Sign in to follow this  
Member-sol-

Xarakada Al-Shabaab oo heshiis kala dhex dhigtay beelo dagaalsanaa 25 sano

Recommended Posts

Wilaayada Gobollada Dhexe ee Xarakada Al-Shabaab oo heshiis taariikhi ah kala dhex dhigtay beelo dagaalsanaa 25 sano.

 

Arbaco 26 Dul-Xijjah 1429 (24/12/2008)

 

 

-------------------------------------------------- ------------------------------

 

Kadib markii Ciidamada Mujaahidintu ay ku guuleysteen dhul baaxad leh oo kamid ah Somaliya in ay Allaah fadligiisa furtaan kana cayriyaan wakiilada gaalada ayay guda galeen in ay ku dhaqaaqeen hagaajinta dhexda Muslimiinta.

 

Jeyshka Xisbada ee Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa u istaagay howlahaasi,iyadoona dadaal aad u xoogan lagu bixiyay dhamaaan beelaha Somaliyeed ee Muslimka ah sidii dhexdooda loo haagajin lahaa loona xidid siibi lahaa colaadaha beeleed ee shacabkeena dhibaateeyay.

 

Iyadoo taasi qeyb ka ah ayaa maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ka dhacay munaasabad ballaaran oo ay beelaha walaalaha ah ee ********* iyo Saleybaan ay kuwada gaareen heshiis taariikhi ah oo soo afjaray Allaah idankiisa colaad labada qabiil ka dhexeysay tan iyo sanaddii 1983-kii.

 

Wilaayada Gobollada Dhexe ee Xarakada Al-Shabaab ayaa dadaal ku bixisay isu keenidda walaalahaasi Musliminta ah,iyo dhameynta colaadihii ka dhexeeyay,iyadoona maanta munaasabaddi ka dhacday Dhuusamareeb uu hadallo bogaadin ah kaga jeediyay labada dhinac waaliga Gobollada dhexe ee xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere Allaha dhowree.

 

Odayaal dhaqameedyo,waxgarad iyo qeybo kala duwan oo ka socday beelaha walaalaha ah ee heshiiyay ayaa dhankooda munaasabadasi hadallo ka jeediyay iyagoona sheegay in ay wixi ka danbeeya xilligan xarigga Allaah qabsanayaan ayna meel iska dhigayaan wixi colaadaha ah ee walaalahooda Muslimiinta hore uso kala dhexmaray.

 

Jeyshka Xisbada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa hore ugu guuleystay dhameynta colaado beeleed u dhexeeyay qabaa'il dega meelo kala duwan oo kamid ah Somaliya,waxaana halkan idinkuugu soo gudbineynaa beelihi ay gobollada Dhexe ku heshiisiiyeen Jeyshka Xisbada.

 

Deegaanka-------------------------Beelaha ku heshiiyay

 

Ceel buur ------------------------------Murusade iyo Duduble

 

Wadxo iyo Maxaas ---------------------Xawaadle iyo Murusade

 

Towfiiq iyo Galcad -------------------------Murusade iyo ******

 

Xindho iyo Cadakibir----------------------- Saleybaan iyo Duduble

 

Jawlo iyo Xagarey------------------------------ Duduble iyo Saruur

 

Biya Cadde -------------------------------------Duduble iyo ****

 

Heshiisiinta beelaha Walaalaha ah ee Somalida ayaa qeyb ka ah in loo jiheeyo cududa Umadda iyo ba'sigoodaba cadowga Allaah ee duulaanka kuso qaaday diinta iyo dalka,iyadoona Muslimiintu dhexdooda ay isu naxariistaan gaaladana ku adkaadaan sidii Nabi Mux'ed SCW uu Allaah ku amaanay asxaabtiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xamza, cadaalada xaggeeda way ku liitaan. Xag axsaanka iyo samafarista ha sheegin waxuuda waa qoriga caaradiisa iyo xoog. Waxayna baneysteen dadka muslimka dhiigooda diintana siday rabaan u turjunta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Xisbada ee Mujaahidiinta Al-shabab oo qaybtay in ka badan 40 Jawaan oo daroogo ah iyo dadkii iska lahaa.

 

Khamiis 27 Dul-Xijjah 1429 (25/12/2008)

 

Howlgal balaaran oo shalay ay ciidanka Xisbada ee Mujaahidiinta Al-shabaab ka fuliyeen Deegaanka Kuntuwaaray ee gobolka Shabeelada hoose ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen tiro ka badan 40 jawaan oo ah waxyaabaha maanka dooriya.

 

Sidoo kale waxa howlgalkan lagusoo qabtay 3 nin oo ka mid ahaa dadkii ka ganacsan jiray daroogadan isla markaana ka mid ahaa beeralayda soo saarta mukhaadaraadka, saddexdan nin oo magacyadooda ay noosoo gudbiyeen ciidanka Xisbadu ayaa kala ah:

1- Cabdisalaan Maxamud

2- Cabdi Fadxal

3- Siciid Maxamed.

 

Howlgalkan waxa ka qayb qaatay qaar ka tirsan dadka deegaanka oo markii hore qayb ka ahaa dadka ka ganacsada Mukhaadaraadka, laakiin Ilaahay fadligiisa ka toobad keenay markii ay wacyi galin badan heleen ee dacwadda la gaarsiiyay, waxaanay suuro galiyeen in la helo guri kasta oo lagu xareeyay Mukhaadaraad.

 

Mid ka mid ah dadkii iyagu iskood uga toobad keenay mukhaadaraadka ayaa sheegay in uu lacagtii kasoo gashay uu baabuur ka iibsaday isla markaana uu damacsanyahay in uu gubo, sidoo kalena uu dumar ka guursaday dalbadayna in sharciga la mariyo, waxaanu si firfircoon uga qayb qaatay soo qabashada daroogada taala beeraha iyo xaafadaha.

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha Ururinta daroogooyinka Kuntuwaaray iyo xukunka la saaro dadka lagu qabtay wararkayaga dambe kala soco insha'allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this