeen warbixino iyo Suugaano kala duwan oo isugu jira guubaabo iyo Farriimo,intaasi ka dib waxaa la guda galay cunitaankii qado sharafta.

 

Qadada ka dibna waxaa bilaabmay khudbadihii waxaana shirka daadihinaysay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Geelle Diiriye,waxaana ugu horraynba hadalka la siiyey Xildhibaan Caasho Dhubad Geelle oo ka socotay Baarlamaanka Dowladda Jabuuti waxayna sheegtay in ay farriin ka sido Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkeeda waxaana soo dhoweynaynaa shirkan oo kale iyo wax kasta oo xal loogu helayo Xaaladda Soomaaliya,halkaasi waxaa sidoo kale haweeno badan oo jirka joogay waxayna Madaxweynaha u gudbiyeen su'aalo si uu uga jawaabo,waxayna kaloo Madaxweynaha u sheegeen in la dhisay Urur lamagac baxay Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee aan xuduuda lahayn(Somali Women with out Borders).

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegey in Dowlada Puntland ay taageero Hiil & Hooba ah la garabtaagantahay Caawinta & kor qaadista Nolosha haweenka Soomaaliyeed,waxaana uu dhaliilay inta badan Siyaasiyiinta ka jira dalka Soomaaliya oo uu sheegey inaysan Haweenka siinin sharafta & Karaamada ay ka mudanyihiin.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland wuxuu sheegey in Dowlada Puntland ay si rasmi ah usoo dhaweynayso urur weyne ay yeeshaan haweenka Soomaaliyeed oo uu sheegey in ay ku midoobaan kaas oo uu madaxweynuhu sheegey inuu aaminsanyahay in ay soo celin karaan Xuquuqda ka maqan Haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan Dunida Daafaheeda.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa su'aalihii la weydiiyey si macquul ah oo lagu qancay uga jawaabay.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland qada ka sakow ayuu waxa uu haweenkii ka yimid Gobolada Soomaaliya iyo wadamada derisk ah siiyey sooryo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegey in Dowlada Puntland ay taageero Hiil & Hooba ah la garabtaagantahay Caawinta & kor qaadista Nolosha haweenka Soomaaliyeed,waxaana uu dhaliilay inta badan Siyaasiyiinta ka jira dalka Soomaaliya oo uu sheegey inaysan Haweenka siinin sharafta & Karaamada ay ka mudanyihiin.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland wuxuu sheegey in Dowlada Puntland ay si rasmi ah usoo dhaweynayso urur weyne ay yeeshaan haweenka Soomaaliyeed oo uu sheegey in ay ku midoobaan kaas oo uu madaxweynuhu sheegey inuu aaminsanyahay in ay soo celin karaan Xuquuqda ka maqan Haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan Dunida Daafaheeda.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa su'aalihii la weydiiyey si macquul ah oo lagu qancay uga jawaabay.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland qada ka sakow ayuu waxa uu haweenkii ka yimid Gobolada Soomaaliya iyo wadamada derisk ah siiyey sooryo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this