Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland admin candidates sign agreement: a great day

Recommended Posts

Dowlada%20iyo%20Musharaxiinta%20oo%20wad

Garowe: Caasho Geelle Diiriye oo ku guuleysatay Heshiis la dhex dhigo Maamulka Puntland iyo Musharaxiinta.

20. december 2008

 

Garowe(AllPuntland)- Wasiirka Wasaarada Arimaha haweenka iyo horumarinta Qoyska Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa maanta markii ugu horeysay iska hor keentay Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo iyo Madaxweynaha waqtigan ee Maamulka Puntland, waxa ayna heshiis rasmi ah dhex dhigtay labada dhinac.

 

Caasho Geelle ayaa uga mahadcelisay dawladda Puntland iyo Musharaxiinta sidii wanaagsaneyd ee ay uga soo qeybgaleen kulamadii mudada gaaban socday, loogana hadlayay aayaha deegaanada Puntland.

 

Wasiiradu waxa ay sheegtay in ay heshiis rasmi ah maanta wada gaareen Madaxweynaha Puntland iyo Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo ee deegaanada Puntland.

 

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee maanta lugu heshiiyey waxaa ka mid ahaa.

 

1. In dhamaanba daaqada laga saaray wixii khilaaf ahaa ee udhaxeeyey Musharaxiinta iyo dawladda Puntland, kuna aadanaa doorashada Puntland ee sannadka 2009

2. In la magacaabo Gudi Isimo ah oo tiradoodu tahay 8 Isin luguna yaqaano cadaalad iyo sinaan, kana imaanaya todobada gobal ee deegaanada Puntland.

3. In Nabadgalyada iyo sugida amaanka mudada laga gaarayo waqtiga doorashada ay masuul ka tahay dawladda Puntland, wixii kormeer ahna ay leeyihiin Isimada la magacaabay ee ka imaanaya gobalada kala duwan.

4. In wixii khilaaf ka yimaada xubin baarlamaanino oo ay wax ka qaban waayaan Gudiga xalinta iyo Ansixinta Khilaafaadka baarlamaanka ay go'aan ka gaarayaan Isimada Puntland ee laysku afgartay.

5. In Musharaxii la yimaada Burburinta dawlad gobaleedka Puntland ay dawladda iyo Musharaxiintu meel uga soo wada jeestaan.

 

Madaxweynaha waqtigan ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) iyo Gudoomiyaha Musharaxiinta Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa halkaasi ka hadlay, waxa ayna mahad celin balaaran ujeediyeen Marwo Caasho Geelle Diiriye.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qodobadii maanta la gaaray, wuxuuna shaaca ka qaaday in ay laga bilaabo maanta ay heshiis rasmi ah ay gaareen Musharaxiinta iyo dawlad ahaan.

 

C/rixmaan Maxamed Faroole oo isna ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in ay laga bilaabo maanta heshiis rasmi ah ay gaareen, laga bilaabo maantana ay heshiis rasmi ah gaareen.

 

Heshiiskan maanta la gaaray ayaa noqonaya mid ay si wadajir ah usoo dhaweeyeen Musharaxiinta iyo dawladda Puntland, ayna ku sheegeen mid taariikhi ah.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is what it is all about, setting together and making a common breakthrough, now we can have our race and then eat our cake..

 

Puntland is moving forewrad...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khilaafkii Doorashada Puntland oo heshiis laga gaaray (Sawiro)

Saturday, December 20th, 2008 at 4:10 pm

Horseed Media

Garoowe

 

Musharixiinta oo wada taagan

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Kulan Maanta lagu qabtay ayaa Meesha Looga saaray khilaafkii dhinaca Arimaha Doorashada ku saabsanaa Ee Beryahanba u dhaxeeyey DGPL iyo Musharaxiiinta isu soo taagay jagada Madaxtinimo ee Puntland.

