Sign in to follow this  
General Duke

FM:Oomaar thrown under the bus

Recommended Posts

Khilaaf markii ugu horeysay soo kala dhexgalay dowladii qunyar socodka ahayd ee SH. SHariif

Posted to the MOL March 23, 2009, 10:59 am

 

Waxaa markii ugu horeysay soo ifbaxay khilaaf ka dhexjira dowlada SH. SHariif. Khilaafkaan ayaa la xiriira baaq uu dhawaan magaalada New York ka sii daayay wasiirka arimaha dibada ee Somaliya Maxamed Cabdillaahi Omaar. Baaqaas oo uu ku sheegay Mr. Omaar in Somaliya loo soo diro ciidamo ka socda beesha caalamka oo dowlada ka caawiya sidii loo soo celin lahaa kala dambeyntii.

 

Waxaa isla markiiba hadalka wasiirka arimaha dibada ka soo horjeestay wasiirka warfaafinta oo sheegay inaysan qorshaha ugu jirin dowlada in ciidamo dambe oo ajnabi ah la keeno. Waxaa kaloo hadalka wasiirka arimaha dibada ka soo horjeestay Qaar ka mida xubnaha Barlmaanka Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo culumaa’udiinka Muqdisho ee xulufo la ah sh. Shariif.

 

Sheekh Bashiir Sh. Axmed oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed , oo ah hay’ad dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in codsiga ka soo baxay xukuumadda dib loogu noqdo, isaga oo dhinaca kalena beesha caalamka ugu baaqay in ummadda Soomaaliyeed ay go’aan ka gaareen ciidan shisheeye. Waxa uu sheegay in aan loo baahnayn kuwo cusub, isla markaana ay tahay in la celiyo kuwa hadda jooga waddanka. Hadalkaas sheekh Bashiir ayaa maanta waxaa ku raacay Sh. Shariif lafahaantiisa oo magaalada Khartuum ka sheegay inay wadaan qorshe ay ku saarayaan ciidamada Amison ee hadda Muqdishu jooga.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Thank you sxb, but that has been resolved without the usual hype and scramble that were evident in previous governments.

Anything else?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^how was it resolved? Did he apologise and retract his long statement?

 

Also why did he make that statement if he did not have the support of the PM, cabinet and President?

 

Do explain saxib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

anig mar mar waxan is yidhaha dawlad sh sharif manay shiriin baa wasiirka arimaha diibada wax bu leeyahay sheekada waxa beeninnaya wasiirka warfaafinta golaha wasiiradu manay shiirin ba.

wamaxay dawladan hadalkeeda is burinaysa. mid ba micrfoon buu qaadanaya af bu ku hadlaya. dawladu wa inay shirtu golaha wasiiradu wa inay go aan kaliya la soo baxaan looooooooool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/W Sharmarke" Mr Oomaar Waa in uu Raligelinka bixiya Hadalkii ka sooyeeray"

 

Raiisul wasaaraha Dowlada Soomaaliya Mr Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke aya Jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray Wasiir ka mid ah Golahiisa Wasiirada Soomaaliya Wasiirka Arimaha Dibada kaasi oo ahaa in Dowlada Soomaaliya ay ciidamo ka Dalbadatay Beesha Caalamka .

 

Waxuuna R/Wasaaruhu sheegay in hadalkaasi uu ku fududaaday Wasiirka Arinaha Dibada oo aysan la Qabin Golaha Wasiirada Soomaaliya waxuuna intaasi raaciyay in kulankii Maanta Golaha Wasiirada ay isgu yimaadeen Looga Wada Hadlay Amurtaasi ayna ka soo saareen in wasiirka Hadaladaasi ku dhawaaqay Waa wasiirka Arimaha Dibade ee uu raaaligelin ka bixiyo asagoo la hadlaya Idaacadaha Caalamka .

 

Raiisul wasaare Sharmaarke Ayaa Sheegay in hadalkaasi uu wal wal iyo walaac ku abuuray Gebi ahaan Umada Soomaaliyeed Gaar ahan Umada Soomaaliyeed eek u dhaqan Magaalada caasimada Ah ee Muqdisho

 

“Hadalkani waxaa uu xasaasiyad ku kiciyay Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana amreynaa Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Midnimada Qaran Mr Oomaar in uu sida ugu dhaqsiyaha Badan Raali gelin ka bixiyo Arintaasi” Sidaasi waxaa yiri Raiisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke .

 

Ugu dambeytii tan iyo Markii ay Soo baxday in Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Soomaaliya uu Ciidamo Shisheeye Dalbaday inla keeno Gudaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa siweyn uga Hadlay culimaaudiinka Odayaasha Dhaqanka iyo weliba Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed kuwaasi oo kalsoonida kala noqongaaray Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya .

 

Cali Max’ed Axmed Cali Luckyman

SBCInternational- Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

^^^how was it resolved? Did he apologise and retract his long statement?

 

Also why did he make that statement if he did not have the support of the PM, cabinet and President?

 

Do explain saxib.

Nuur Caade wuxuu yiiri, maya Yeey ba saan yiiri, no no no Jengeli ba kadaba hadley and the comic fiasco that ensued.

Those days are History. The PM has already given his view regarding this and thus it is a bygone now and hopefully such mistakes will not recur again.

Anything else?

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think they requested the troops the PM knew the President knew and th cabinet knew. But then thy say one thing to the Western media and another to the Somali media and think its smart policy.

 

Why did he tour, Burundi, Uganda, Ruwanda if he was not requesting troops and assistance?

 

Why were there a fresh batch of 500 new AU troops in Mogadishu just last month?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

yes bringing troops is sin and hypocritical one as well. you cried and protested against foreign military interventions and now you lobbying to get them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

OOMAAR: “Waan ka xumahay in hadal aan sheegay uu laab kiciyo bulshadeyda, waxaana muhiim ah inaan isla fahamno ujeedka hadalkeyga”

Oomaar.jpg

 

Maxamed C/llaahi Oomaar Wasiirka arimaha dibadda Doladda Midnimada Qaran ayaa ka hadlay hadal baryahan buuq badan ka dhaliyay Golayaasha Dowladda dhexdooda, kaasi oo uu ku saabsanaa ciidamo nabad ilaalin oo la keeno Soomaaliya, si loo xasiliyo ammaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Max’ed C/laahi Oomaar oo xalay u waramayay Warbaahinta gudaha isaga oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa

sheegay inuu si weyn uga hadalkiisa uu sheegay inuu kiciyay Dowladda uu ka tirsan yahay iyo madaxda sarsare iyo waliba bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

 

“Waan ka xumahay in hadal aan sheegay uu laab kiciyo bulshadeyda, waxaana muhiim ah inaan isla fahamno ujeedka hadalkeyga” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Soomaaliya oo sheegay in dowlad iyo shacabba ay ku mideysan yihiin rabitaanka ah in dalka ay u helaan tababarka ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka dalka oo dhan.

 

Mar uu ka jawaabayay Maxamed C/llaahi Oomaar hadalka ku saabsan dalabka ciidamada shisheeye in dalka keeno ahaa ee isaga ka soo yeeray waxa uu ula jeeday, ayuu yiri “Ciidamada aan ka hadlayo waa kuwa haatan dalka jooga ee Burundi iyo Uganda, kuwaas oo markii ay joogaan saddex biloodba la bedelayo” ayuu yiri Wasiirka oo dhinaca kale sheegay inay Midowga Afrika ka dalbadeen in Dowladda Soomaalikya ay u tababaraan ciidamadeeda.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this