Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Rayaale Siilaanyo Meet Face to Face ,,,

Recommended Posts

Madaxweynihii hore ee Somaliland ee xilka sii haya Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” ayaa maanta markii ugu horeysay si wadjir ah kulan gaar ah ugu yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

 

Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin ayaan wax war ah laga soo saarin ujeedada ay u wada kulmeen iyo waxay ka wada hadleenba, hase yeeshee sida uu Madxweyne Rayaale hore ugu balan qaaday waxa la filayaa inay isla meel dhigayeen sidii ay xilka ula kala wareegi lahaayeen.

 

Kulankan oo qaatay muddo kooban ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid hordhac ah oo ay labada Madaxweyne isku salaamayeen maadaama Olole iyo xurguf siyaasadeed oo adagi soo kala dhex martay si ay isku lab xaadhaan oo masuuliyada Qaran ee saran si miyir qabta ugula kala wareegaan, waxaana la filayaa ka hor mudada xil wareejinta inay kulamo kale wada yeeshaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (HWN) Madaxweyneha la doortay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) ayaa maanta markii ugu horeysay booqasho ugu tagay madaxweyneha hada xilka ka sii degaya Mud. Daahir Rayaale Kaahin.

 

Booqashadan oo sida ay wararku sheegayaan qaadatay muddo kooban ayay labada hogaamiye salaam ka dib kaga wada hadleen xaalada uu dalku ku sugan yahay iyo sida ugu fiican ee lagaga bixi karo.

 

Waxa kale oo ay wararku intaa ku darayaan in Madaxweyne siilaaanyo iyo madaxweyneha hada xilka ka sii dagaya Mud. Daahir Rayaale Kaahin ay ka wada hadleen arrimo iyaga gaar u ah.

 

Kulankan oo ahaa mid aanay cidi ku wehelinaynayn ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan labadan masuul.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ujeedada kulanka Madaxweynaha cusub iyo madaweynaha hada xilka ka sii degaya, balse waxa loo badinayaa in uu ku saabsan yahay sidii ay xukuumada ay hada taladeedu dhamaatay xil isaga saari lahayd hantida qaranku uu leeyahay.

 

Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay Madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo iyo Madaxweynaha hada xilka sida ku meel gaadhka ah u hayaa ay isku soo hor fadhiistaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

President-elect Ahmed Mohamed Silaanyo paid a surprise visit to the outgoing President Dahir Riyale Kahin in his office on Sunday morning.

 

A source close to the new president said the purpose of his visit was to warmly greet and congratulate the outgoing President. It added, the new President was amazed how well Mr Riyale reacted and conceded defeat. Silaanyo was quoted saying: “It’s the sign of a true leader who comes forward and concedes defeat.”

 

The two also forgave each others for what each said to the other over the years.

 

Mr Riyale who took office in May 2002, after the death of Mohammed Haji Ibrahim Egal, will be remembered for bringing stability to Somaliland and strengthening democracy in the country despite the many election delays.

 

The two leaders plan to meet again tomorrow in the presidential villa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

this is to plan for the hand over of power but also to brief the president in regards to state security such as millitary information and other security matters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this