Sign in to follow this  
Jabhad

Tigre militia have there eyes on Berbera port.

Recommended Posts

Jabhad   

Xadhiga Hogaamiyayaasha Ururka Qaran: Tibaaxyo iyo Tuhuno Ah In La Keeno Ciidamo Itoobiyaan Ah Somaliland

Posted on Thursday, August 02 @ 15:09:37 PDT by admin

 

 

 

 

"Waxa La Wadaa Is Bedelo Ciidamada Dhexdiisa Ah, Waxaan Aad u Tuhunsanahay In La Wado Qorshe Lagu Keenayo....."...Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Qaranka.

 

Hargeisa, August, 02, 2007 (Somaliland Today)- Xadhiga hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose,Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo xukuumadda M/weyne Riyaale xabsiga Mandheera u taxaabtay maalintii Sabtidii ee bishii hore ee July ay ahayd 28-kii ayaa tibaaxaha iyo tuhunada soo baxaya ee la xidhiidha xadhigooda lagu xidhiidhinayaa in uu yahay mid ka yimi dhinaca dawlada Itoobiya oo xukuumadda M/weyne Riyaale ka dhexeeyo gacan saar iyo xidhiidh saaxiibtimino ee labada dhinac.

 

Wararka isa soo taraya ee la xidhiidha xadhiga siyaasiyiinta Ururka Qaran waxay sheegayaan in maamulka M/weyne Riyaale damacsan yahay in uu ku eedeeyo siyaasiyiinta ururka qaran inay yihiin kuwo xidhiidh la lahaa kooxihii maxaakiimta islaamiga ee lagaga adkaaday Muqdisho, taasoo ay dalliil u tahay hadalo ka soo yeedhay dhinaca xukuumada M/weyne Riyaale gaar ahaan xoghayaha guud ee xisbul xaakimka UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale oo shirjaraa'id oo uu maalintii Salaasadii ee bisha July ahayd 31ka ku qabtay xarunta xisbiga UDUB ee caasimada Hargeysa.

 

Waxaanu Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ku eedeeyay hogaamiyayaasha urur siyaasadeedka qaran inay wadeen isku dayo ay ku wiiqayaan xasiloonida dalka isla markaana ay xidhiidh la lahaayeen kooxihii maxaakiimta islaamiga ahaa ee muqdisho lagaga xoog roonaaday iyo inay yihiin niman sifo aan sharci ahayn wax ku doonaya.

 

Dhinaca kale Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna 31-kii Jully shirjaraa'id ku qabtay xafiiska xisbiga Kulmiye ee Hargeysa ayaa sheegay inay caddaymo hayaan in xukuumada M/weyne Riyaale ku oogayso siyaasiyiinta ururka qaran dacwada ku malo awaal ah oo ku saabsan inay xidhiidh iyo gacan saar la lahaayeen maxaakiimtii islaamiga ahaa ee laga saaray Muqdisho.

 

Waxaanu Afhayeenku ku dooday inay markhaati cad u ahayaan dacwada iyo eedanyta xukuumada,isagoo ugu baaqay xukuumada M/weyne Riyaale inay si shuruud la'aan ah ku sii dayso siyaasiyiinta ururka qaran.

 

Dhinaca kale ilo u dhuun daloola hogaanka ciidamada qaranka Somaliland waxay tibaaxeen inuu jiro qorshayaal xukuumada M/weyne Riyaale ku doonayso inay dalka ku soo geliso cutubyo ciidamo itoobiyaan ah, kuwaas oo shaki laga muujiyay talaabooyin dhawaan hogaanka taliska ciidanka qaranka Somaliland kaga saaray qoysas dan yar ah oo deganaa guriyihii miiska saraakiisha halkaas oo la sheegay in loo baneeyay dhawaan qaarkood laguna arkay saraakiil ka socday ciidamada itoobiyaanka oo ka yimi dhinaca dalka itoobiya.

 

"Waxa la wadaa isku bedel iyo isku shaandhayn lagu doonayo in ciidamo badan oo halkan [Hargeysa] jooga lagu damacsan yahay in lagu geeyo fadhiisimaha bariga iyo galbeedka ee ciidamada qaranka, waxaanaan tuhunsanahay qorshe lagu keenayo guuto ama laba ciidamo itoobiyaan ah oo la doonayo illaa Berbera iyo Hargeysa inay fadhiisimo ka samaystaan; saraakiil itoobiyaan ahna wayba noo yimaadaan maalmona way nala joogeen" .....sidaa waxa Somaliland Today u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada qaranka oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa oo jooga Hargeysa mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

 

Si kasta ha ahaatee waxa la dhawrayaa eedaymaha xukuumaddu ku soo oogto hogaamiyayaasha urur siyaasadeedka Qaran oo la filayo in horraanta todobaadka soo socda la hor geeyo maxkamad ku dhex taala xabsiga Mandheera oo horeba loogu dhex xukumay madaxdii iyo weriyayaashii wargeyska madaxa banaan ee Haatuf oo mudo sadex bilood ka badan ku xidhnaa xabsigaas.

 

Somaliland Today Newsdesk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Waxey Ethiopia dhawrkii sanadood ee u danbeyaba kontaraak ku heysatay in ay waxa kala soo dagto dekeda weyn ee magaalad berbera, waxey mudadaaba kala soo dageyeen koontiinaro (Containers) aad u waaweyn oo aanay waxba ka ogeyn maamulka dekedda Berbera iyo waliba maamulka sare ee dawlad somaliland, taaso aheyd mid nasiib daro ku ah maamulka soomaliland sheeganaya ee maalin kaste la gudbin jiray koontiinaro waaweyne oo anay waxba kala socon oo dalkoodi ka soo dagay islamarkan laga gudbinayo, taasin waa ta maanta ina dhaxal siisay in la baadho madaxdeeni oo joogta gurigoodi.