 

Kulanka Oo ahaa mid saacado maanta ka socday Qaybta lagu shiro ee wasaarada Haweenka iyo horumarinta Qoyska Oo ay gudoominaysay wasiirada Haweenka iyo arimaha Qoyska Marwo Caashe Geelle Diiriye waxaa Goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Iyo ku xigeenkiisa xasan Daahir Maxamud iyo Badi Musharixiinta Jagada Madaxtinimo ee Punltand isu soo taagay oo Uu horkacayey Gudoomiyaha Gudida Musharixiinta Murash Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole

 

Intii uu kulankaasi socday waxaa lagu faaqiday oo dhinacyo Badan laga eegay khilaafka dowlada iyo murashixiinta u dhaxeeyey iyo sidii lagu xalin lahaa , waxaana Dib loo eegay Gudida xalinta Khilaafaadka ee Dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Cadde Muse oo murashixiintu kasoo horjeesteen iyagoo laxiriiray in ay yihiin dad xiriir dhow laleh Dowlada shakhsiyaadka Gudida xalinta loo magacaabay

 

Hadalo fool ka fool ah oo ay isdhaafsadeen murashixiinta iyo DGPl ka dib ayaa waxaa lagaaray ugu danbeyntii Heshiis Dhowr qodob ka kooban oo noqday kii kowaad ee Meesha ka saaray khilaafkii iyo Mad madowgii soo kala Dhexgalay dhowaan Madaxda Dowlada iyo Musharixiinta Isu soo taagay Jagada Madaxtinimo ee punltand .

 

waxaana heshiiskaasi Oo ay saxaafada u akhrisay markii shirkaasi soo dhamaaday Wasiirada haweenka iyo Horumarinta Qoyska Caasho Geelle uu dhigayaa

 

in Sadex (3)xubnood oo ka mid Gudidii xalinta ee Madaxweynuhu hore u magacaabay lagu bedelo sadex kale Oo ay soo Magacaabayaan Isimo 8 ah Oo uu Gudoomiye u yahay Boqor C.laahi Boqor Muuse kuwaasi Oo laga soo xulay dhamaan Gobolada puntland.

 

Heshiiska ayaa sidoo kale Ogolaanaya in Amaanka Oo wakhtiga Doorashada uu gacanta ku haynayo Maamulka hada jira ay caawin doonaan Isimada Sideeda ah (8) ee lasoo xulay , waxaana shaqada isimadaasi ka mid ah in ay Laxaliyaan Dowlada Caqabad kasta iyo wax kasta oo yimaada xiliga doorashada Oo adkeynta amaanka iyo khilaafaadkasta oo yimaadaa ka midyihiin .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda PL iyo Mushariinta oo heshiis wada gaaray

20 Dec 20, 2008 - 6:09:21 AM

 

Murashaxiinta & Madaxweynaha Puntland/GO

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta caasimada Puntland heshiis ku wada gaaray DGPL iyo Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynenino ee Puntland, iyadoo heshiiskan ay wada gaareen labada dhinac isu keenistooda ay lahayd Marwo Caasha Geelle Diiriye oo ah Wasiiradda haweenka iyo arrimaha Qoyska ee PL.

 

Khilaaf mudo u dhaxeeyay Musharaxiinta PL iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo Gen. Cadde Muse Xersi ayaa meesha ka baxay, kadib markii labada dhinac ay wada gaareen qodobo muhiim u ah dorashada la filayo iney dhacdo horaanta bisha Janaayo iyo nabadgelyada, waxaana qodobadaasi ay ku wada heshiiyeen warbaahinta ugu war bixisay Marwo caasha Geelle Diiriye, qodobdaasi oo kala ah sidan:

 

 

Waxaa laga wada heshiiyay dhaman wixii is faham waa iyo khilaafad ee u dhaxeeyay musharaxiinta iyo xukuumadda ee ku aadanaa doorashada Puntland 2009 Waxaa Dowladda iyo Musharaxiinta isla garteen iney Isimadu soo gudbiyan Sadaxdii xubnood ee guddiga khilaafaadka uga qeybgeli laheyd gobolada Ceyn, Mudug iyo Nugaal.

 

Waxaa go'aan lagu gaaray in Nabadgelyada guud iyo xasilinta xiliga doorashada ay mas'uul ka tahay DGPL, wixii fududeyn iyo kormeer ahna ay la wadayaan 8 Isim oo soo jireen ah oo la isla ogolaaday.

 

Waxa go'aan lagu gaaray Musharaxii la yimaada burburin lid ku ah midnimada iyo jiritaanka Puntland in meel looga soo wada jeesto.

