Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi oo isku fahmi la’ Xalka dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230209_084624984.jpg?resize=798

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in is faham-waa xooggan soo kala dhex galay Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa sida la sheegayo Taliska Muuse Biixi ka dalbaday in Ciidamada laga saaro Gobolka Sool si loo helo jawi lagu bilaabi karo wada-hadal.

Waxaase wararku tilmaamayaan in dalabkaas uu ku gacan-sayray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi islamarkaana ku adkaystay in Ciidamada Somaliland sii joogayaan Gobolka Sool.

Xiriir dhanka Taleefonka ah oo saacadihii la soo dhaafay dhawr jeer dhexmaray Muuse Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif ayaa la sheegayaa in uu isfam la’aan ku dhammaaday.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku sugan magaalada Laascaanood halkaas oo buuraha u dhow maalintii afraad uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada SSC.

PUNTLAND POST

The post Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi oo isku fahmi la’ Xalka dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this