Sign in to follow this  
Juje

Geedi is Back in Bay + Audio ( Must listen)

Recommended Posts

Juje   

Things seem not to be working for Yeey. Geedi who was deemed to have gone on a mision to home base (Addis) to either submit willingly or otherwise his resignation is back in Baydhabo and doing his thing to hold on despite Yeey's opposition,

I'm hearing the old man (Yeey) is not in best of health, and if that is true I wish him better and speedy recovery -- I may hate his policies but in under any circumstances I dont wish wish him bad .

 

Ra’isul wasaare Geeddi uu dib ugu soo laabtay Baydhabo iyo wasiir kui tirsan xukuumada Itoobiya oo socdaalkiisa ku wehliya

Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee goblolka Bay ka dib markii uu socdaal saddex cisho qaatay uu ku tegay magalada Addis ababa ee dalka itoobiya kaasoo ka dambeeyey markii ay yeertay xukuumada dalkaasi.

Geeddi oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno uu ka mid yahay wasiirka dhaqanka iyo dalxiisa ee dalka Itoobiya Maxamuud Dirir ayaa gaaray hotelka Bakiin ee magaalada baydhabo halkaasoo lagu wado in maanta ay ka dhacdo munaasabad qado sharaf ah oo ay ka soo qeyb galeen xildhibaanada iyo xubnaha kale ee taageersan raisul wasaaraha ee feker ahaan ka soo horjeeda madaxwqeynaha Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa waxa mar kale dib uga bilowday is xulufeysigii iyo kulamadii ay ku lahaayeen dhinacyada iska soo horjeeda waxaanada wararka ka soo kordha aan idin kugu soo gudbin doona wararkeena dambe.

 

[ October 20, 2007, 12:14 PM: Message edited by: Juje ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

In this speech geedi states his position in the current TFG fiasco and dares the other side to put up or shut. He speaks broadly about Somalia in clusing the conflict in LA, and also blames the TFG troops in the carnage in Xamar. This guy is changed ad has come back with new 'balls' since his unexpected return from Addis.

 

Geedi Audio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Ra’isul-wasaare Geeddi:- “Waxaan Ummadda ku nool magaalladda Muqdishu ugu baaqayaa inay iska celiyaan dadka magaca Dowladda huwan ee doonaya inay ku bara-kiciyaan..”

Geeddi%2011.jpg

 

Muqdisho Sabti , October 20 2007 SMC

 

Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federalka Somalia, Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxa uu hadalkaasi ku sheegay hadal uu ka jeediyey Marti-qaad-siyaasadeed lagu qabtay Hotelka Peking ee magaalladda Baydhabo, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen 187-xubnood oo ka tirsan Labada Gole ee Qaranka.

Ra’isul-wasaare Geeddi, waxa uu qaabilaadaasi kaga faa’ideystay Fursad Dahabi ah oo uu xubnaha isaga ku fekerka ah uu ugu faahfaahiyey natiijaddii ka soo baxday socdaalkii hawleed ee uu ku tegay Caasimadda dalka Ethiopia iyo kulamaddii uu la soo yeeshay dhigiisa dalka Ethiopia, Meles Zenawi iyo Wakiilladda Beesha Caalamka ee Xafiisyadda ku leh magaalladda Addis Abeba.

 

“Waxaan Madaxda Dowladda Ethiopian ee aynu saaxiibka nahay kala soo xaajooday Xalka Somalia, Arrimaha Ammaanka iyo Dib-u-heshiisiinta, waxaana isla garanay inay Dib-u-heshiisiinta door ka qaadato xalinta colaadaha” ayuu yiri Prof. Geeddi, oo qiray inay ka go’an tahay in khilaafka dhinaca Siyaasadda lagu dhex xaliyo Golaha Barlamaanka, isagoo tilmaamay inuu Barlamaanku awood u leeyahay inuu Sharcigu ku kala saaro Qoddobadda Sharciga ee siyaabaha qaldan loo kala fasiranayo.

 

Ra’isul-wasaare Geeddi, waxa uu ku booriyey xubnaha ka soo qeyb galay Sooryo-siyaasadeedka uu gogosheeda fidiyey inay u hiiliyaan 71-ka qoddob ee Axdi-qarameedka iyo Jiritaanka Dowladnimadda, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Somalia ka ambaqaado Hoggaamin Dimuqraadiyad, maadaama laga soo gudbay Hoggaanno Diktatooriyadda ah oo xaqiraad iyo xadgudub ku dhisnaa.

 

Prof. Geeddi, waxa uu khudbadiisa kaga hadlay colaadaha ka aloosan Maamulladda Somaliland iyo Puntland, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan colaadda, kana shaqeeyaan Nabadda iyo Deganaanshaha.

 

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha, waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool magaalladda Muqdishu inay iska caabiyaan waxa uu ugu yeeray dadka magaca Dowladda huwan ee doonaya inay dadka ku barakiciyaan.

 

Waxaan ku kalsoonahay inay Shacbiga magaalladda Muqdishu horey isaga eryeen Xukun Diktatoori ah oo muddo 21-sanno caburin ku hayey, isla markaana ay ku filan yihiin inay iska celiyaan Xukuumad sida teenna oo kale u tabar daran, oo magaca Dowladda u adegsanayso inay ku dhibaatayso Shacbiga” ayuu yiri Geeddi, oo sheegay inaan Xilligan loo baahnayn Maamul qab-weyn oo Sharciga ku tumanayo.