 

Waxaa go'aan lagu gaaray in Shuruucda iyo howlaha guud caadiga ah ee dowladdu laheyd sidoodii caadiga aheyd u wataan, musharaxiintana garab ku siiyaan.

 

In Sideed Isim ay howsha xalinta iyo khilaafadka ay kala shaqeyan guddiga khilafadka In wixii ku saabsan ugida amniga ay ciidamada PL kala shaqeyaan Isimada magacyadoda kala yihiin Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Suldaan Saciid Suldaan C/salaan, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Faarax Xaaji Cabdullaahi, Garaas Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Jaamac Garaad Cali.

 

Intaasi kadib ayaa Madaxweynaha MGPL Cadde Muuse Xersi uu sheegay in maanta ay tahay maalin Mahad Ilaah, isagoo sheegay in wixii khilafad oo dhan ee u dhaxeyay Musharaxiinta iyo Dowladda soo af-jarmay, isla markaana Musharaxiinta oo dhan iyo xukumadiisa ay si wanagsan uga hadleen marxalada adag ee xiligan Somaliya mareyso, isla markaana ay isla garteen inmeel looga soowada jeesto.

 

Cadde Muse wuxuu u mahad celiyay Caasho Geelle oo uu sheegay in ay iyadu soo abaabushay arintan wanaagsan oo uu ku tilmaamay guul la gaaray.

 

Sidoo kale waxaa isna Saxafadda ugu warbixiyay heshiiska dhexmaray labada dhinac Guddomiyaha Musharaxinta PL Md.C/raxman Maxamed Farole oo sheegay in ay ku heshiiyeen, wixii khilaafaad ah ee u dhaxeeyay labada dhinac, isagoo sheegay in ay ku islagarteen in wixii maslaxada Puntland meel looga soo wada jeesto isla markaana ay isku aragti ka yihiin in wixii dhibaato kasta oo dibada ka ah Puntland ay isku aragti ka yihiin.

 

Ugu danbeyntii Musharax Faroole ayaa mahad ballaaran u soo jeediyay Wasiiradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska Marwo Casho Geelle oo uu ku amaanay dadaalkeeda ku aadan dib u heshiisiinta iyo mideynta Musharaxiinta iyo xukuumadda.

 

Heshiiskaan ayaa waxaa in guul laga gaaro sababey Issimadii kasoo shaqeeyey muddo 14 Berri gaareysa, isku duubnaanta Musharaxiinta iyo dadaalka Wasaiirada Huramarinta qoyska Caash Geele.

 

Radio garowe,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am impressed by the great strides made by the Puntland authorities in recent years to embrace democracy. Despite this, Puntland continues to be a lawless and fragmented state of somalia.

 

What exactly does the so-called Doorasho hope to achieve or is it a smoke screen to hide the worsening humanitarian crisis and abject poverty in Puntland.

 

Also Mr. Duke, will the elections take place in Sool and Saanag? will they be observed by international observers? and since the overwhemling majority of the candidates are from Puntland will the elections be extended to Gedo and southern regions?

Share this post


Link to post
Share on other sites

DOBBS: Adeer candidates from [sOOL, SANAAG, CAYN, MUDUG, BARI & NUGAAL] are competing. One of the top candidates is Gen Andullahi Jama Ilka-Jiir, who's base is SANAAG.

 

You touched on the poverty of Puntland, its true its a poor region however its proporous relative to other parts of the Somali republic.

 

The last point about Gedo, and the South, I did not get. Puntland borders are well known. Our kinsmen in the South need to work with their fellow Somali's to set up local admins.

 

We might be having our fourth Presdient in 10 years, that would be something..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Adeer Duke,

 

I understand that Sool and Sanaag are also inhibited by people who have allegiance to Somaliland, will they be allowed to express their votes or will the elections be limited to those who are considered to be in favour of Puntland? How do you reconcile the split in people’s allegiances to other nation-states?

 

How does puntland hope to rectify its border disputes with Somaliland? Are these borders based on populations or clearly defined territorial borders? If it’s based on population, how come the Somalis in Ethiopia can’t participate in Somali elections?

 

I think this pre-emptive and aggressive expansionism form of politics is very detrimental to the future of puntland!

 

And lastly - 4th president in 10 years is indicative of instability and volatility of puntland, and if I may say so this is the first time a truly representatives elections are taking place in Puntland!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this