Sign in to follow this  
miles-militis

Local elections in Puntland – When?

Recommended Posts

Goorma Ayay Dhacayaan Doorashooyinkii Dowladaha Hoose? - 18 September 2003 , 18:38

 

Waraysi aanu la yeelanay Wasiirka Dowladaha hoose ee Puntland

 

Wasiirka Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare, ayaa xalay waraysi uu siiyay wargayska Yamayska iyo Idaacadda Gaalkacyo wuxuu uga hadlay arimo kala duwan oo u badan doorashooyinka la sugayo ee dowladaha hoose ee Puntland. Waraysiga ayaa wuxuu u dhacay sidan:

 

Su’aal: maxay tahay ujeedada rasmiga ee aad u timaadeen Gaalkacyo?

 

Awaare: ujeedada rasimiga ah ee aanu u nimid magaalada Gaalkacyo aniga iyo wasiirada igu weheliya safarkan, waxaa weeye, u kuurgalidda howlaha maamulka gobolka iyo dar-dargalinta ama kicinta maamullada degmooyinka qaarkood oo aanu ka hirgalin howlaha maamul-hoosaadka ama dowladaha hoose, taas ayay hayd arimaha noogu muhiimsan, waxaa kaloo noo weheliyay arimaha nabadgalyada ama xoojinta amniga, arimahaas ayay ahaayeen kuwaan u soconay.

 

Su’aal: ilaa hadda degmooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob ayaad tagteen, maxaad kala kulanteen?

 

Awaare: waxaan tagnay Galdogob runtii aad baa naloo ku soo dhaweeyey, waxaanan kala kulanay odoyaashii, cuqaashii iyo wax garadkii dagaanka Galdogob. Arimahaan ka wadahadalnay dhamaan waanu isla fahamnay. Waxaanuna ku xoojinay sidii hawlahaas uun loo kicin lahaa, maamuladii, waxanu la socodsiinay in wakhti dhow ay jiridoonaan kicinta counciladii (Guddiyadii) loo dhisi lahaa degmooyinka oo wakhti dhow laga howl galin doono iyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen taasoo guddiyo loo soo diri doono. sidaas si le’eg, waxaan magaaladaan Gaalkacyo kula kulanay odayaashii, cuqaashii iyo wax garadkii deegaanka, runtii waanu wada hadalnay, guud ahaan waxyaalihii aanu ka wada hadalnayna aad baanu isugu afgaranay.

 

Su’aal: Waxaa si wayn loo hadal hayaa dhismaha golayaasha degmooyinka iyo doorashooyinka duqayda degmooyinka Puntland, arimahaasi xagee marayaan?

 

Awaare: Arintaas baarlamaanka Puntland way ansixiyeen, faafinta rasmiga ah ayayna ku soo baxday, bishaan labaatankeeda waxaan fadhi isugu yeernay dhamaan Mayerada (Duqayda) degmooyinka Puntland, kulan ilaa sadex maalmood qaadan doona, taas oo lagaga hadli doono arimahaas iyo arimo kale oo quseeya soo kicinta maamulada.

 

Su’aal: Goormay dhacayaan doorashooyinka golayaasha degmooyinku?

 

Awaare: waxaa weeye horta, waxaan filayaa bisha Oktoobar waxaa loo howl gali doonaa, waxaa jiraya guddiyo ku soo wareegaya dhamaan degmooyinka Puntland. Guddiyadaas oo samayn doona wacyi galinta dadka si loo faham siiyo, waxa golaha degaanku faa’iido u leeyahay iyo waxtarka uu u leeyahay iyo habka ay u dooranayaan, waxaanan ku rajo way nahay in bisha November bartameheeda bilowno guda- galidda dhismaha golayaasha degmooyinka Puntland.

 

Su’aal: Sidee loo soo dooranayaa golaha degaanka?

 

Awaare: waxaa lagu soo dooranayaa, waxaa weeye dagmo walba waxay ka kooban tahay dagaan, deegaankaas oo ah inta tuulo ee la xiriirta degmadaas, beelaha daggan deegaankaas, waxay soo xulan doonaan gole ka kooban tirada habda ay hesho – magaalo madaxyadu waxay yeelan doonaan tiro dhan 25 xubnood, sida Gaalkacyo, Garoowe, Laascaano, Buuhoodle, Baran iyo Boosaaso. Degmooyinka kalana waxay yeelanayaan 17 xubnood oo noqon doona golaha degaanka. Golaha degaanku waxa uu iska dooranayaa guddoomiyaha golaha degaanka iyo ku xigeenkiisa, marka ay doortaan waxay ayaguna xuli doonaan oo dooran dooran doonaan duqa magaalada iyo ku xigeenkiisa oo noqon doona kuwo ama bannaanka ay ka soo doortaan oo aan ka mid ahayn golaha shacabka amaba xubno kamid ah golahaas laftiisa oo ayagu isu sharaxa ama dad bannaanka ka ah oo danaynaya taas oo shuruudo uun baa jiri doona oo lagu xiri doono ninka is sharaxaya.