 

Mas'uuleyntii Ethiopianka ah ee berbera iman jirey kana daabul jiray kontiinarada waxey aad uga soo hor jeeden in la baadho ama cidii wax weydiiso waxa ku jira kontiinarada waaweyne, isla markaan dad badani waxey la hayeen ama aaminsanayeenba inuu yahey hub iyo saanado mililtari.

 

Haddaba waxey dawlad mareyku sheegtey mudo laga joogo dhowr bilood in ay dawlad Ethiopia hub fara badan ka soo iibisatay waqooyiga korea, warbixinta mereykanka ay i noo cadeynaysa in ay dawladda ethiopia

 

http://www.hargeysanews.net/index.php?name=News&file=article&sid=406

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa la wadaa isku bedel iyo isku shaandhayn lagu doonayo in ciidamo badan oo halkan [Hargeysa] jooga lagu damacsan yahay in lagu geeyo fadhiisimaha bariga iyo galbeedka ee ciidamada qaranka,

And what is wrong with that ??? , a government have all the right to do whatever they want among the military personnel ,,,,,,,,, they can move bases, exchange individuals and manage the movements ,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dhinaca kale ilo u dhuun daloola hogaanka ciidamada qaranka Somaliland waxay tibaaxeen inuu jiro qorshayaal xukuumada M/weyne Riyaale ku doonayso inay dalka ku soo geliso cutubyo ciidamo itoobiyaan ah, kuwaas oo shaki laga muujiyay talaabooyin dhawaan hogaanka taliska ciidanka qaranka Somaliland kaga saaray qoysas dan yar ah oo deganaa guriyihii miiska saraakiisha halkaas oo la sheegay in loo baneeyay dhawaan qaarkood laguna arkay saraakiil ka socday ciidamada itoobiyaanka oo ka yimi dhinaca dalka itoobiya.

 

"Waxa la wadaa isku bedel iyo isku shaandhayn lagu doonayo in ciidamo badan oo halkan [Hargeysa] jooga lagu damacsan yahay in lagu geeyo fadhiisimaha bariga iyo galbeedka ee ciidamada qaranka, waxaanaan tuhunsanahay qorshe lagu keenayo guuto ama laba ciidamo itoobiyaan ah oo la doonayo illaa Berbera iyo Hargeysa inay fadhiisimo ka samaystaan; saraakiil itoobiyaan ahna wayba noo yimaadaan maalmona way nala joogeen" .....sidaa waxa Somaliland Today u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada qaranka oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa oo jooga Hargeysa mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

I would be surpised if this is one of the candidates for the new imperial sorry Africom command proposed by the Yanks. Somalilands friends Peter Pan sorry Pham might persuade them :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

We are not talking about local movements ordered by Riyaale mafia adminstration sxb, we are talking about Ethiopian military personell moving in not as trainers but as occupiers sxb. Tell us JB, is Riyaale not capable of protecting the movements of Ethiopian goods in and out of Berbera port?

Share this post


Link to post
Share on other sites

So you people, what is this sudden feel for somaliland huh ?? ...... Mogadishu is occupied saaxiibayaal and joining somalia means joining Ethiopia for the moment ,,,, weren't you calling for that ???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jabhad:

We are not talking about local movements ordered by Riyaale mafia adminstration sxb, we are talking about Ethiopians military personell moving in sxb. Tell us sxb, is Riyaale not capable of protecting the movements of dangerous Ethiopian goods in and out of Berbera port?

that is a deal between two governments sxb ,, whateva goods they can use Berbera port and that is it. You better talk about the occupied Mogadishu where they directly manage instead of manipulating lies on Somaliland and their relations ,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

JB wrote:

that is a deal between two governments sxb ,, whateva goods they can use Berbera port and that is it. You better talk about the occupied Mogadishu where they directly manage instead of manipulating lies on Somaliland and their relations ,,,,,,,,,,

Sxb you are part of the problem. Unlike other independent ports such as Mombasa, Djibouti or Port Sudan, the mafia adminstration controlled port of Berbera is a gateway for Tigre militia to bring dangerous goods from North Korea and other places without fear and possible such weapons are used against innocent civilians in Xamar. Its our right to talk about anything contributing the 7 month Tigre occupation. And sxb, there might not be tens of thousands of Tigre militia and their tanks in your cities and towns, but your man Riyaale submits his reports of whats happening there daily to his master Meles just like Yeey and Geedi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

might, maybe and think are not gonna work to judge a whole nation and its leaders sxb ,,,, bring figures and proof or you better keep silent and commit a suicide bomb in Mogadishu if you have the balls

 

 

You don't have the right to receive a list of what has been imported through Berbera port ,,, don't be arrogant sxb you are not there yet.

 

We have the right to agree with anyone on our land and no one is gonna dictate us ,, that is a history.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

code:

waxey mudadaaba kala soo dageyeen koontiinaro (Containers) aad u 

waaweyn oo aanay waxba ka

ogeyn maamulka dekedda Berbera

iyo waliba maamulka sare ee dawlad

somaliland,

http://www.hargeysanews.net/index.php?name=News&file=article&sid=406

 

Sxb don't you think its unfair not to search big Ethiopian containers coming in from Berbera port when your leaders are being thoroughly searched when boarding Ethio airline.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this