 

Ra’isul-wasaaraha, waxa kaloo uu khudbadiisa kaga hadlay xubnaha Golaha Wasiiradda ka tirsan ee aan ku aragtida ahayn, wuxuuna ugu baaqay inay joojiyaan Waraaqaha ay meelaha la cararayaan, oo waxay Aragti qabaan miiska soo saaraan, wuxuuna dhinaca kale isweydiiyey:- “Xubnahaasi waa garan la’ahay cidda usha ama bistooladda dhafoorka kaga haya?”

 

 

Warkaan xaquuqdiisa waxaa iska leh Soomaaliweyn .com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Waxaan Ummadda ku nool magaalladda Muqdishu ugu baaqayaa inay iska celiyaan dadka magaca Dowladda huwan ee doonaya inay ku bara-kiciyaan..”

 

 

With those kind of words he might land himself a job in Asmara!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by xiinfaniin:

Geedi is very smart in his political calculations. And as i predicted, he will not die quitly.

I dont think he is going to die, in regards to TFG politics I mean.

It is clear this guy is not going no where unless we are watching an orchestrated drama.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Waa Fajac! why the sudden change of view.He was perfectly fine when the ethiopians & His president were killing the shacabka moqdishu. Xalada markeey ku xumaataybu saas uhadlaaya.The citizens of mogdishu don't his approval by quoting quranic verse(when it suits him) in order to fight back against those aggressors. Wayee ineey kabilaawan Laf'tirkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje, it seems Gheedi is really confused and worried. The man sounds like Qanyare devoid of any confidence in that speech. To Meles, Gheedi’s speech specially that "TFG troops" comment was below the belt and will forever damage the spirit of the their relationship. Gheedi has endangered the lives of the Tigre boys in Mogadishu when he discredited the whole process in a whim and encouraged Mogadishu residents to fight against the TFG, literally.

 

Why would he utter such comment if he has the full support of Ethipia. Isn't the TFG Ethiopia's pet project?

 

It is very clear he sees danger!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

^Gheddi is history, mark my words , but then ,so is the so called TFG.

 

LST , its this very " the support of Ethiopia " that is both the strength and achile's heel of the TFG. Both yey and Gheddi, even in their best Stooge_Tuxedos, coulden't be more irrelevant.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

Juje, it seems Gheedi is really confused and worried. The man sounds like Qanyare devoid of any confidence in that speech. To Meles, Gheedi’s speech specially that "TFG troops" comment was below the belt and will forever damage the spirit of the their relationship. Gheedi has endangered the lives of the Tigre boys in Mogadishu when he discredited the whole process in a whim and encouraged Mogadishu residents to fight against the TFG, literally.

 

Why would he utter such comment if he has the full support of Ethipia. Isn't the TFG Ethiopia's pet project?

 

It is very clear he sees danger!!

Yep. It could also be that the man has been told in Addis that there is nothing they can do for him, and that he should seek the 'vote of confidence' in the parliament. Thus knowing he cant win that and that his masters have declined to support him he realised he was out and in his speech he wanted to further deteriorate the situation.

His calling saints those he demonised ealier is sheer desperate, and I doubt whether it will be bought by any except by warlords like Qanyare, Catto, Sudi et al who are in a more desperate situation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

War deg deg ah Gudoomiyaha Barlamaanka oo u leexday dhinaca Madaxweynah kulan xalay uu la yeeshay kadib iyo Balamaanka oo goaamiyey in laga dooda qilaafka Madaxweynha iyo wasiirkiisa koowaad iyo dowlada FKMG oo noqotay laba Garab

Baydhaba

 

 

Wararka ka imaanayaa magaalada Baydhaba ayaa sheegayaa Gudoomiyaha Barlamaanka oo awal dhex dhexaad ka ahaa uu gundiga u xirtay in uu meel mariyo qorshaha madaxweynah DFKMG Cabdulaahi Yuusuf Axmed ee ahaa in laga taqlusa Raiisal wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Xalay ayey aheyd markii saqdii dhexe la arkay gudoomiyaha Barlamaanka Sheikh Adan madoobe oo kasoo baxayo hooyga madaxweynah ee magaalada Baydhaba taasoo shaku badan ku abuurtay xildhibaano badan oo ku fikir ahaa Cali geeddi .

 

Kulankii Barlamaanka ee maanta ayaa go,aamiyey in qodobka dastuuri ah lagu xaliyo qilaafka ka dhex taagan labada masuul ee ugu sareysa DFKMG lakiin wali macda waxaa la go,,aaminaayo

 

Waxaase xusid mudan xildhibaano gaarayaa 80 xildhibaan ay isaga baxeen shirka kadib markii gudoomiyaha barlamaanka loo arkay in uu dhinac u janjeero taana keentay in Barlamaanka u kala jaba laba Garab taana waxey keeneysaa in dowlada laba kala noqoto ay kala fadhiistaan Muqdisho iyo Baydhabo

 

Raiisal wasaare Cali Geeddi iyo xilidhibanao ka badan 100 ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay u baquulaan magaalada Muqdisho si ay xarun uga dhigtaan dowlad ka dhan ah Tan Baydhabana uga dhawaaqaan Muqdisho

 

Waxii manata ka danbeya ayaa waxuu magaca dowlada noqonayaa Garabka Muqdisho iyo Baydhaba taasoo la xasuusan karo xiligii labada Garab ay kala fadhiyeen Muqdisho iyo Jowhar.

 

 

Xafiiska wararka ee , Qaahira Masar

dayniilecom@hotmail.com

 

 

It is clear I think it is now only 'when' rather than 'if'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this