 

Su’aal: waa sidee habka doorashadu u dhacayso – hab beeleed mise cod bixin dadwayne?

 

Awaare: Arinkaasi guddiga ayaa koley ka fariisan doona, waxaana ay noqon doontaa koley sida loo dooranayo in qofka lagu doorto aqoontiisa, wax qabadkiisa iyadoo marka horeeto aan laga tagi doonin, qaab beeleedka deegaankaasi wax u qabsadaan, dabadeedna xubnaha beelkastaa soo xulato baa koley matalaysa, waxayna noqon doontaa si guud in shacabku u xusho

 

Su’aal: marka aad leedahay in si guud shacabku ku xusho, ma codad sanaatiikh lagu bixinayaa jiri doon – qof iyo cod?

 

Awaare: marka hore qaybta guud waxay noqonaysaa in hab-beeleed lagu qaybsado... cidii iska sharaxda xubnahaas beelaha ka yimid ayaa dadwayanuhu kala dooranayaa oo u codaynayaan (one man one vote).

 

Su’aal: Wakhtigii doorashooyinka waxaa ka haray sida aad sheegtay muddo labo bilood ku siman, walina tiro koob lama samayn, sidee taasi suurto gal ku tahay in cod-bixin dadweyne la sameeyo?

 

Awaare: waa la bilaabay howshii tiro koobka, guddi ayaana loo saaray, waa lagu guda jiraa, meelaha qaarkoodna waa laga bilaabay

 

Su’aal: Illaa hadda waxaa jira musharixiin isu soo taagay doorashooyinka, goormaa la bilaabayaa ololaha doorashooyinka?

 

Awaare: wax badan baa ka sokeeya, waxaa weeye marka la doorto golaha deegaanka. Golaha deegaanka ama golaha shacabka ayaa asagu wuxuu iska dhex dooran doonaa, guddoomiyaha golaha shacabka (degaaanka) iyo guddoomiye ku xigeenkiisa, markaas kadib ayay imaan doonaan cidda danaynaysa duqa magaalda iyo ku xigeenkiisa oo ay noqon doonta mid ay u codeeyaan goalaha shacabka ee degmadaas.

 

Su’aal: waxaa jira tuhumooyin la xiriira in ayba haatan qoran yihiin xubnihii golaha degmooyinka qaarkood oo doorashadu noqon doonto mid magac u yaal ah, marka sidee ku xaqiijinaysaan in xulasho iyo doorasho xalaal ahi dhacaan?

 

Awaare: Guddi heer wasaaradeeda ayaa jiri doona oo dhamaan dagmooyinka Puntland soo marayaan, waxaa jiraya guddi heer dowladeed ah oo ayaguna goob joog ka noqon doona habka doorashad golayaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Samurai,

Thanks for the article.

 

______________________________________________________________________

 

Puntland's President Expected to Return to Garowe

- Saturday, September 27, 2003 at 08:43

 

Nairobi, (AllPuntland) – Sources close to the President of Puntland State of Somalia, HE Abdillahi Yussuf Ahmed who has been attending the ongoing Somali national reconciliation and peace talks in Nairobi since October of 2002 confirmed that the President will be briefly returning to Garowe, state capital for consultation, and in observation of state constitution of which provisions state that “head of state must not remain outside the country no more than 60 days”.

 

Mr Yusuf expected to arrive at Garowe within the next 12 hours will be accompanied by members of his cabinet, parliament, political leaders and traditional elders. Our local reporter in Garowe noted state officials in preparation for the arrival of the President at a time when regional mayors presently convening in Garowe for their annual meeting are planning and studying the implications, logistical requirements, challenges and the importance of the upcoming local elections planned to be held in all 6 regions that Puntland state of Somalia comprises by end of October.

 

Talks thus far had been proceeding in a timely and orderly manner with traditional elders and political leaders sieving through perspective candidates representative of their respective clans for the Somali National Parliament.

 

In a recent statement, Spokesman for the State Department reiterated the administration’s support for the Nairobi peace talks commending duly strides that had thus far been made, and urged all participants to seriously consider critical activities of the process, selection of members of the parliament in particular.

 

The EU on its part restated its support for the ongoing peace talks, and praised the progress that had been made hitherto calling for a comprehensive, balanced and all-inclusive institutionally entrusted government.

 

The IGAD-sponsored peace talks which began in October of 2002 in Eldoret, currently in due process in the outskirts of Nairobi is expected to produce an all-inclusive government for the war-torn Somalia.

 

AllPuntland News Desk

 

http://allpuntland.com/news1/eng/news_item.asp?NewsID=879

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this